Sidee Bay Dimoqraadiyaduhu U Dhintaan?

0
829

Waxa Soo Turjumay Guuleed Dafac

Gadiidkii 11ka September 1973 kadib bilooyin ay xaaladdu kacsanayd wadooyinka magaalada Santiago ee dalka Chile, diyaaradaha Ingiriisku sameeyey ee loo yaqaan Hawker Hunter ayaa dul haaday oo duqeeyey La Moneda, qasriga da’da wayn ee madaxtooyo oo ku yaalay badhtamaha magaaladda. Markii qunbuliyado raaxada lagaga dhigay, wuu gubtay La Moneda. Madaxwayne Salvador Allende, oo la doortay sadex sanadood ka hor wuu ku dhex xanibnaa. Intii uu xilka haya, Chile waxa la degay xasilooni darro bulsho, xiisado dhaqaale, iyo curyaanimo siyaasadeed. Allenda wuxuu sheegay inaanu kursiga ka degayn intuu dhamaysanayo shaqadiisa- balse hada runtii ayaa u timi. Ciidanka qalabka sida ee Chile oo uu hogaaminayo Janaraal Augusto Pinochet ayaa awoodii dalka qabsaday.

Arooryadii hore ee maalintaas qadarku yimi, Allenda wuxuu qudbad is dhego marin ah ka jeediyay idaacadda dalka isaga oo rajaynayay in taageerayaashiisa faraha badani ay u mudaharaadaan si ay u difaacaan dimoqraadiyadda. Balse iska caabintaasi may dhicin. Ciidankii ilaalinayay qasrigu way ka huleeleen; qudbadiisana aamus ayaa lagaga jawaabay. Saacado yar gudohooda madaxwayne Allede wuu dhintay. Si la mid ah waxa raacday dimoqraadiyaddii Chile.

Qaabka caynkaas ahi waa ka aynu u fekerno in dimoqraadiyaddu u dhimato oo ah inay ku go’do gacanta niman qoryo sita. Waagii dagaalka qaboobi jiray afgenbiyadu waxaay galaafteen afar meeloodkii sadex dimoqraadiyadaha dhaca. dimoqraadiyadihii ka jiray Argentine, Brazil, Ghana, Giriigga, Guatemala, Nigeria, Pakistan, Peru, Thailand, Turkiga, iyo Uruguay ayaa dhamaantood u dhintay qaab caynkaas ah. Dhowaan afgembiyo ciidaan ayaa afka ciidda u daray Madaxwaynihii Masar Xusni Mursi sanadkii 2013 iyo Raysal Wasaarihii Thailand Yingluck Shinawatra sanadkii 2014. Intaba dimqoraadiyaddu waxaay u dhimatay hab cajiib ah oo ah awood iyo qasab ciidan.

Balse, waxa jira hab kale oo loo jebiyo dimoqraadiyadda. Waa hab ka xamaasad yar balse la waxyello ah. Dimoqraadiyaduhu waxaay ku dhiman karaan gacan aan ahayn ta jeneraalada balse ah ta hogaamiyayaal la doortay – madaxwaynayaal iyo raysal wasaarayaal majo-xaabiya isla hanaankii ay awoodda ku yimaadeen. Qaar ka mid ah hogaamiyayaashaasi si dhaqso ah ayay u burburiyaan dimoqraadiyadda, sida Hitlar falay 1933. Inta badan se dimoqraadiyaddu waxaay u dhimataa si aayar aayar ah oo ay adag tahay in la arko.

Diktaatooriyad cad – oo leh foolka faashiisnimada, shuuciyadda ama xukun militari – way ka dhamaatay inta badan aduunka. Afgembi militari iyo hababka kale oo sida xoogga ah awoodda lagu qabsado waa dhif iyo naadir hada. Dalalka badankoodu waxay qabsadaan doorashooyin. Hadana sidaas oo ay tahay dimoqraadiyaduhu way dhintaan, balse waxaay u dhintaan si kale. Tan iyo intuu dhamaaday Dagaalkii Qaboobaa, jabka dimoqraadiyadaha ma keenin jeneraalo ciidan ee waxa keenay hogaamiyayaal la soo doortay. Si la mid ah Venezuela, hogaamiyayaal la soo doortay ayaa majo xaabiyay hay’adaha dimoqraadiyadeed ee dalalka Georgia, Hungary, Nicaragua, Peru, Philippines, Poland, Russia, Sri Lanka, Turkiga, iyo Ukraine. Burburka ku yimaadda dimoqraadiyaddu, iminka wuxuu ka bilaabmaa sanduuqa codaynta.

Geediga codaynta ee keena jabka dimoqraadiyadda ku yimaada waa mid maldahan. Marka af gembi yimaaddo sida kii Pinochet ka gaystay Chile, burburka dimoqraadiyaddu waa mid dhaqso ah islamarkaan u muuqda cid walba. Qasriga madaxtooyada ayaa la gubaa. Madaxwynaha ayaa la dilaa, la xidhaa ama la masaafuriyaa. Dastuurka ayaa la laalaa ama la tuurtuuraa. Balse geediga doorashada, midkoodna waxaas ma dhacaan. Ma jiraan taangiyo aad ku arkaysid wadooyinka. Dastuurka iyo hay’adaha kale ee ku magacaaban dimoqraadiyaddu way jiraan. Dadku weli way codeeyaan. Keligiitaliyayaasha la doortay way sii hayaan wejiga dimoqraadiyada halka ay ka burburinayaan nuxurkeeda.

Badankooda dadaalada ay dawladdu samayso ee ay ku majo-xaabinayso dimoqraadiyaddu waa kuwo “sharci ah”  oo waxa ansixiya baarlamaanka ama waxa aqbala maxkamadaha. Waxa xitaa laga yaabaa in loo sawiro inay yihiin dadaallo lagu horumarinayo dimoqraadiyadda oo lagaga dhigayo garsoorka mid waxtar leh, lagula dagaalamayo musuqmaasuqa ama lagu nadiifinayo hanaanka doorashada.

Wargeysadu weli wax way daabacaan balse waa la laaluushaa ama waa loo baalo xooftoodaa si ay iyagu isu faaf reebaan. Muwaadiniintu way dhaliili karaan dawladda balse waxa ay wajahaan cashuuro ama talaabooyin kale oo sharci. Tani waxaay abuurtaa jaah wareer shacab. Dadku marka ba ma fahmaan waxa socda. Qaar badan ayaa sii aaminsanaada inay ku nool yihiin dal dimoqraadi ah.

Maadama oo aanay dhicin hal dhacdo – oo aanu jirin af gembi, aan lagu dhawaaqi xeer ciidan (marital law), ama aan la laalin dasturuka- kuwaas oo hadii ay dhacaan dabcan uu talisku si muuqata khadkii casaa uga gubi lahaaa oo u gudbi lahaa keligitalisnimo, shacabku ma baraarugo. Kuwa dawladda ku dhaliila inay tacaddi samaynayso waxa lagu tilmaamaa inay buun buuninayaan ama ay wadaan oohintii Cumar Beenaale. Carro guurka ku socda dimoqraadiyadda, dad badani ma arkaan.

Waa inyar oo aan ka soo turjumay hordhaca buugga How Democracies Die ee ay qoreen Steven Levitsky iyo Daniel Ziblatt (2018).

Guuleed A. Dafac

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.