Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuudda, Farxaddeedii Ma’ Ay Waarin

0
4355

Picture4Islaamka ka hor carabtii Qurays ee uu Nebigu (SCW) ka dhashay xidhiidh aad u adag ayaa ay la’ lahayd magaalada Qaza oo si joogto ah ugu tegi jireen safarro ganacsi iyo safarro caadiya. Waxa ay ahayd kadinka ganacsiga ee ugu muhiimsan ee ay leeyihiin, gaar ahaan laba jeer oo ay Qurayshtii Makah iyo dhulkak u dhow deggenayd safri jireen sannad kasta. Labadaa safar ee caanka ahaa xilligaas oo inta badan noqon jiray mid xilliga Jiilaalka ah iyo ka kale oo Xagaagii ahaa waxaa ay Qurashtu is raacin jirtay boqollaal rakuub ah oo ay raaciyaan ciidamo xoog badan oo ka sii ilaaliya in la dhaco. Suurad dhan oo Qur’aanka Kariimka ah ayaa ka waramaysa safarradaas. Waa suuradda Quraysh oo uu Alle kaga waramay labadan safar oo mid ka mid ah ay Qurayshtu xilliga Jiilaalka ku tegi jirtay dhulka Yemen oo isna xilligaas camirnaa, iyo safarkii kale ee ay xagaaga ku tegi jireen Qaza iyo deegaannadii kale ee kulaalayey Shaam. Safarradaas taariikhiga ah ee ay Qurayshi ku tegi jirtay Qaza xilliga xagaaga Allana uu kaga waramay Qur’aankiisa kariimka ah, mid ka mid ah, waxaa halkaas tegey Haashim Bin Cabdalmunaaf, oo ah awoowga ay ku abtirsadaan jilibka Nebi Muxammed (SCW) ka soo jeedo ee Haashimiyiinta oo ka mid ah Quraysh. Sida ay taariikhdu xusayso reer Beni Haashimo (Eeg Bogga 7aad)