Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

0
2106
Mohamed Saeed Gees, Executive Director

Haddaan waayey calan lay nashiro tan iyo Nayroobi.

Miyaan waayey naxariis Alle iyo Nebiga (NNKHA) jaarkiisa.

Haddaan waayey ciid oo naq leh iyo inaan nugaal daaqo.

Miyaan waayey neef aan xarbadda noole uga fuulo.

Maxamed Cabdule Xasan

Sheeko Soomaaliyeed oo soo jiraan ah oo dhinaca kaftan ka ah ayaa sidan ah; Habeen caddo ah oo Dayax 14 ahi uu dunida nuurinayo ayaa gabadh gashaanti ah oo Reer Miyi ahi nin la soo ballantay inay habeenkaas raacdo. Ninkii dugga reerka ayuu sii galay. Inantii markaay duqii aabbaheed ahaa gorof caano riyaad ah uga mulsiisay ayuu odaygii ardaagii iska jiifsaday. Dabadeed, gabadhii cirka ayey eegtay oo tidhi; ‘Dayax niidhii, niidhii naylo wade; aabaw gacaliye ayaa cawaa nin raaca.’ Odaygii waxa uu yidhi; “Orod oo iska raac.” Halkii ayey taw tidhi oo ninkii oo sugaya raacday. Intaan dolarka Sucuudigu aannu af-duubin dhaqanka Soomaalidu dulqaad ayuu lahaa; bal kalsoonida odaygaa iyo inaantiisa ku wada hadlayaan dey!

Xeeldheerayaasha Fartii hore ee Masaaridu Hieroglyphics waxay sheegeen inuu xarafka N uu ahaa sawirka halkan ku muujisan. Sawirku waa biyo korkood. Biyo calcalyo ah oo guntoodu muuqato waxa ku jiraa.

Calcalyada xareedee isa soo ciriiriday dhulkan wada cagaarka ah.”Shan-ka-roon Axmed Sagal.

Biyahaasi waa kuwa; iidhi ah oo guntoodu muuqato. Niidhi; Niidhii, (clear, clear ). Sidaas ayaa xarafka N loo qaatay Biyaha Niidhi, Niidhi ah. KKKKKKK.

Masaaridii hore waxay rummaysnaayeen dal ay ka soo isirnaayeen oo awoowayaashood ka soo jeedeen ay u bixiyeen; “T h N Dh R.” Deex Niidher. Micanaheedoo ahaa dhulkii karaamaysnaa, muqadaska ahaa ee nuuraayey. Niidhiye waa Nuuriye (Dh —R) .Muran badan ayaa ka taagan meeshuu ahaa. Dhulkii awoowayaashu waxa uu noqday oo lagu magacaabay dhulkii Ilaahyada, “Deex Niidhiyada.” Niidhi ayaa ilaah noqday.

Hadda aan bal dhugano is-barbardhigga erayo fartii hore ee Masaaridda ah oo ku bilaabma shibanaha N iyo kuwa Soomaali ah oo la adeegsado oo iyana N ku bilaabma;

Masaaridii Hore Ingiriisi (English) Soomaali
NCB Opposite Nacab
NFY To breathe to blow Neefi
NF Air, wind, breath Neef
NFR To be good, beautiful, excellent, happy, pleased Nafleh
NFT To bow under pressure to suffer Naafo
NBT To tie up hair Nabid
NM To do evil, evil doer Namiimiye
NMNM To run , to hurry Namnam
NM To swim Nam
NNK Man Ninka
NH To separate, escape Nuxso
NHS To wake up, outcry uproar Naxis
NXNX To beseech Nuxnux
NKH To be young Naqan
NS To devour Laaso
NSB To consume, devour Nesab (Lasab)
NSHNSH To be shaken, disturbed agitated Nashnash
NQ What is sifted from dust powder Naqay
NS sword, knife . . Lisan
NSW Palace Nasaw (Naso)
NSW Slow Naso
NG Short of, lack Nag
NGNG To quack, to cackle Nagnag
NG To cut open Nuug
NGX To be weak, inactive Noog
NT To sprinkle Nidh
NTNT To flow, to pour out Nidhnidh
Ns Goat’s hide Saan
NNY Primeval watery matter Naani (Biyo)

Boowe, maxaa kuu baxay?

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 12aad