Qoraa: Siciid Jaamac Xuseen
Xabaaluhu way hadlaan ee dhegihii maqli lahaa ayaa awdan!
Xagaagii 2014 anigoo magaaladda Toronto ee dalka Kanada jooga, ayaan maqaal qoray magaciisu yahay ‘Farriinta Toronto iyo caasimadaynta Hargeysa’. Dulucda ujeeeddadu waxay ahayd in Hargeysa, si kasta oo afarta beeni-jaho ay isku feeraariso, waddooyin, daaro iyo huteello casri ah laga furo, aanay misna ugu fillayn inay magaca caasimad qaadi karto inta arrintani maqan tahay – Facaadda dhalanaysa jeer loo sii diyaariyo habkii, goobtii iyo xannaanadii ay ku kori lahaayeen inta ay taabba-gal noqonayaan, qarannimadda iyo dawladdnimadda lagu tanaadayaa waa magac hadoof ah iyo wax-kama-jiraan. Magaalada Torontona waxaan tilmaan u soo qaatay sida geedka iyo barta biyaha ah loo ilaashado, dawladda iyo dadkuba, iyadoo aan sheegayo in hodannimada dalkaas meelaha laga arki karo ay tahay dabeecadda dhulkeeda ee biyaha iyo kaymuhu yihiin kuwo lagu ashqaaraarayo.
Xilligaas markii laba sano ka soo wareegtay, ayaan 2016 iskeenay ceel-macaankii Hargeysa. Muddadii booqashada aan ku talo galay oo aan weli iga dhammaan ayaa war dhiillo ah isoo gaadhay. Nin aan waxbarashadiisii sare qayb ku lahaa ayaa geeridiisa la iiga soo waramay. Alle ha u naxariistee, Maxamed Maxamuud Xandulle, Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Moosko ayaa magaaladaas ku geeriyooday, aan aaskiisii oo Hargeysa ahaa ka qayb galay. Ehel iyo asxaab badan ayaa aaskii isugu yimi. Xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay oo Ruush ah ayaa maydka Moosko ka soo raacay oo aaska yimi. Aniga laftayda waxay ii ahayd markii iigu horraysay ee aan xabaalaha Hargeysa isha saaro. Dhawr-iyo-labaatankii sano ee u dambeeyey, magaalada London ayaan si rasmi ah u degganaa. Sidaa darteed, tijaabadani waxay ii ahayd mid hor leh. Xagaaf ciid badan oo aan jaho lahayn ayaa xabaalaha loo sii marayaa. In la gaadhay iyo in kale, kala garan maysid ee adigoo dhex maraya ayuun baad is arkaysaa. Gadhwadeen khabiir ah ayuun baa garan kara xabaasha aad u socotaan geesta ay idinka jirto. Xabaalaha aanu sii dhex maraynaa ma laha magac iyo astaan lagu garto. Mar aan su’aasha soo jeediyayna, waxa la iigu jawaabay in xabaasha aan la aqooni ugu ajar badan tahay. Anigu bariga London ayaan degganahay. Xabaalaha Muslinka oo aan in badan tego ayaan ka war qabaa. Goob weyn oo dhul cagaar ah ku taal ayaa xabaalahan loo qoondeeyey. Xabaaluhu way safan yihiin, wayna is cabbir le’eg yihiin. Mid waliba magaca qofkii ku duugnaa ayaa ku kor qoran. Isku si ayaa loo wada aasaa, loona daryeelaa. Hab iyo hannaan la raaco ayaa u dejisan oo aan laga baydhi karin. Dhismaha daaraha magaaladda sida loogu talo galo, qorshe aan ka dhicin ayaa aaska maydka loo raacaa.
Iyadoo habkaasi maankayga ka shidan yahay, ayaa sidaan u dhex marayay xabaalihii, saaxiibkay Siciid Axmed i tusay xaaskii marxuunka iyo inantiisii Ruushka ahaa oo gabaahiir boodh iyo siigo ka dhacayso dhex taagan, hal cabbaar ahna u jira xabaasha maydkii saygeeda lagu aasayay (Waan ka war qabaa in haweenka muslinka ah loo oggolayn inay xabaalaha tagaan). Midda keliya ee aan hubaa waxay tahay in xaaskaa iyo inanteedu intay dayuuradda soo saarnaayeen aanay marna maankooda ku soo dhicin ninkeedii Moosko safiirka ka ahaa inuu geeridiisa ka dib goobtaa ay u jeeddo dayaca iyo darxumadda ku haysata uu ku dambayn doono. Taas oo waliba dadkii marxuunka saaxiibtinimo, gacaltooyo iyo qadderin u hayay isugu wada yimaaddeen. Anigu Ruush ma ihi, diinna lama wadaago, waxase ii baxay mid aan isleeyahay waa run jirta oo loo baahan yahay in cashar laga korodhsado. Dacdarrida iyo dayacsanaanta xabaalaheenna ka muuqataa waxay si cad uga marag kacaysaa in aan ubadka soo dhalanayana daryeel loogu talo galay aanu jirin.
Xabaaluhu way hadleen waxay yidhaahdeen; “Maydkii ayaan u jeedaa goobta la dhigay, isagoo la ogyahay diin, dadnimo iyo darajadu ku dhex lahaa ummadiisa uu ka baxay ee ma mid uurka ku jira ayaa naf loo hayaa?” Waa ummad aan mustaqbal lahayn. Mustaqbalka aan sheegayaa waa midka aynu innagu qorshayntiisa u xil saarannahay. Meelna dhagartaa loogama dhuuman karo. Siyaasi, aqoonyahan, ganacsade, wadaad, sarkaal sare, dhammaantood way u wada jeedaan sida caasimadda Hargeysa ay dhinac walba si xad dhaaf ah ugu fidayso dhismo ahaan, misna carruurta iyo barbaarta soo koraysaa goob ay ku nastaan, goob ay ku ciyaaraan, goob dhaqan iyo farshaxan oo ay tababar ku qaataan, dareenkooda ku safeeyaan qorshaha laguma daro.
Sida qaalibka ah, meherado iyo meel beesad lagu urursado ayaa la dhaafsaday barbaarintii ubadka soo koraya iyo dalka aayatiinkiisii. Ubadku waa mustaqbalka ummadda cidii hoggaamin lahayd. Daryeel la’aantoodu waa hungo iyo habaas laga dhaxlo iyo daarahaas dhalaalka weyn oo dundumooyin isu roga. Xabaaluhu way hadlaan ee dhegihii maqli lahaa ayaa awdan.
https://wardheernews.com/farriinta-toronto-iyo-caasimadaynta-hargeysa/
https://wardheernews.com/maxamed-maxamuud-xandulle-danjire-hilaadin-durugsanaa-1956-2016/