21 Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Jabuuti

0
73

Jabuuti (Geeska) – Dooni ay saarnaayeen 77 qof ayaa ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, waxaana ku dhintay 21 Itoobiyaan ah, 23 kalena waa la la’yahay, sida ay sheegtay hay’add Qaramada Midoobay ee socdaalka. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee noocan oo kale ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

Tanja Pacifico, oo ah madaxa hay’adda socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ee xafiiskeeda Djibouti, ayaa sheegtay in dhimashadu ay kor u kacday, taas oo markii hore ahayd 16 qof. 33 qof oo dhamaantood Itoobiyaan ah ayaa sidoo kale la soo badbaadiyay.

Doontan oo ka soo shiraacday dalka Yemen kuna sii jeeday dalka Jabuuti ayaa waxaa dadkii saarnaa ka mid ahaa carruur. Hay’adda IOM ayaa xogta dhacdadan ku daabacaday barta bulshada ee X. Shalay ayay ahayd markii safaaradda Itoobiya ee Jabuuti ay xaqiijisay in shan carruur ah iyo haween ay ku jiraan dadka  dhintay.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa yidhi, “Waxaan ka tacsiyeynayaa muwaadiniintayadii ku naf waayay shilkan naxdinta leh ee soo noqnoqda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Safarka sharci-darrada ah ee ka imaanaya Jabuuti ee lagu tagayo dalalka Bariga Dhexe waa mid aad khatar u ah, waxaana si joogto ah u lumineynaa nolosha muwaadiniintayada”.