Tobanka Af Ee Dunida Loogu Isticmaalka Badan Yahay Iyo Liiska Tirada Dadka Adeegsada (Q. 2)

0
168432

Hargeysa (Geeska) – Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Russia today waxa aynu ku eegaynaa afafka ay tirokoobyo iyo sahamino ilo kala duwan ka soo baxay isku raacsan yihiin in ay yihiin tobanka af ee dunida loogu isticmaal badan yahay. Iyada oo laga eegayo sida ay u kala badan yihiin dadka ku hadlaa, iyo inta ay boqolley ahaan ka noqonayaan dadka adduunka.

  1. Afka Ruushka

Afka Ruushka dadka ku hadlaa waxa ay tirada guud e dadka adduunka ka noqonayaan boqolkiiba 3.95. Dadkaasi waxa ay ku filqan yihiin dalal aad u badan oo hore uga wada tirsanaan jiray jamhuuriyadihii uu ka koobnaa dalkii Midowga Soofiyati ee burburay.

Afka Ruushku waxa uu ka tirsan yahay afafka loo yaqaanno Slavic oo ah afafka Hindi-Yurubiyaanka ah (Indo-European Languages) oo ka kooban in ka badan 400 oo af, waana afka dadka badan afafkaas.

Afka Ruushku waa afka rasmiga ah ee jamhuuriyadda Federaalka Ruushka oo ka kooban in ka badan 22 Jamhuuriyadood, sida oo kale waa afka rasmiga ah ee dalalka Belarus, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan, halka uu dalka Uzbekistan kay aha yafka xarumaha diiwaangelinta iyo arrimaha sharciga ka shaqeeya, dalka Tajikistan uu u yahay afka ay awmiyaduhu ku xidhiidhaan iyo sharciyadana lagu dejiyo, dalalka Ukraina, Latvia, Estonia iyo Lithuania ayaa uu afk Ruushku ku jira afafka rasmiga ah ee ay dawladdu aqoonsantay, waxaa iyaguna jira dalal badan oo dadkooda qaybo badan oo ka mid ahi ku hadlaan afkan. Afka Ruushku waxa uu ka mid yahay afafka rasmiga ah ee Qaramada Midoobey. 5. Afka Isbaanishka

Tirada dadka dunida ka dhaqan boqolkiiba 6.25 ka mid ah oo noqonaysa ku dhowaad 400 oo milyan oo ruux, waxa ay ku hadlaan afka Isbaanishka. Marka laga yimaaddo dalka Isbayn, waxa kale oo afkan lagaga hadlaa dhammaan dalalka ku yaalla Badkhtama iyo Koonfurta Ameerika, dalka Kuuba iyo qaybo badan oo ka mid ah dalalk Maraykanka iyo Equatorial Guinea. Sida oo kale waxa uu ka mid yahay afafka rasmiga ah ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.

Afka Isbaanishku waa afka labaad dunida ee ay ugu badan yihiin dadka uu afka hooyo u yahay.

  1. Afka Carabiga

Boqolkiiba 6.6 dadka dunida ku nooli waxa ay ku hadlaan afka Carabiga, waxa aana ku hadla dadka ugu badan ee ku dhaqan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika. Afka carabiga waxaa ku hadla ama fahma malaayiin muslimiin ah ee dunida oo dhan ku filqan, maadaama oo ay Carabigu tahay afka Qur’aanka iyo guud ahaan diinta islaamka. Sidao oo kale waa afafka kooban ee ugu faafidda iyo barashada badan dunida oo dhan. Afka Carabigu waxa uu ka mid yahay afafka rasmiga ah ee Qaramada Midoobey oo uu ku biiray sannadkii 1974 kii.

  1. Afka Hindiga

Afhindigu waa afka rasmiga ah ee dalka Hindiya iyo dalka JasiiraddA Fiji, sida oo kale waxaa si aad ah loogaga hadlaa dalalka Nepal, Koonfurta Afrika, Mauritius, Uganda, Yemen iyo Maraykanka.

Boqolkiiba 11.51 ka mid ah wadarta guud ee tirada dadka dunida ku nool ayaa ku hadla afka Hindiga.

  1. Afka Shiinaha

Afka Mandarin ama Chines Standard lagu yidhaahdo afka Ingiriisug waa waa afka dadka ugu badan ee isku meel deggeni ku hadlaan dunida oo dhan, guud ahaan dadka afkan ku hadlaana waxa ay wadarta guud ee tirada dadka dunida ka noqonaysaa boqolkiiba 18.05.

Afka Shiinuhu malaha alfabeeto, balse waxaa la adeegsadaa calaamado macno loo yeelay, kelmad kasta oo ka mid ahina waxa ay leedahay calaamad ama sawir u gaar ah.  Dalalka kale ee afkan ku hadla waxaa ka mid ah dalka Taiwan oo ah dal si madaxbannaan isu maamula, laakiin dalka Shiinuhu uu u aqoonsan yahay in uu isaga ka tirsanyahay, dunidana aan aqoonsi ka haysan. Waxa kale oo afkan ku hadla dadka dalka Singapore.

Afkan oo leh lahnado aad u badani waxa uu ka mid yahay afafka rasmiga ah ee Qaramada Midoobey lagaga hadli karo. 1. Af Ingiriisi

Dadk tiradoodu gaadhayso 1.8 Bilyan oo qof ayaa si rasmi ah ugu hadla Afrika Ingiriisiga, waana afka rasmiga ah ee dalal aad u badan oo dunida oo dhan ku filqan. Afingiriisiga oo dadkan ku hadlaa ay tirada guud ee dadka dunida ka noqonayaan boqolkiiba 25 dalalka sida rasmiga ah ugu hadla waxaa ugu waaweyn dalka Ingiriiska oo uu afku asal ahaan ka soo jeedo, Maraykanka, New Zealand, Ustareeliya, Zimbabwe, dalalka gobalka badda Caribbean ka loo yaqaanno, Koonfur Afrika, Kanada iyo Hong Kong oo ah dawlad maamul hoosaad leh oo ka tirsan dalweynaha Shiinaha. Waxa kale oo jira malaayiin dad ah oo uu afka Ingiriisigu u yahay afka labaad, sidaa awgeed ayaa ay ku noqotay luuqadda labaad ee ugu shacbiyadda badan adduunka oo dhan. Dhammaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here