Waxa Aynu Ku Guulaysanynaa Midnimadda Iyo Wada Jir Shacbiga Somaliland Musharax Cirro

0
246

Hargeysa(Geeska) Musharaxa Xisbiga  Waddani  C/raxmaan C/laahi Ciro   oo ka qayb galay xaflad soo Dhaweyn ah oo loo samyey Xoghayaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Warshadaha Sakariye,

Musharax oo ka hadlay Xoghayaha Cusub ee Warshadaha ayaa  waxa yidhi xoghayahu waa nin dhalin yaro ah Aqoonyahan ah, Siyaasi Cusuba , waxanan leeyahay kusoo dhawoowo Xisbiga Wadani,  Waxanan  rajaynaya insha  Allahu in uu waxa badan  kusoo kordhin doono Halganka isbadal Doonka  ee  Xisbiga Wadani.

Somaliland maanta way sadex iyo Sodon Jirsatay, Lakiin dadku waxa uu iswaydiinaya sanadkii hore iyo kani maxay ku kala duwannyihiin oo kan iyo kii hore keeba fiicna tolow?

Sanadkii hore halkeebay Somaliland Joogtay? Su,aalahan Jawaabtooda waxa uu u dhaafay Umada reer Somaliland. Barnaamijkii Xisbiga ee Siyaasiga ahi Waa midnimada Shacbiga ee Somaliland iyo

Midnimada Dhuleed ee Somaliland.

maadaama oo ay inagu soo dhawdaha maalinti qaranku ee 18 May sida uu Gudoomiyahuba sheegay aynu u Diyaar garowno Xuska Maalinta Qaranka Somaliland ee 18 May.

Waxaanu Dhamaan taageerayaasha Xidsbiga Wadani ee Gudo iyo Dibadba  ugu Baaqay inay Si Mugle uga Qayb galaan Munaasabadaha dabaal daga Xuska 18 May ee ku began 33 Guurada Jamuuriyada Somaliland.

Waxaani Sigaara ugu Mahad Naqay Dhamaan dadkii Kasoo Qaby gashay xaflada Soo dhaweynta ah ee loo Samyey ee Xoghayaha Cusub ee Warshadaha Mr Sakariye.

Waxa  kale oo uu Musharaxa Xisbigu Sheegay inay ku guulaystaan Isbadal dadka u Horseeda Midnimo iyo horumar insha allah.

Musharaxa C/raxmaan Ciro waxa uu shacbiga Somaliland  u sheegay inay maanta awooda ugu wayn  ay shacbigu  leeyihiin marka ta illahay laga reebo,

Waxaanu yidhi isga oo la hadlayay guud ahaan shacbiga Somaliland inay si wanaagsan u xisaabtamaan oo ay is waydiiyan cida ku haboon inay u doortaan Hogaanka wadanka si  aanay bari isku qoomammaynin oo aanay fartooda eedin.

Waar hooy aad u fiirsada oo isbadalka taageera, waa fariin aan u diraayo dhamaan shacbiga Somaliland.

Insha Allahu waxa inoo balana ina aad taageertaan isbadalka si nabadana aad ku codaysaan.

Isbadalkuna uu inoo horseedo guul Iyo Midnamada Umada  insha allah