Dulqaadkii Dhimashada!

1
3047

Xamse Cumar Kujoog

Cilmi faandhe waa nin da’ dhexe ah, waa xoog hawl kar ah, waa dantii yaqaan aan daqiiqadina kaga lumin wax aan dantiisa ahayn, xoolo mood iyo noolbana leh Ilaahay ku galladay, Cilmi waxa lagu majeertaa dulqaad iyo degganaan uu Rabbi deeq u siiyay, Cilmi waxa uu qabay xaas aad u wanaagsan oo Rabbi dabeecad, qurux iyo deeqsinnimaba isugu daray, muddo dheer oo ay wada noolaayeenna waxa ay ku qaateen farxad iyo raynrayn, waxa se murugo ku hayay in aan Ilaahay u qaddarin ubad ay ku indho doogsadaan oo ay dhabta iyo dhabarka saaraan.
Labaatan sano ku dhawaad kolkii ay wada joogeen oo ehel iyo qaraababa lagula taliyay inuu gabadh kale guursado, se uu isagu inbadan ka gaws adaygay ayaa xaaskiisii usoo jeedisay inuu talada ehelkiisa qaato oo uu guursado, iyaduna ay sidaas raalli kaga tahay.

Maalintii danbe ayaa Cilmi iyo niman la socday waxa ay u ardaa dhigeen reer kale oo lagu sheegay inan wanaagsan oo ay hiddo raaceen, halkaas ayaa nimankii lasoo dhaweeyay, meherkiina lagu duugay, xoolihii yaradka madixiisa ahaana la kala qaatay, markii intaasi dhammaatay ayaa Cilmi lasoo raaciyay gabadhii uu calmaday, waxana uu ku soo noqday tuuladii xoolihiisa iyo reerkiisu ku sugnaayeen oo aqal laba daryaale ah looga sii diyaariyay, aqal gal kaddib waxa uu Cilmi muddo dhawrayay inuu maalin maalmaha ka mid ah la noolaan doono farxadda ubad uu dhalay oo uu dhabtiisa saaro, Ilaahayna waa u rumeeyay oo waxa Cilmi u dhashay ilmihiisii u horreeyay oo wiil noqday, Cilmina geel badan iyo adhi badan ayuu dhagta dhiigga u daray oo farxadda dhalashada wiilkiisa uu kusoo dhaweeyay.

Sannad kaddib ayaa Cilmi oo maalin maalmaha ka mid ah niman odayaal ah la fadhiya hadh-qodaalka reerka ayaa waxa loo keenay wiilkiisii uu jeclaa, isna inta uu go’ii uu ku doonyaysnaa dabciyay ayuu dhabta saartay oo sheekadii iyo shaxdii iska sii watay, muddo kaddib ayaa waxa Cilmi soo dul joogsaday wiil dabaqoodhi ah oo geela u raaci jiray oo sida hilbo iyo maraq kulul oo odayaasha loo soo dhiibay, kolkii uu is yidhi saabaankii uu siday dhulka dhigna waxa si lama filaan ah uga daatay maraqii kululaa oo nasiib xumo ku dul qubtay wiilkii yaraa, naxdin iyo afkala qaad kaddib waxa lagu war helay wiilkii yaraa in markiiba diirka iyo dubku kala carareen, naftuna aanay diirka ka dhacay waxba ka danbayn oo uu Cilmi mayd dhabta ku haysto.

Cilmi isma uu dhaqaajin, doonyaysigiina iskama uu furin’e isagoo deggan oo bartii fadhiya ayuu wiilkii ku yidhi “Is deji, waxba ha baqan, qaddar dhacayna canaan ma leh” nimankii meesha la fadhiyayna waxa uu faray in ay maydka ilmaha yar qaadaan oo ay aasaan, dhinaca kalana waxa uu amray in boqol geel ah oo cas-cas geela looga sooco wiilka hooyadii, samirsiin iyo mag midkii ay doontaba ha u qaadatee.

Sannado kaddib waxa Ilaahay ku arsaaqay Cilmi 11 wiil oo ay afadiisii danbe u dhashay, dhammaantoodna waa ay u hana qaadeen, xoolihiina Ilaahay waa uu u barakeeyay oo waxa kaligii u foofayay sannadahaas kaddib toddoba tiro oo geel ah, kumanaan adhi ah iyo beer wayn oo aan midhaheeda tiro loola hollan.

Akhriste sheekadan maxaa kaaga baxay?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here