Wahsi-Dhaqaaqa Siyaasadeed ee Hoggaanka Muqdisho iyo Horumarka Somaliland

Published on May 05 2018 // Maqaalo
W/Q Cabdi Cumar Boobe Warsaxaafadeedkii CabdiWeli Gaas, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, uu 26kii April 2018 Dubai ka jeediyay waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa mid xambaarsanaa aragti siyaasadeed iyo qorshe lagu hirgalinayo oo lagu kasbanayo, lana doonayo in hoggaanka siyaasadeed...

Qalabka Military Ee Ka Qayb Qaadanaya Dagaalka Suuriya Iyo Farriinta Ay Gudbinayaan Xulafada Reer Galbeedku

Published on Apr 15 2018 // Maqaalo
Qalabka Military Ee Ka Qayb Qaadanaya Dagaalka Suuriya Iyo Farriinta Ay Gudbinayaan Xulafada Reer Galbeedku
Rashiid odowaa Saqdii dhexe Sabtidii 14 April 2018 ayay ku bilaabeen maraykanka iyo Xulafadiisu gantaalaha waddanka Suuriya iyagoo beegsanaya sida ay sheegeen Xukuumadda ka talisa Suuriya oo u isticmaash  hubka kimikada ah dad shicib ah hubkan oo ay sheegeen in laga mamnuucay Adduunka in la isticmaalo...

Is-Diiddooyinka Miisaaniyadda 2018

Published on Apr 14 2018 // Maqaalo
Is-Diiddooyinka Miisaaniyadda 2018
W/Q. Cabdifataax Rashiid Maxamed “Arsenal” Waxaan falanqayn kooban ka bixinayaa miisaaniyadda qaranka 2018 ee ay golaha Wakiillada Somaliland dhowaan ansixiyeen. Waxaan si guud mar ah u soo bandhigi doonaa sida aanay miisaaniyaddani uga turjumayn baahida bulshada iyo adeegyada ay u baahan yihiin....

Faallo: Buugga Amiina Al Mufti

Published on Apr 11 2018 // Maqaalo
Faallo: Buugga Amiina Al Mufti
Saddaam Xuseen Carab Siddeed saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u adeegaysay Mossad. Waa sheekada...

Hoggaan Hagaagsan, Hurumar Habaysan Dadwayne Hanuunsan 

Published on Mar 25 2018 // Maqaalo
Hoggaan Hagaagsan, Hurumar Habaysan Dadwayne Hanuunsan 
Mawliid Saleban Gaboobe Gaadhitaanka yoolka bulsheed ee dunida tartamaysaa waxa uu ku xidhan yahay fahan qoto dheer oo laga helo guud ahaan habka iyo hannaanka bulsho u dhaqan tahay iyo arrimaha togan ee ay ku taamayso. Sida aan ku rajo weynahay, haddii si qummaati ah looga fekero weyddiimo darandoorri...

Heshiiska DP World Dhibtiisa Iyo Dheeftiisa Maxay Xukuumadu Shacabka Uga Qancin La’dahay?

Published on Mar 21 2018 // Maqaalo
Heshiiska DP World Dhibtiisa  Iyo Dheeftiisa Maxay Xukuumadu Shacabka Uga Qancin La’dahay?
Dr Adaam Ismaaciil Xassan Sida la ogyahay waxa muran badani ka taaganyahay heshiiska DP World ay la gashay Somaliland. Doodani ma khusayso Somaliya sababta oo ah waxan aaminsanahay cida ay wax ka go’aan waa reer Somaliland iyo dawladooda. Hadaba bal aan heshiiska si dheer u faaqidno (in depth analysis). Xukuumadii...

Ma Riwaayad Baa Wada Hadallada Somalia Iyo Somaliland

Published on Mar 10 2018 // Maqaalo
Ma Riwaayad Baa Wada Hadallada Somalia Iyo Somaliland
Dalkii la odhan jiray Somalia, markuu ka qaatay Talyaanigii xornimadiisii, kawdii July 1960kii, ka hor intaanu dhicin midawgii Somalia iyo Somaliland, ayuu Aadan Cabdulle Cismaan, oo Madaxweyne Kumeelgaadha ahaa, u qoray Qaramada Midoobay codsi uu ku doonayay in  lagu ogolaado, keliya,  xubinimada...

Siyaasaddu Ma Laha Saaxiib Ama Cadaw Joogto Ah

Published on Mar 08 2018 // Maqaalo
Siyaasaddu Ma Laha  Saaxiib Ama Cadaw Joogto Ah
Cabdiraxmaan Cadami Qoraalkan koobani wuxuu jawaab u yahay dadkii la yaabay magacaabista ambassador Maxamed Warsame Ducaale oo ka mid ahaa madaxdii ka dhex muuqatay xisbiga Waddani oo madaxweyne Muuse Biixi u xushay in uu noqdo wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay. Haddaba distoorka Somaliland...

Mahandsanid Nabi Muusoow

Published on Mar 08 2018 // Maqaalo
Mahandsanid Nabi Muusoow
W/T: Xamse Cumar Kujoog…(Qormada 2aad) Mahadsanid  Nabi Muusoow, sheekadaadu waxa ay i bartay; in dadku ay raalli ku kala noqon karaan oo keli ah, wixii marba ay ku heshiiyaan, geesiga iyo gobtuna uu yahay qofka ilaaliya wixii lagu heshiiyay. Maad kaxaysan xaaskaagii iyo qoyskaagii jeer oo aad...

Itoobiya Way Kurbanaysaa

Published on Feb 22 2018 // Maqaalo
Itoobiya Way Kurbanaysaa
Cabdiqaadir Dayib Askar Wadankii ugu dhaqaale korniinka badnaa dunidu wuu bukoonaya. Waxa halis ku jira jiritaankiisii, duniduna farta ayey wadnaha ku haysaa. Afartii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya waxa lugaha ugu duubmay maro-boob siyaasadeed iyo mid amni-darro. Sumcaddii diblumaasiyadeed ee ay...

Aqoonsi Raadisku Waa Oodo Dhacameed

Published on Feb 17 2018 // Maqaalo
Aqoonsi Raadisku  Waa Oodo Dhacameed
Danjire Cali Aadan Cawaale Asalaamu caleykum, Qormadan sidata cinwaanka Aqoosigu waa oodo dhacameede siday u kala sarreeyaan aan u kala gurro waxay u horraysaa dhawr qormo oo aan kaga hadli doono dadar gelinta aqoonsiga dalkeenna, maantana waxan ku soo qaadanayaa Passport-ka Somaliland oo hiil qaran...

Cid Ma Leh !

Published on Feb 13 2018 // Maqaalo
Cid Ma Leh !
Faadumo Buuni Magacooda cidi ma taqaan cidna ma yaqaanaan. Hoy ma leh, mana haystaan meel ay u hoydaan ooy hurdo ka dayaan. Kulaylka Cadceeddu ma damaqdo mana diiriso. Halkay ugu dhacdo ayey haddana ugu soo baxdaa! Da’ ahaan Da’o badan bay iskugu jiraan. Ma yaqaanaan cidlada wayse ku caano maalaan.  Inta...

Dhalashadii iyo Dhimashadii Laybaraaliyadda Cusub

Published on Jan 28 2018 // Maqaalo
Dhalashadii iyo Dhimashadii Laybaraaliyadda Cusub
Qore: Sh. Cabdirisaaq Xasan Rakuub Qarnigii 20aad dunida waxa ka dhacay isbeddello siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa jiray in bulshooyinka dunida ku uummani la daalaadhacayeen dhibaatooyin dhaqaale oo salka ku haya fikrado lagu hirdamayey, fikradahaa oo waxtar iyo waxyeellaba lahaa. Qormadeennan waxa...

Hadal isugu jira Xaal-siin Wasiir. Maxamed Kahin, Talo u soo jeedin Madaxweyne iyo mid guud oo shacabka S/Land ku aaddan

Published on Jan 23 2018 // Maqaalo
Hadal isugu jira Xaal-siin Wasiir. Maxamed Kahin, Talo u soo jeedin Madaxweyne iyo mid guud oo shacabka S/Land ku aaddan
Abdi Halim M. Musa Anigoo in muddo ahba iska ka gaabsaday arrimaha siyaasadda iyo kuwa dhaqankaba, sababo aan mar kale ka warrami doono awgood, waxaa maanta nusqaan iigula muuqatay inaan ka aamuso ama ka hadal la’aado arrimaha maalmahan soo noqnoqday ee ka dhashay madaxdhaqameedka hadalada foosha...

Colaad Guun Ah Oo Farmaajo U Qabo Somaliland Ma Keeni Kartaa Isku Dhac Balaadhan Oo Dhex Mara S/L Iyo Puntland ?

Published on Jan 23 2018 // Maqaalo
Colaad Guun Ah Oo Farmaajo U Qabo Somaliland Ma Keeni  Kartaa Isku Dhac Balaadhan Oo Dhex Mara S/L Iyo Puntland ?
Eng. Bashe C Gaboobe  Jamhuuriyadda Somaliland iyo  maamulka Puntland waxa ka dhexeeya  daris wanaag, cilaqaad qaraabo mid xidid iyo xigaal, cilaqaad ganacsi oo taariihki ah. Laakiin waxa laysku maandhaafsan yahey waxa weeye, xukuumadda  Somaliland oo rabta iney sugto xuduudihi Somaliland ee Ingiriisku...

Madaxwayne Muuse iyo Waayaha Horyaal

Published on Jan 23 2018 // Maqaalo
Madaxwayne Muuse  iyo Waayaha Horyaal
Qore: Yuusuf Goodir Maxammed Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku beegan yahay qaran jiray rubuc qarni. Somaliland waxay la kowsatay HOGAAMIN la’aan taas oo ka dhigtay qaran si guracan u koray; waa qaran ka marin habaabay yoolkii uu higsan lahaa; waa qaran aanay hogaamin aqoonta casriga ahi. Waxaynu...

Hoggaan Daacad Ah Iyo Caqli Wanaagsan Ayaa Hodan Lagu Noqda

Published on Jan 13 2018 // Maqaalo
Hoggaan Daacad Ah Iyo Caqli Wanaagsan Ayaa Hodan Lagu Noqda
Cabdiraxmaan Cadami Dalalka dunida saddexaad qaarkood waxa laga helaa khayraad dabiici ah oo faro badan sida: Shidaalka, noocyo macdanaha ka mid ah, dhul beeraha hodan ku ah, xeebo dhaadheer iyo wabiyo aan gudhin; kuwo kalena ma laha khayraad lagu tilmaami karo, islamarkaana masaaxad ahaan waxay aad...

CAQLIYO AAN KORIN (Sociol Issues)

Published on Jan 04 2018 // Maqaalo
CAQLIYO AAN KORIN (Sociol Issues)
W/qoray: Axmedyasin sh Cumar Axmed Furre Xaaladan waaqiciga ah bulshada dhexdeeda waxay sii xoogaysanaya khilaafaadka asxaabta ,qaraabada,dhexdooda waxay cabasho badani ka jirtaa is dhexgalkii iyo xidhiidhkii bini aadanimo waxaa batay isku dhaca yar iyo wayn,jaahil,aqoonyahan,faqiir,taajir,tanina waxay...

Madaxweyne, Dhibta Dhaqaale Ee 1aad Ee Ina Haysataa Waa Qiima Dhaca Shilinka Somaliland, Ee Maaha Sicir-Barar

Published on Dec 30 2017 // Maqaalo
W/Q Yaasiin Yuusuf Dhammaan mahadi waxay u sugnaatay Allah, naxariis iyo nabadgelyana dushiisa ha ahaato nebigeenii Muxammed. Madaxweyne, waxaad ka soo saarteen shirkiinii wadatashiga wasiiradda qodobo dhowr ah oo ay ku jirto in la sameeyo guddi farsamo oo Sicir-bararka howshiisa gasha. Madaxweyne, Waxaa...

Maxa Ka Jira In Dawladda Ingiriisku Wax Ka Bedeleyso La Macaamilkeedii Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland?

Published on Dec 28 2017 // Maqaalo
Maxa Ka Jira In Dawladda Ingiriisku Wax Ka Bedeleyso La Macaamilkeedii Hore Ee  Jamhuuriyadda Somaliland?
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe Doorashadi Somaliland ka dhacdey 13 November, 2017 waxey soo jidatey indhaha caalamka maadaama ay u qabsoomtey si nabad gelyo iyo hufnaan ah ( Waxa lagu galey doorashada nidaamka Iris Biometric voter registration oy adag tahey in lagu noq noqdo ama la musuq maasaqo). Waana...

Mushahar Kordhinta Sannadka Cusub Ee Shaqaalaha & Ciidamada

Published on Dec 28 2017 // Maqaalo
Mushahar Kordhinta Sannadka Cusub Ee Shaqaalaha & Ciidamada
W/Q Cabdiraxmaan Cadami Madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an in uu si weyn wax uga qabto dhinacyada dhaqaalaha, maamulka iyo in uu la dagaallamo Musuqmaasuqa iyo ku tagri falka hantida umadda. Haddii si kale loo dhigo, wuxuu doonaya in uu dalka ku hoggaamiyo ama u jeexo jiho...

Baashoow, Waa Laguu Khaldamay Ee Umadda Ka Xishood

Published on Dec 26 2017 // Maqaalo
Baashoow, Waa Laguu  Khaldamay Ee Umadda Ka Xishood
Liibaan Maaweel Shire “Quruumahakan Wada Giigsan Baa Baalka Kaa Guri,Adigaaba Lagu Gaadayaa Waadan Garanayne Gaagaabso Oo Aamus Yaan Gaadh Lagaa Qabane”…waa Tuduc Ka Mid Ah Gabaygii Abwaan Ismail Mire Rabi Ha u Naxariistee Ee Gabaygiisii Gud-Gude. Waxa nasiibdaro ah oo qarankan ceeb ku ah in kooxdii...

Hoygaaga Hal Ka Eeg (Turn The Ship Around)

Published on Dec 21 2017 // Maqaalo
Hoygaaga Hal Ka Eeg (Turn The Ship Around)
 Axmedyaasin sh cumar axmed furre Dhagahu way iixirnaayeen,,dhaqaaqna iguma jirin, jarbaan iga xigay dhinackasta, hiilna hadalkiisaba daa balse waxaa igu jiray ididiilo Habeenkii dhamaadaa wuxuu igu dhaafayay mugdi,maalintii timadaadaana waayaheeda ayay wadatay runtii madowbay gashay waxaa la isiiyay...

Kaftanka Maanta, Kulmiye U Dhimo Oo Kulmiye Ku Dhimo Ilaahayoow Adaa Ka Garnaqi

Published on Dec 21 2017 // Maqaalo
Axmed Guruje Sheekaba sheeko ayay keentaye , waxa la yidhi , Waagii horre intii aan iskuulada iyo tacliinta casriga ihi geyiga soomaalida soo gaadhin , barashaduna ku koobnayd xadrooyinka culimada , dadku wuxuu ahaa mid kala soocan , oo qayb waliba lahayd dhaqan iyo dabeecad laggu yaqaano oo loogu soo...

Dumar Iyo Rag

Published on Dec 20 2017 // Maqaalo
W/Q: Sagal Maxamed Aadam Inaga oo da’aahaan is leeg ayaan ku daryeeli jiray. Inanta xaafada ayaan ahaa sidaa darteed ayaan kuugu dedaali jiray. Waagu marka uu beryo adiga masuuliyad baa ku saaran anigana dhowr.  Masuuliyada adiga ku saaran waan ka simanahay oo waa dugsigga. Dugsiga inaga oo u...

Doorka Agaasimaha Guud Iyo Hufnaanta Shaqada

Published on Dec 19 2017 // Maqaalo
Doorka Agaasimaha  Guud Iyo Hufnaanta Shaqada
W/Q Ubax Maxamed Maxamuud Agaasimaha Guud waxaa uu udub dhaxaad u yahay habsami u socodka shaqadda ha’yaddaha ama Wasaaraddaha dawladda ee uu joogo/joogto, waana mashiinka wareejiya dhamaan fulinta hawl maalmeedka shaqo ee ha’yadaas ama wasaaradaasi fulinayso. Taas oo qayb wayn ka ciyaaraysa fulinta siyaasadaha ...

Mashruuca Biyo Balladhinta Hargeysa Sababaha Ragaadiyey Iyo Cilldaha Ka Taagan

Published on Dec 19 2017 // Maqaalo
Eng, Maxamed Xassan Cismaan {Arnab} Aniga oo tixraacay khudbadii madaxwaynaha ee xil wareejinta oo ku salaysnayd in dhamaan dawlada iyo shacaba loo diyaar garoobo sidii looga qayb qaadan lahaa horumarinta dalka.waxa aan jeclaystay in aan madaxwaynaha iyo shacbiba reer Hargaysa la wadaago warbixin aan...

Hambalyo Ku Socota Maareeyaha Hay’adda Duulista

Published on Dec 19 2017 // Maqaalo
Hambalyo Ku Socota Maareeyaha Hay’adda Duulista
Saleebaan Cabdi Xuseen Waxaan halkan ka Hambalyeenayaa duuliye sare, Cabdi Maxamed Rodol  oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada oon anigu aaminsanahay in uu yahay haldoorkii Aviationkii Soomaaliyeed iyo kii Somali Airline. Waan jeclaan lahaa inaan...

Maansada Tusaale Iyo Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax

Published on Dec 15 2017 // Maqaalo, Warar
Maansada Tusaale  Iyo Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax
Maansada Tusaale  waa maanso cusub oo Abwaanka qaranka Xasan Dhuxul Laabsaalax kula dardaarmayo madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Muddane; Muuse Biixi Cabdi. Maansadan ayaa ah Mid Waano, Hogo-tusaalayn iyo Dardaaran ah oo uu ku socota Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Abwaanku waxa uu sidoo...

Hambalyo Sareeye Gaas Taliye Cabdilaahi Fadal

Published on Dec 05 2017 // Maqaalo
Hambalyo Sareeye Gaas  Taliye Cabdilaahi Fadal
Xasan Yuusuf Cismaan (Gumburaawi) Marka ugu horeysa Illaahay baa mahad leh oo ku sugnaatay. Intaas ka dib aan marka hore hambalyo iyo bogaadin u diro taliyaha guud ee ciidanka booliska jamhuuriyada somaliland sareeye guuto Cabdilahi fadal Iimmaan oo madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland Md Axmed Maxamed...

Doorashaddii Somaliland Xor Iyo Xalaal Ma Ahayd?

Published on Nov 28 2017 // Maqaalo
Doorashaddii Somaliland Xor Iyo Xalaal Ma Ahayd?
Yuusuf Goodir Doorashaddii ka dhacday wadanka Nofembar 13dii , 2017 waxay lahayd muuqaal aan sina looga duwi Karin kuwa caalamiga ah ee dunida talaabsatay ku dhaadato, doorasho xor iyo xalaala ah (free and fair election.) Ma dhabaa sidaasi? Jawaabta su’aashaasi waa waayo badan! Marka laga eego komisionkii...

Farriin Ku Socota Madaxweynaha La Doortay

Published on Nov 28 2017 // Maqaalo
Farriin Ku Socota Madaxweynaha La Doortay
W/Q Maxamed Saleeban Cumar Waxaynnu doorannay Madaxweyne cusub; Md. Muuse Biixi Cabdi. In ka badan kala badh bulshadii Somaliland ee codaysay ayaa dooratay. Doorashadiisa waxa ku baxay tacab bulsheed oo xooggan. Aniga ayaa ugu yar oo safar boqollaal Kiiloomitir ah ayaan u galay si aan ugu codeeyo. Safarka...
Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!