Maamul Mise Hoggaamiye: Qeexdooda, Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Iyo Shaqada Mid Kasta U Taalla

2521
182411

Kamaal Marjaan

Waxaa hubaal ah in qof kastaa uu jecelyahay in uu madax ka noqdo ka noqdo goobta uu ka shaqeeyo, waxa se aanay dad badani ogeyn in madaxnimadu ay noocyo kala duwan leedahay, muhiimna tahay in qofku marka hore is qiimeeyo midka uu ku fiican yahay.

In aad maamule ama maareeye fiican noqoto, waa ay ka duwan tahay in aad hoggeemiye fiican ama karti leh noqon karto. Waayo farqi weyn ayaa u dhexeeya hoggaamiyaha iyo maamulaha. Waxa aana jira caqabado iyo curiyeyaal qofka ka hor istaagi kara in uu noqdo hoggaamiye guulaysta, isaga oo haddana noqon kara maamule guulaysta.

Haddaba akhriste inta aanad go’aansan in aad xil iyo madaxnimo doonato, waxa aad marka hore ka fikirtaa xil kaalin hoggaamineed leh iyo mid maarayn iyo maamul ah midka aad ku fiican tahay si aad shaqadaada uga midho dhaliso, goobta ama xarunta shaqo ee laguu dhiibayna horumar u gaadhsiiso.

Waxa se intaasba ka sii muhiimsan in aad marka horeba kala garanayso waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaaminta iyo maamuliddu. Taasi waxa ay si weyn kaaga caawinaysaa in aad fahmto kaalinta aad adigu ku leeyahay hay’adda, shirkadda ama goobta kale ee aad ka hawlgelaysi. Waxa ay sida oo kale fursad kuu siinaysaa in aad is barto sida ugu fiican ee aad isugu dheellitiri karo tilmaamaha hoggaamiyaha iyo kuwa maareeyaha.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Sharqal Aawsat ayaa kala saaraysa maamulka iyo hoggaaminta:

HOGGAAMIN IYO MAAMULID

Peter Ferdinand Drucker oo ahaa khabiir cilmiga maamulka ku xeeldheer, iyo qoraa u dhashay dalka Maraykanka ayaa yidhi, “Awoodda hoggaamiyihu waxa ay ka timaaddaa kartida uu u leeyahay soo jiidashada yy dadka kale xaggiisa u soo jiidi karo. Waxa uu awooddiisa fulineed u adeegsadaa in uu u adkaysto caqabadaha ka yimaadda jaangoynaha, iyo xayndaabyada xilkiisa ku xeeran, isla markaana uu u jiheeyo hal-abuurka, isaga oo iska baalmaraya xeerarka iyo shuruucda, si uu ugu dadaalo dhiirrigelinta isbedelka, iyo in hay’adda ama shirkadda u kaxeeyo dhinaca san”

QEEXDA HOGGAAMIYE

Qeexda ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye yeelan karaa waa in uu yahay qof leh taageerayaal ama raciyad, uu awooddiisa ugu adeegsado si uu u maamulo uguna qanciyo in ay ku daba faylaan ujeedooyinkiisana u rumeeyaan.

QEEXDA MAAMULAHA / MAAREEYAHA

Maamuleyaashu waxa ay isku hawlaan in ay shaqaalaha ku waajibiyaan halbeegyo iyo in ay raacaan siyaasado hore u sii dejisan, oo lagu doonayo in lagu gaadho laguna fuliyo ujeedooyin hore loogu sii dejiyey gaadhistooda.

Inkasta oo uu maamuluhu leeyahay awoodo iyo fulin xooggan, haddana ka qaybqaadashada uu ka qaybqaadanayo shaqada hay’addda ama waxa la maamulayaa waa keliya inta ku cad xeerarka iyo shuruucda dejisan.

KALA DUWANAANSHIYAHA HOGGAAMINTA IYO MAAMULKA

 

  1. RUMAYNTA ARAGTIDA / QABASHADA HAWSHA LAGU GAADHAYO ARAGTIDA

In uu xoogga saaro rumaynta iyo gaadhista ujeedooyinka iyo aragtiyaha ah bartilmaameedka u dambeeya, ayaa laga rabaa hoggaamiyaha. Halka maamulaha / maareeyaha, ay tahay in uu xoogga saaro hawlqabashada iyo socodsiinta waajibaadka yaalla.

Hoggaamiyaha iyo maamuluhu waxa ay ka siman yihiin in labadooduba ay u heellan yihiin rumaynta iyo gaadhista ujeedooyinka hay’adda ama xarunta ay maamulayaan, laakiin mid kastaa waxa uu u marayaa dariiq u gaar ah xilkiisa, higsigiisuna waxa uu ku eegyahay bartilmaameed u gaar ah.

Hoggaamiyuhu waxa uu eegaa ujeedooyinka ay shirkadda ama hay’addu doonayso in ay gaadho, tas oo aynu odhan karno, sawirka uu eegayaa waa uu ka weyn yahay sawirka uu maamuluhu eegayo. Waxa uu ka shaqaynayaa in uu ujeedooyinkaas ku gaadho aragti u gaar ah isaga iyo jid uu isagu hal-abuurkiisa iyo curintiisa leeyahay.

Maamuluhu in kasta oo isaguba si la mid ah hoggaamiyaha, uu ka shaqaynayo in uu gaadho ujeedooyinka shirkadda ama hay’adda u dejisan iyo bartilmaameedkeeda, isagu waxa ay u marayaa aragtida u dejisan hay’adda ama shirkadda, ee hoggaanku soo diyaariyey, oo weliba laga rabo in uu si adag u ilaaliyo si aanu uga bixin xayndaabka lagu xeeray iyo siyaasadda u gaarka ah.

Jidka uu maamuluhu u marayo fulinta waxaa soo dejiya hoggaanka sare, sidaa awgeed iyaga waxaa laga rabaa keliya waa in ay fuliyaan, una filayaan hannaanka loo dejiyey.

  1. IN DADKA LAGU QANCIYO FIKIRKA / IN LA FULIYO FIKIRKA

Mar kasta hoggaamiyuhu waxa uu isku hawlaa hal-abuur iyo curin cusub in uu keeno, waxa uu mar kasta u hawlgalaa in uu dadka kale ku qanciyo fikiradihiisa uu u arkayo in ay mudan yihiin in muhiimad la siiyo. Awoodda hoggaamiyuhu waa in uu shaqada ku dhiirrigeliyo dadka uu hoggaaminayo iyo in uu ku qanciyo saxnaanta iyo fulinta fikradahaas isaga ka yimi.

Maamulaha isaga qasab kuma ah in uu dadka ku qanciyo fikrado iyo saxnaanta siyaasadaha dejisan, kaalintiisu waxa ay ku kooban tahay in uu fuliyo siyaasad hore u sii dejisan, shaqaalahana ku qasbo in ay fuliyaan.

Haddii uu shaqaaluhu ka baydho jidka loo jeexay, ama ay ku doodaan in aanay ku qanacsanayn fikradda loo soo jeediyey, waxaa ka waajibaya cawaaqib iyo la xisaabtan ay anshax marini ka waajibayso, waayo kaalinta qofka shaqaalaha ah laga rabaa waa in uu fuliyo waxa ay u sheegaan maamulayaashu isaga oo aan muran iyo dood diidmo u ekaan karta ka keenayn.

  1. KHATARTA OO LA WAAJAHO / KHATARTA OO LA YAREEYO

Mar kasta oo go’aanku uu noqdo in aad jid cusub marto shaqo ahaan ama fikir ahaan midkii uu yahayba, waxa ay noqonaysaa in aad ku talagasho caqabado, dhibaato iyo khatarba, sidaa awgeed ayaa ay dadka badankooda ugu adagtahay in ay isbeddelka ku dhiirradaan.

Hoggaamiyuhu waa ka ay dhibtaas iyo khatartaas u badheedhistoodu u taallo, waayo mar kasta waxa uu ka shaqaynayaa waa isbeddel iyo hal-abuur aan hore u jirin.

Maamulaha ama maareeyaha shaqadiisu waa in ay xakameeyo oo intii suurtagal ah uu yareeyo khatarta iyo dhibta ka dhalata isbeddelka hoggaamiyuhu keenay. Isaga oo raacaya amarrada iyo talooyinka uga imanaya hoggaamiyaha, kaddib shaqaalaha ku waajibinaya oo ku ilaalinaaya fulinta iyo raacista amarradaas.

Haddii ay si uun u timaaddo dhibaato ka dhalatay hawsha ay fulinayaan, maamuluhu waxa uu markaba xal u raadinteeda isu dhaafinayaan hoggaamiyaha isaga oo ka codsanaya in wax laga beddelo siyaasadihii hore uu u soo dejiyey.

  1. DHIIRRIGELIN AAN DABAR LAHAYN / DHIIRRIGELIN SHURUUDI KU XIDHANTAHAY

Marka qodobkan laga hadlayo, dadka badankoodu aad uma arkaan faraqa u dhexeeya hoggaamiyaha iyo maamulaha / maareeyaha. Sababtu waxa weeye, labadoodaba waxaa laga rabaa in ay inta kale dhiirrigeliyaan. Laakiin mid kastaa hab u gaar ah ayaa uu u marayaa dhiirrigelinta.

Tusaale ahaan hoggaamiyuhu waxa uu shaqaalaha ku dhirrigelinayaa in ay u fikiraan sida ruux bannaanka ka jooga dhibaatada oo dusha ka arkaya, kaddibna ay helaan xal hal-abuur ah. halka uu maareeyuhu / maamuluhu shaqaalaha ku dhiirrigeliyo in shaqada la dhammaystiro iyada oo loo marayo tilmamaihii iyo jidkii loo cayimay oo uu shaqaalaha u yeedhinayo. Isaga ayaana ah halka ugu muhiimsan ee ay kula soo nooqnayaan amarqaadashada iyo talada la xidhiidha fulinta hawsha.

  1. IN KHATARTA XAL U HELIDDEEDA LA WAAJAHO / IN LAGA FEEJIGNAADO IN AANU XAALKU KA SII XUMAAN SIDA UU HADDA YAHAY

Marka shirkadda ama hay’adda la maamulayo ay soo waajahdo xaalad kuduudsi ah ama caqabado fadhiisiyaa ay ka hor yimaaddaan, hoggaamiyaha waxaa la gudboon in uu raadiyo xal si maamulaha iyo hawlwadeennadu ay muddada dhibaatadaasi jirto u noqdaan kuwo si firfircoon oo waxtar leh uga shaqeeya sidii looga gudbi lahaa. Waxa uu hoggaamiyuhu ku dadaalaa in ay is waafajiyaan siyaasadda shirkadda, hay’adda ama dawladda iyo aragtida u dejisan.

Laakiin maamulaha shaqadiisu waa in uu ku dadaalaa in xaalku sida uu hadda yahay uu ku ilaaliyo, oo xitaa haddii uu liito uu ka feejignaado uun in uu hoos u sii dhaco, inta uu amarro iyo talooyin ka helayo maamulka, kaddibna raacayo.

  1. TALLAABOOYIN DHIIRRAN / KU KOOBNAANTA HALBEEGYADA SHIRKADDA

Marka aad hoggaamiye tahay waxa aad ka shaqaynaysaa sidii aad u qaadi lahayd tallaabooyin dhiirran, oo laga yaabo in ay sii kordhiso cabsida khatarta ee jirta, laakiin adiga oo og aad u badheedh, sidaa awgeed waa in aad shaqaalaha ku dhiirrigeliso fikirradaas, iyo in aad tusto in waxa ugu muhiimsan ee xoogga la saarayaa uu yahay in la gaadho aragtida ah in la rumeeyo dhismaha hay’ad ama shirkad xoog badan oo gaadhi garta higsigeeda.

Laakiin marka aad maamule tahay ujeeddadaada guud waa in aad rumayso in ay si guul leh u fulaan go’aamada hoggaanka ka soo baxaa. Haddii aynu si kale u dhigno, maamuleyaashu waxa ay eegaan shaqada shaqaalaha, waxa aanay ku hubiyaan in ay shaqadaasi waafaqsantahay halbeegyadii hoggaanku dejiyey.

  1. XEERARKA OO LA JEBIYO / XEERARKA OO LA RAACO

Marka ururka ama shirkadda ay ka hor yimaaddaan dhibaatooyin iyo caqabado waxa ay hoggaamiyeyaashu inta badan dhinac iska dhigaan xeerarka iyo nidaamyadii dejisnaa in la raaco, waxa aanay hal-abuuraan aragtida ay u arkaan in dhibta lagaga gudbi karo. Laakiin maamuluhu, waxa uu ku qasbanaadaa in uu ku dheggenaado Istaraatijiyadihii uu hoggaanka sare u dejiyey shirkadda, hay’adda ama dawladda.

  1. KALSOONI ABUUR / AMARRADA IYO TILMAAMAHA ADAG

Hoggaamiyaha ruugcaddaaga ahi, waxa uu ka shaqeeya in uu dhiso kalsoonida u dhexeysa isaga iyo shaqaalaha. Waxa uu ku dadaalaa in raciyaddu ay isaga ku xidhnaato, si uu ugu soo riixo in ay qaataan afkaartiisa, xitaa haddii ay yihiin qodobbo caadi ahaan aanay ogolaan karin.

Maamuluhu waxa uu xoogga saaraa in shaqaalaha uu waajib kaga dhigo in ay raacaan tilmaamaha iyo waajibaadka hoggaanka sare ka yimaaddo, iyaga oo aan dood iyo su’aalo ka keenin. Taas macnaheedu waa in aanu ruuxa shaqaalaha ahi ku qasbanayn in uu qabo saxnaanta fikirka laga rabo in uu gaadhistiisa ka shaqeeyo.

8 FIKIRRADA OO LA XOOJIYO / SHAQADA OO LA ASTEEYO

Hoggaamiyeyaashu waxa ay xoojiyaan helidda aragtiyaha cusub, waayo waxa ay ogyihiin in ay taageero weyn u noqonayaan ujeeddooyinka dawladda, shirkadda ama ururka. Waxa ay taageeraan in shaqaaluhu ay adeegsadaan awooddooda garaad ee ugu weyn ee ay ku keeni karaan aragtiyo ka baxsan xayndaabka hoose ee hawlsocodsiinta.

Laakiin maamuleyaashu / Maareeyeyaashu ma dhiirrigeliyaan fikirka xorta ah, iyaga oo ka cabsi qaba in fikirkaasi uu ka hor yimaaddo ujeedooyinkii sare ee dawladda, shirkadda ama hay’adda. Sidaa awgeed waxa ay qaataan jidka ah in ay shaqaalaha iyagu u yeedhiyaan waxa ay tahay in ay qabtaan. Waana habka keliya ee ay ku hubin karaan in shaqaaluhu ay fulinayaan wixii laga rabay, una fulinayaan sidii loo sheegay in ay yeelaan.

IS DHAMAYSTIRKA HAWSHA MAAMULAHA IYO SHAQADA HOGGAAMIYAHA

Haddii aad qormadan soo fahantay, waxa aad dareentay in ay kala duwan yihiin hoggaamiyeyaasha iyo maamuleyaashu / maareeyeyaashu, laakiin waa in aad ogaato in kala duwanaanshiyahoodaas uu macnaheedu yahay in hoggaaminta iyo maamuliddu ay yihiin laba hawlood oo is dhamaystiiri kara.

Hoggaamiyeyaashu iyagu waa kuwa khatarta u badheedha, hal-abuurka keena, awoodna u leh in ay bedbeddelaan xeerarka ciyaarta iyo kaalinta la kala yeelanayo. Laakiin maareeyeyaasha / maamulayaasha shaqadoodu waa in ay shaqada ku socodsiiyaan jidkaas cad ee loo jeexay. Si kale haddii aynu u dhigno, maamuluhu waxa uu shirkadda ama dawladda ku ilaaliyaa in xaalkeedu uu sii ahaado sida uu hadda yahay. Laakiin hoggaamiyuhu waxa uu raadiyaa fikirkii iyo xeeladdi ilagaga gudbi lahaa dhibaatada keentay in halkan la joogo.

Ugu dambayntiina macnuhu ma’aha in aynu odhan karno maamule in aad noqoto ayaa ka fiican in aad hoggaamiye noqoto. Lamana odhan karo taas lidkeeda, oo ah qofku in uu hoggaamiye noqdo ayaa ka fiican in uu maamule noqdo.

Shirkadda, ururka ama xitaa dawladda hoggaamiye weydaa waxa ay gelaysaa khatar ah in ay noqoto quwad fadhida oo aan dhinacna u socon, ugu damayntana jiritaankeedu khatar galo, haddii ay maamule weydana waxaa imanaya khatata ah in la gaadhi kari waayo yoolkii iyo bartilmaameedkii la’ doonayey in la gaadho.

Hoggaamiye iyo maamulo waa laba shakhsi iyo shaqo oo aad u kala fog, laakiin haddana isku koox keliya ku wada jira. Waxaa dhici karta in hoggaamiyuhu uu fikrad weyn keeno, laakiin haddii aanu maamule haysan, suurtagal uma noqonayso fulinta iyo dhaqank gelinta aragtidsaasi. Dhinaca kalana, maamuleyaashu guul ma’ gaadhi karaan haddii aanay haysan hoggaamiyeyaal iyagu dibadda ka jooga hawlfulinta oo soo dejiya hadba aragtida cusub ee lagu soconayo

Kamaal Marjaan

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here