Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

0
4675

Picture1Waxaa ii muuqata oo aniga aad uga murugaysan aan sheegayaa in dagaalka Qaza aynu kaga jirno oo ah mid cadaalad ah, aynaan ku guulaysanayn. Iyada oo sida horeba la isugu waafaqay aynu ka bixi doonno dagaalkaas innaga oo ka xikmad iyo xaq yar sidii aynu ku galnay, iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa aynu dagaalkan ku weynay 64 askar iyo saraakiil ciidan ah iyo dad rayid ahba, boqollaal dhaawac ahina ay jiraan, sidoo kale uu jira burbur iyo khasaare aad u ballaadhani, sida muuqata waxba kuma aynaan qaadan dagaalkii labaad ee aynu Lubnaan ka galnay, qaladaad badan oo aynu berigaas galnay ayaana mar labaad soo noqday”

Niyad jabka ciidamada Israa’iil:

Hore ayaa aynu u soo sheegnay in ciidamada Israa’iil qaybtooda ugu badani ay yihiin xoogga shaqaale ee ka hawlgala shirkadaha iyo warshadaha Israa’iil, sidaa awgeed marka uu dagaal dhaco waxaa qasab noqota in wasaaradda difaacu ay dib ugu yeedho ciidamadaas si ay dagaalka uga qayb galaan, taasina waxa ay keenaysaa in tobanaan kun oo askar ahi marka ay dagaalka u baxaan in shaqooyinkoodii bannaanaayaan. Waxaa hoos u dhacaya wax-soo-saarkii shirkadaha iyo warshadaha, waxa aanay saamaynaysaa dhaqaalaha. Marka taas laga yimaaddo Yuhuuddu waa dad tiro yar, muddooyinkii u dambeeyeyna horumar badan ka sameeyey dhinaca dhaqaalaha iyo nolosha, sidaa awgeed askariga Yuhuudiga ahi waa wiil yar oo aan weli da’diisu gaadhin 30 jir, nolol ladnaan badan ku soo koray, waxbarashadiisuna laga yaabo in ay heer jaamacadeed tahay. Arrimahaas awgeed uma adkaysan karo rafaadka askarnimo, gaar ahaan dhulka qarfaha ah, haddii uu dagaalku daba-dheeraado ama aad u kululaado oo khasaare badani ku dhacaan ciidankiisana waxaa inta badan dhacda khalkhal keeni kara in uu dagaalka ka baxsado.

Mar kasta oo uu dagaal ka dhex qarxo Yuhuudda iyo wax-iska-caabbinta Falastiin ama Lubnaan waxaa dhacda in tobannaan askarta Yuhuudda ahi dagaalka ka baxsadaan, ama fasaxyo ay dibadda ugu maqnaayeen dib uga soo noqon waayaan iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalka loo diro. Dhacdooyinka noocan ahi aad ayaa ay u badan yihiin, halka tusaale haddii aynu ka soo qaadanana waxaa innagu filan warbixin dhowaan uu sii daayey talefishanka Russia today oo laga leeyahay dalka Ruushka, waxa uu soo bandhigay askari ka tirsan ciidamada Israa’iil oo inta uu ka cadhooday dagaalka arxan darrada ah ee Israa’iil ku qaadday dadka rayidka ah ee Qaza si badheedh augu dhawaaqay in uu jinsiyadda Israa’iil ka baxay. Askarigan oo lagu magacaabo Andre Pchanitchinkov ayaa tegey safaaradda Israa’iil ku leedahay magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, waxa aanu u dhiibay warqad uu ugu sheegay in uu ka tanaasulay jinsiyaddiisii Israa’iil.  Andre oo mar ka mid ahaa ciidamada Yuhuudda ee jooga dhulka Falastiiniyiinta ayaa talefishanka u sheegay in dagaalkaasi aanu xaq ahayn, dadka Falastiiniyiintuna xaq u leeyihiin in ay dowladdooda oo madax bannaan dhistaan. La Socco