Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Saxafi Sharci Yaqaan Ah
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu shalay oo Bisha April soddon ahayd ku dhawaaqay in Madaxweynaha Somaliland xaalad degdeg ah ku soo rogay deegaamada Gobolada Sanaag qaar ka mid ah sida Magaalooyonka Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar-adag, xaaladdaasi degdegga ah oo socon doonta muddo 3 Bilood ah iyada oo la filayo in Baarlamanka Somaliland Berri oo Khamiis ah cod ku meel mariyo soo jeedintaasi Madaxweynaha.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtadan uu soo saaray wuxuu ku sababeeyay in xaalad nabadgelyo xumo ay ka jirto deegaamada xukunka degdegga ah lagu soo rogay taasi oo uu sheegay in ay saamayn guud ku yeelanayso ammaanka guud ee qaranka.
Inkasta oo nidaamka xaalad degdeg ahi ku cusub yahay dadkeena oo aanay aqoon badan u lahayn waligeedna aan xaalad degdeg ah lagu soo rogin ayaa waxa ay keentay arrintani in inbadan oo Bulshada ka mid ah saacadihii la soo dhaafay su’aalo badan iska waydiinayeen, su’aalo ku aaddan xaaladda degdeg ah, sida ay u shaqayso, ujeedada laga leeyahay iyo waxa ay soo kordhin karto iyada oo la ogyahay xaaladaha siyaasadeed, Amni, dhaqan-dhaqaale iyo Nololeed ee dalkeena maanta ka jira.
Warbixintan kooban waxa aan ku eegi doonaa in aan ku iftiiminno waa maxay xaalad degdeg ahi?, Shuruudaha dawladi ku soo rogi karto xaalad degdeg ah, Waxa qaanuunka caalamiga ahi ka yidhi Xaalad Degdeg ah, iyo sida loo shaaciyo marka dawladi qaadato go’aanka xaalad edgeg ah?.
Waa Maxay Xaalad Degdeg Ahi?
Xaalad degdeg ahi waa xaalad aan caadi ahayn oo dawladi ku soo rogto dalkeeda, guud ahaan ama qaybo ka mid ah. Waa xaalad ay dawladda dalkaasi ku hakiso xukunka madaniga ah ee ay gacanta ku hayso una guda gasho xukun adag oo ay awood adeegsanayso. Waa xaalad ay dhammaanba dhulka lagu soo rogo ka joogsanayaan raadadka geeddi-socodka nolosha Ijitimaaciga iyo siyaasiga ahiba sababo la xidhiidha dhibaato waddankaasi ka dhacday oo keensanaysa in xaalad degdeg ah lagu wajaho.
Marka ay dawladi xaalad dagdag ah ku soo rogto dalkeeda ama qaybo ka mid ah dhulkeeda waxa la laalaa gabi ahaanba xuquuqihii madaniga ahaa ee sida caadiga ah looga baahnaa xukuumaddu in ay ka shaqayso waxaana dadka degan goobaha xaalad dagadag ah lagu soo rogay noqdaan kowo wajaha xaalad aan tii hore ahayn.
Muddoda xaaladda dagdagga ahi soconayso waxa go’aan ka gaadha Madaxweynaha waddankaasi iyada oo ay ku xidhan tahay sida waddankaasi siyaasaddiisu u furfuran tahay. Tusaale ahaan haddii uu yahay waddan Dimuquraadi ah oo furfuran waxa uu Madaxweynuhu ka ansixiyaa Golaha Baarlamanka haddii uu kali talis yahayna isaga ayaa muddoda xaaladda dagdagga ah sida uu doono ka dhiga iyada oo ay kolba ku xidhan tahay hadba sida xaaladda waddanku tahay ama goobta xaaladda dagdagga ah lagu soo rogay.
Xaalad dagadag ah waxa goob lagu soo rogaa marka ay ku timaado dhibaatooyin dabiici ah, kuwo caafimaad darro, kacdoono shacab, dagaalo sokeeye, iyo xaalado adag oo aan marnaba caadi ahayn. Muddoda xaaladda degdegga ah lagu jiro deegaanka xaaladdan lagu soo rogay si wanaagsan ugama shaqeeyaan dhammaanba arrimaha Bulshadu sida adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo guud ahaanba arrimaha nolosha lagama maarmaanka u ahi iyada oo inta badan la hakiyo dhaqdhaqaaq kasta oo la xidhiidha nolosha. Xafiisyada dawladdu ma noqdaan kuwo bixiya adeegyada ay bulshada u qaban jireen haddii aanay xukuumadda markaasi xukunkan soo rogtay siyaasad kale ku wajihin oo aanay qaar ka mid ah shaqaalaheeda u ogolaan in ay bulshada qaddar hawlo ah u qabtaan.
Sida qaalibka ah goobaha xukunka degdegga ah lagu soo rogo waxa awoodda la siiyaa ciidamada kala duwan ee dalkaasi sida Milatariga, Booliska, Sirdoonka iyo kuwa kaleba. Waxa la xayiraa ama culays weyn la saaraa dhammaanba Jid kasta oo bulshadu isaga gudubto sida waddooyinka gaadiidku maraan, madaarrada, marinada dhinaca badda iyo is-gaadhsiinta noocyadeeda kala duwan iyada oo heegan la galiyo ciidamada ka hawl gala kastammada iyo laamaha socdaalka.
Shuruudaha Dawladi Ku Soo Rogi Karto Xaalad Degdeg Ah:
Inkasta oo ay kala duwan tahay dabci ahaan hannaanka ay dawladuhu u maraan soo rogitaanka xaalad dagdag ah haddana waxa jira nidaam caalami ah oo dunidu u dhigatay kuwaasi oo ah shuruudo, shuruuddaasi oo ay dawladi ku soo rogi karto xaalad dagdeg ah waxaanay kala yihiin:
Inuu Jiro nidaam dawladda dalkaasi ka soo hor jeeda oo maleegaya ama looga baqayo in uu jiritaanka dawladdaasi burburiyo, waxaanay noqon karaan awoodo kala duwan sida Mucaarad Hubaysan ama aan hubaysnayn, kooxo meelo kale laga soo abaabulay oo fulinaya shiqroolo dibadeed iyo guud ahaan cid liddi ku ah xukuumadda markaasi jirta.
Dawladda dalkaasi oo awood u yeelan wayda ama aan awood u lahayn in ay wajahdo jiho halis ah oo amniga iyo nolosha shacabka halis ku ah sida masiibooyin dabiici ah iyo wixii la mid ah
Xaaladda degdegga ahi waa in ay lahaataa taariikh bar bilow ah iyo mid ay ku dhammaato oo la isla ogyahay waxaana la diidayaa in ay noqoto mid daba furan.
Muxuu Qaanuunka Caalamiga Ahi Ka Yidhi Xaalad Degdeg Ah:
Xaalad degdeg ah oo ah waxa afka qalaad loogu yeedho “State of Emergency”, sharci ahaan waa xaalad ku meel gaadh ah oo lagula tacaamulayo duruuf adag oo dawladda dalkaasi u aragtay in ay dalkeeda khatar weyn ku tahay. Haddii nidaamkiisa saxda ah dawladdu u marayso waa xaalad la doonayo in ay dawladda dalkaasi kaga jawaabto baahi bulsho oo aan ahayn doonis hogaanka umaddaasi isaga dani ugu jirto. Waxa uu qaanuunka caalamiga ah ee xaaladda degdegga ahi dawladda dalkaasi u ogolaanayaa in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu sugayo danaha shacabkeeda iyo ilaalinta amnigooda nafeed, maaliyadeed iyo nololeedba. Waana xaalad aanu madaxweyne ama hogaamiye kastaa iska odhanayn xaalad dagdeg ah balse loo eegayo in ay noqoto xaalad bulshada loogu danaynayo.
Sidee Loo Shaaciyaa Xaalad Degdeg Ah:
Shaacinta xaalad degdeg ah waxa loo adeegsadaa in Bulshada looga sheego warbaahinta sida Idaacadaha, Telefishannada, Wargeysyada iyo warbaahinta Bulshada iyada oo waliba Umadda loo sababaynayo muhiimadda keentay in xukuumadda dalkaasi qaadatay go’aanka xaalad degdeg ah si bulshada loo dhacsiiyo go’aankaasi noloshooda saamaynta ku leh waxaana reebban in aanay xukuumadina qaadin tallaabo xaalad dagdag ah oo aanay shacabkeedu ka war qabin sidoo kalena ka arkayn dantooda iyada oo mar walba dawladdaasi laga doonayo in ay is barbar dhigto dhibaatada ka dhalan karta xaalad dagdag ah iyo wanaagga ay keensan karto.
Waa markii u horaysay taariikhda Somaliland ee uu Madaxweyne talada hayaa xukun deg deg ah ku soo rogo qaybo ka tirsan Somaliland, iyadoo ay Somaliland soo martay marxalado iyo duruufo nololeed oo ka adag halka ay maanta taagantahay balse waxa laga dhur-sugi doonaa waxa ay xaaladdan degdegga ahi ka baddali karto Somaliland gaar ahaan duruufaha ka jira Gobolada Bari ee dalka.
Isticmaalka Xaalad degdeg ahi waa mid ay dunidu ku kala duwan tahay. Dalalka horumaray ee nidaamkooda siyaasiga ahi furfuran yahay waxa ay kaliya go’aan noocan oo kale ah qaataan marka ay dalkooda soo wajahaan Masiibooyin dabiici ahi sida Duufaano, Dhul-gariirro, Dab, Daadad iyo kuwo la mid ah balse dalalka inta badan aanu nidaamkooda dawladnimo hufnaanta lahayn sida kuwo badan oo ku yaalla Afrika, Asia iyo Latin Amerika waxa la arkaa iyaga oo xaaladdan ku dhawaaqaya marka ay jiraan kacdoono shacab, Mucaardad xooggan iyo dano ay markaasi madaxda Kali taliska ahi ku ilaashanayan maslaxaddooda madaxnimo.