Dawladda Ingiriiska Oo Culays Lagu Saaray Aqoonsi La Siiyo Somaliland

0
185

London (Geeska) – Xildhibaan Tim Loughton oo ka mid ah Baarlamaanka UK, ayaa fadhi ay yeeshen Xildhibanada aqalkaasi ku soo bandhigay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Xildhibaanka oo dhawaan Jabuuti loogu xidhay dedaalladiisa aqoonsi-raadinta Somaliland, ayaa sheegay in isaga iyo 15 Xildhibaan oo ka xisbiyada siyaasada ay gudbiyeen Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kaasi oo la hor-geynayo Aqalka Baarlamaanka UK, taasi oo looga dan leeyahay in Aqalka Baarlamaanku uu si dhab ah u taageero aqoonsi ay Xukuumadda Raysal-wasaare Rushi Sunak siiso Somaliland.

Mooshinkan ayaa daba socda socdaal ay dhawaan xildhibaano uu Tim Loughton ka mid yahay ku yimaadeen Somaliland, kuwaasi oo indhahooda ku arkay bisaylka siyaasadeed, horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulsho ee ka

jira Somaliland.

Xildhibaan Tim Loughton, ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka u sheegay “Somaliland waxa jirta dimuqraadiyad iyo nabadgalyo buuxda, bulshada reer Somaliland-na waxay aad u jecel yihiin in bulshada Caalamku siiso aqoonsi Caalamiya, waxayna qaadeen Tallaabooyin badan oo taa dhiirigelinaya, maaha oo keliya heshiiska ay Dawladda Itoobiya kaga kiraynayaan saldhigga Badda oo muhiim u ah amniga badda cas iyo gobolka Geeska Afrika, horumarna ku kordhinaya Dekeda Berbera. Heshiiska Somaliland la gashay Itoobiyana hadduu guulaysto wuxuu siinayaa aqoonsi buuxa..” ayuu yidhi Xildhibaan Tim Loughton, waxaanu intaas ku daray “Taasina waxay beddelaysaa sida uu hadda Adduunku u arko Somaliland..” Tim Loughton waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waa xulafada ay Geeska Afrika ku leeyihiin UK, Maraykanka iyo Midowga Yurub, markaa Dawladda UK waxa looga baahan yahay oo aad muhiim u ah inuu dhab ka noqdo Xulafaysigeeda Somaliland, xilligan oo xuutiyiinta Yemen ay dhibaataynayaan Maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinka mashquulka badan ee badda cas..”ayuu sheegay, isagoo intaa sii raaciyey “Dawladda Uk waa inay joojisaa inay hoos u dhigto Aqoonsiga ay u baahan tahay Somaliland, maaddaama oo Ingiriisku hore u aqoonsaday madax-banaanideeda, heshiiska Itoobiyana uu u sido aqoonsi.”

Tim Loughton wuxuu hadalkiisa ku sheegay in isaga iyo 15 Xildhibaan oo ka kala tirsan Conservative-ga xukumo UK iyo Xisbiyada kale oo uu ku jiro Xisbiga  shaqaaluhu ay gudbiyeen Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland isla-markaana ah Xukuumadda Raysal-wasaare Rushi Sunak kaga codsanayan inay diyaariso habkii loo mari lahaa aqoonsi la siiyo Somaliland “Waa inaynu wax samaynaa oo UK Hormood ka noqotaa aqoonsiga Somaliland oo hore u ahayd Maxmiyadda boqortooyada Ingiriiska..” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in dadka reer Somaliland ee ku nool gobollada UK ay door-bidayaan in dawladda Ingiriisku qaaddo Tallaabo weyn.