Arrimaha Caafimaadka: Xundhur (Shigella)

0
674

Cudurka caan ka ah ee loo yaqaano Xundhur-ta ayaa ah ka maanta aynu ku falanqayn doono qormooyinka caafimaad ee taxanaha ahaa. Cudurkan ayaa ah mid caqabad weyn ku haya oo ku soo noqnoqda bulshada ku nool wadamada soo koraya. Cudurkan ayaa ah mid ka mid ah cudurada faafa ee haleela midhicirka.

Caabuqan waxa keena koox isku hayb ah oo bacteria ah oo loo yiqaano Shigella. 1890 ayaa Bacteria-dan loo aqoonsaday in ay keeni karto xundhurta. Degaanka halka laga helo iyo nooca ay ka jawaabaan dawooyinka ayaa ah inta badan waxa ay ku kala duwan yihiin noocyadeedu.

Nadaafad darrada ayaa ah qodobka ugu weyn ee lala xidhiidhiyo sababta uu ugu batay cudurkani dalalka soo koraya.  Bashar ka ayaa ah hoyga rasmiga ah ee uu ku arooro kaydka bacteri-dani. Cudurkan ayaa isagu ah mid ku gudba cunto/cabitaan wasakhaysan oo uu qofku qaato ama in uu taabto walax ay bacteri-dani saarnayd dabadeed si sahlan ugu gudbiyo afka. Waxa aan la hilmaami karin dukhsiga oo isna walwaali kara bacteri-dan kuna reebi kara cuntada haddii uu gaadho. Bacteri-dan ayaa ah iyadu mid ku noolaan karta saxarada taas oo qiil u noqonaysa sababta nadaafad darradu qayb weyn uga tahay fiditaanka cudurkan. Bacteria-dan ayaa la socon karta saxarada bukaanka mudo ku dhaw 4 todobaad laga bilaabo marka uu xauunsado. Bacteria-dan ayaa iyadu adeegsan karta sun ay soo saarto oo ay ku weerarto unugyada midhicirka bini-aadmiga.

Dalalka soo koraya ayaa cudurkani haleela sanadkii 163 milyan oo qof, halka ay dunida cudurkan sanadkii u dhintaan ku dhawaad milyan qof. 60% tirada uu asiibo iyo 61% inta u dhimata ayaa ah caruur da’doodu ka yar tahay 5jir.

Cudurkan astaamaha ugu mudan ee lagu arko bukaanka waxaa ka mid ah:-

Shuban dhiig leh ama caal

Casiraad/calool xanuun

Xumad

Matag/yalaalugo

Docasho badan

Fuuq bax kaas oo keeni kara garaaca wadnaha iyo neefsiga oo bata.

Baadhitaanada cudurkan waxa aalaa la adeegsadaa shaybaadhada dhiiga iyo saxarada. In la beero saxarada ayaa iyadu ah mid lama huraana marka aynu joogno baadhitaanka cudurkan.

Daawaynta caabuqan ayaa loo adeegsadaa noocyo kala duwan oo ka mid ah antibiotics-ka. Mudooyinkan dambe waxa isbedel ku yimi dawooyinkii hore loogu qaadan jirey cudurkan oo ay bacteri-dan iska caabin karto hadda, ka dib markii si aan haboonayn loo adeegsaday. Inta badan dawada ayaa la qaataa mudo 5-7 cisho ah. Dawooyinkan ayaa hoos u dhiga mudada xanuunka, fiditaanka cudurka iyo in ay u soo dhacaan caabuqan dadka bukaanka la nooli. Waxa muhiim ah in qofka fuuq celin loo sameeyo hadii uu fuuq bax wajaho, isla markaana la maareeyo xumadda. WHO ayaa iyadu ku talisa in macdanta Zinc la siiyo bukaanka mudo 10-14 cisho ah taas oo caawinaysa fuuq celinta iyo in ay yarayso halista shubanka.

Cudurkan ayaa hadii aan la daweyn keeni karaa dhibaatooyin laf-jab ku noqon kara xaalada bukaanka. Fuuq baxa ayaa weli hogaaminaya dhibaatada uu horseedi karo cudurkani. Midhicirka oo sumooba isla markaana balaadha (Toxic Megacolon) , midhicirka oo quba protein-ka ( protein losing enteropathy), suuxdin, dhibaato soo gaadha unugyada dhiiga iyo xubnaha oo bukooda ayaa iyaguna ka mid ah dhibaatada laga dhaxli karo caabuqan.

In kasta oo weli lagu foogan yahay talaal loo asteeyey cudurkan hayeeshee aan weli ifka iman, hadana cudurkan waxa aad hoos loogu dhigi karaa:-

Farxalka oo kor loo qaado

Nadaafada caruurta iyo degaanka ku xeeran oo la dhawro

Caruurta shubanka leh oo laga joojiyo in ay tagaan dugsiyada ama goobaha caruurtu ku kulmaan

Fayo-qabka biyaha oo la sugo

In aad loo dhawro nadaafada goobaha lagu dabaasho

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com