Dareenkeena Aan Ku Muujino Raad Aan Bi’in

0
1696

Ladna Xasan Raabi

Aduunku waxuu og yahay, ka markhaati kacay in Somaliland ay buuxisay shuruudihii dawladnimo (statehood conditions). Haddaba, waxaa suaal ah maxaa kale ee weli looga baahan yahay inay buuxiso.????

Aniga waxay ila tahay wax xageena ku dhiman oo loo bahan yahay inaanu jirin.

Sidaas awgeed, Somaliland haddii ay weli diyaar u tahay inay aduunyadda weli raali geliso iyaddoo xaq u leh iyo xuuq waxan ka maqan.

v    Somali ayaa hore u tiri gari laba nin kama wada qosliso: 28 sanno ayaynu sugaynaa political recognition. siyaasaddi waa interest, Somaliland waxay samaysay arin ugub ah weliba Africa. cid umaynaan yeedhanin maalintii aan udubka dib ugu taagaynay qarankan. Waynu ku guulaysanay, Ilahay Mahadii. Marka laga eego xaga siyaasadda habkii iyo qawaantii aduunkan dawladdaha muruqa wayni u dejiyeen ayaan baalmaray iyagoon wax lug ah ku lahayn dhismahaa quruxda badan.

v    Haddii weli rajadeenu tahay inaan kuqancino in ay ina aqbalaan aduunyaddu( aqoonsiga hadda ka maqan Somaliland maaha mid sharci ah waa mid siyaasadeed, shuruucadda caalamiga ah ma dhigayo).

v    Waa in Somaliland sacrifice samayso dad iyo dalba. Si aduunyaddu inoogu soo gurmato. Inaan wax bixino si aan u helo aqoonsigaa siyaaddeed. Gurmadkaasi waxuu keeni doona in taariikhdeenii unique ahayd mesha ka baxdo, Somaliland waji iyo taariikh cusub yeelan doonto.

Waxa kale oo jiri kara habab badan oo aan ku xaqiijin karo rabitaankena.

v    Somalidu waxay tiri laba god laguma wada abaarsaddo.

Qarankan guunka ah waxa uu dadaal naf iyo maalba ah ku bixiyaa sidii loo heli lahaa aqoonsigaa. Horumar maxaa inoo diiday inaan u badallo dadaalka hantidda iyo fikirka badan inaga qaata. Maalinta 18 May sanad walba waxa isu soo baxa dhamaan reer somaliland. Inta aan xusayno oo dabaaldegayno maxaa inoo diiday inaan waxqabad ka dhigno.

v    Waxa aynu maalintaa dhisi kara gobol walba wax qarankani u aayo, sida: in dadka xoogoodda ay ku tabarucaan dawladduna waxii alaaba ay keento. Dooxa Hargaysa iyo kuwa kaleba biyaha ka gudbayaa waxay qabankaraan waan ognahay. Haddii la dhiso dhismayaal yar yar oo dooxa dhexdiisa lagu sameyyo si biyaha  iyo ciida macdanta leh waxuun u hadhaan. Qarankan biyo yaraan, abaaro, iyo baad yaraan badan baa ka jirta, wax badan ayuu ka tari lahaa hadii biyaha Ilahay inoogu deeqo aan maamulo. Afarta Milyan ee Reer Somaliland, haddii qorshayaal la sameeyo waxay qabankaraan wax ina dhaxalsiiya horumar Insha Alahu.

v    Waxa inagaga baxa aqoonsi raadin lacag aad u badan: maxaa inoo diiday inaan ku tayayno waxaan haysano sidda: Waxbarashadda, waa aasasiga ama furaha horeumarka kale oo dhan, dhaqaalaha, ganacsigeenu maaha inuu ahaado mid fur-furan oo keliyaata ee waa inuu ahaadda mid wax ka tara baahiyahha dalkani leyahay. Beeraha, iyo dhamaan khayraadka dabiiciga ah ee eebahen inoogu deeqay, ayaa si fudud loga faaidaysan karaa.

v    Ganacsatadeenan inay fikir cusub la yimaadan: waxa jira waxyaabo badan oo fudud oo dalka laga soo saari karo, qalabyar uun u baahan. Waxay kordhinaysa heerka shaqooyin ee ka jira dalka, lacagti adkayed ee inaga baxaysay oo inoo baaqata iyo fursad inaguba aan ku iibgayn karo.

Waxaan codsan lahaa dareenkeena iyo shucuurtena aan ku muujino ficil kaas oo midho badan keeni doona. Dawladdu ma samaynkarto waxwalba oo qarankani u baahan yahay, dadkeeda laantii.

Samaan baa imaan Somaliland tahay centerkii aduunyadda.

WABILAAHI TAWAQIIF

LADNA HASSAN RABI

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here