Maxaa laga Baran Karaa Tobanka Dal Ee Aduunka Ugu Horeeya Dhanka Deganaanshaha Siyaasadeed?

0
2963

Hordhac

Maqaalkan waxaynu ku eegi doonaa 10-ka dal ee ugu fiican dhanka Xasiloonida siyaasada ee aduunka (the most politically stable countries around the world)

Sida aynu la wadda socono, Deganaanshaha Siyaasadeed ee Dunidda, Sannadkii la soo dhaafay waxaa soo wajahday dhibaato caafimaad oo caalami ah ,oo ay la daalaa dhacayeen xitaa waddamada ugu xasilloon dunida. Xasillooni darro bulsheed ayaa laga dareemay adduunka oo dhan iyo, kororka kala qaybsanaanta siyaasadeed oo mararka qaarkood xitaa keenta rabshado, laakiin inkasta oo ay jiraan caqabado badan, wadamada qaar waxay ilaashadeen xasiloonidooda siyaasadeed ee laga dareemay, halka kuwa kale ay soo gaadhay khasaaro baaxad leh.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah wadamaasi ay la kulmeen hoos u dhac aad u weyn, waxaana ka mid ah, Mareykanka oo  la kulmay hoos u dhicii ugu weynaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay ee waddan kasta oo xasiloonida siyaasadeed laga dareemay, wuxuu hoos uga soo dhacay kaalinta 17aad ee qiimayntii 2020-kii, isagoo gaadhay kaaalinta 28aad ee qiimaynta 2021-ka,  sida ay qortay jariirada, US News iyo warbixinta aduunka ee kaalmaha Dalalka ugu Fiican aduunka. (US news & World report best countries rankings)

Qiimeyn lagu soo saaray iskaashi ay leeyihiin BAV Group oo ah koox la talin caalami ah (BAV Group  Consultancy) iyo iskuulka( Wharton School) ee jaamacada Pennsylvania ayaa lagu cabirayaa aragtida guud ee adduunka ee dhanka dhaqaalaha dalalka adduunka ugu waaweyn, iyadoo la ururinayo fikradaha laga qabo 78 qaran oo adduunka ah. Dhammaan waddamada ku jira 10-ka ugu sarreeya waa Wadamada dimoqraadiyadda ee reer Galbeedka, in badanna waxay ku yaalliin Waqooyiga Yurub, kala badh dalalka ugu sarreeyana waxaa hoggaamiya haween, in kasta oo haweenku ka kooban yihiin 11% oo keliya madaxda dalalka adduunka oo dhan.

Waa kuwan wadamadda ugu xasiloon siyaasada, dhanka aragtida (Based on perception)

Switzerland waxay ku kasbatay booska 1aad xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sidoo kale waxay ku jirtaa kaalinta 4aad guud ahaan qiimeynta Wadamada Ugu Fiican. Dalka, oo caan ku ah dhex-dhexaadnimada, waxaa hoggaamiya Madaxweyne Guy Parmelin, oo xafiiska qabtay bilowgii 2021, sidoo kale wuxuu aad ugu sarreeyaa tayada nolosha iyo badbaadada

Kanada waxay kujirtaa kaalinta labaad xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sidoo kale waxay kasbatay, booska 1-aad ee qiimeynta guud ee Wadamada ugu Fiican sanadka 2021. Wadanka, oo uu madax ka yahay raiisel wasaare Justin Trudeau, sidoo kale wuxuu kaalinta koowaad ka galay tayada nolosha, ka jawaabida baahiyaha bulshada iyo sida loo arko u heellanaanta caddaaladda bulshada.

Netherlands ama Holland, waxay kaalinta 3aad ka gashay xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sidoo kale waxay aad ugu sareysaa sinnaanta bulshada iyo xorriyadda diinta. Waxaa hogaaminaya Raiisel wasaare Mark Rutte, wadanku wuxuu sidoo kale kujiraa lambarka 10 guud ahaan wadamada ugu wanaagsan aduunka.

Danmark ayaa kaalinta 4-aad kaga jirta xasiloonida siyaasadeed ee la dareemay, iyadoo kaalinta 12-aad ka gashay guud ahaan dalalka ugu wanaagsan aduunka. Waddanka, oo ay hoggaamineyso ra’iisul wasaare Mette Frederiksen, sidoo kale wuxuu ku jiraa kaalinta ugu sareysa caddaaladda bulshada, xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta bulshada.

Noorway oo kujirta kaalinta 5aad xasiloonida siyaasadeed ee laga dareemay, ayaa sidoo kale aad ugu sareysa siyaasada cimilada iyo daryeelka deegaanka, iyo waliba sinaanta dakhliga iyo amaanka. Waddanka, oo ay hoggaamineyso ra’iisul wasaare Erna Solberg, ayaa kujira kaalinta 13aad guud ahaan qiimeynta dalalka ugu wanaagsan.

Iswiidhan waxay kujirtaa kaalinta 6-aad xasiloonida siyaasadeed ee laga dareemay, iyadoo kasbatay darajada 9aad ee guud ahaan qiimeynta wadamada ugu wanaagsan. Wadanka, oo uu hogaaminayo raiisel wasaare Stefan Löfven, ayaa sidoo kale qiimeyn sare ku leh tayada nolosha iyo waxbarashada dadweynaha.

Australia, oo ku jirta kaalinta 7-aad xagga xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sidoo kale waxay aad ugu sarreysaa

xamaasadda,waxaanay ku jirtaa lambarka 2aad, waxayna ku wanaagsan tahay la-qabsiga iyo saaxiibtinimada qoyska. Waxaa hogaaminaya Raiisel wasaare Scott Morrison, oo xafiiska joogay tan iyo 2018, wadanku wuxuu kujiraa lambarka 7 guud ahaan qiimeynta wadamada ugu wanaagsan.

New Zealand waxay kujirtaa lambarka 8aad ee xasiloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sidoo kale waxay leedahay darajooyin sare, oo ah ka jawaabitaanka baahiyaha bulshada, deegaanka iyo sinaanta bulshadda, iyadoo xajisanaysa kaalinta 7aad qiimaynta wadamada ugu wanaagsan guud ahaan aduunka. Wadanka, waxaa hogaamineysa ra’iisul wasaaraha Jacinda Ardern, dalka waxaa lagu amaanay jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus, waxaana la shaaciyey in ka yar 30 dhimasho ah, wadarta guud ee COVID-19.

Jarmalka oo kaalinta 9-aad kaga jira xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay, sido kale wuxuu ku jiraa wadama  guusha ka gaadhay in ay la dagaalamaan  cudurka COVID-19, iyadoo hogaamiyaha dalkaasi Chancellor Angela Merkel ay heshay mid ka mid ah qiimeyntii ugu sarraysay ee hoggaamiyaha ugu wanaagsan sannadka 2020ka. Waddanku sidoo kale wuxuu ku jiraa kaalinta 2aad ee ganacsiga. waana wadanka 3aad ee ugu fiican aduunka guud ahaan.

Finland ayaa kaalinta 10-aad ka gashay xasilloonida siyaasadeed ee laga dareemay. Dalkan oo ku yaal Waqooyiga Yurub, waxaa hogaaminaysa Raiisel wasaare Sanna Marin, oo ah raiisel wasaaraha ugu da, da yar aduunka. Finland ayaa kaalinta 18-aad kaga jirta qiimeynta guud ee Wadamada ugu Fiican, sidoo kale waxay si aad ah uga mid tahay, kuwa loo arko daryeelka deegaanka iyo yoolalka cimilada

Alla Mahadleh.

Tawfiiq Farhan Matuundhe

Email: Tawfiiqfarhan@gmail.com