Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanka

0
202

Waxa ay tahay ugu horreyn in loogu hambalyeeyo madaxweynaha iyo xisbiyada qaranka dedaalka hadda ay ugu jiraan sidii doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaanka loo qaban lahaa, iyada oo meesha laga saarayo wixii khilaafaad ah ee dib-udhaca ku keensaday in doorasho qabsoonto.

Sida uu qorshuhu yahay waxa sannadkan meesha ka baxaya golihii hore ee wakiillada oo muddo 15 sanno ahayd kuraasta ku fadhiyey, iyada oo la ogsoonyahay in qaranka wax weyn kaga baaqdeen, waxana tusaale u ah, 82-ka xildhibaan ee 2005 la doortay, waxa ay fursaddii ka lumiyeen 164 xildhibaan oo cusub, noqon kari lahaana siyaasiyiin u soo baxda dalka, 10-kii sano ee doorashadu baaqatay ka soo bixi lahaa.

Waxa kale oo cambaar ay ku ahayd dimuqraadiyaddii qarankani ku faanayey, taas oo doorasho la’aantaa 10-ka sano ahayd ay buro ku noqotay Somaliland. Waxa intaa u dheer, waxqabad la’aan iyo in ayna masuuliyad iska saarin wixii loo soo doortay. Waxa Iyana la mid ah golaha deegaanka oo iyaga laftoodu muddo dhaaf ku darsaday fadhiidnimo.

Dhammaadka sanadka (Sida uu qorshuhu yahay) waxa qabsoomi doona doorasho isku sidkan oo deegaanka iyo wakiillada ka kooban, sidaa awgeed waxa muhiim ah in la is waydiiyo cidda ay tahay in loo xusho labadaa gole!

In badan waxa laga cawdaa dadka la gaysanayo xilalka qaranka tayadooda, se micnaheedu maaha in dadku wada tayo xunyihiin ama la waayey cid ku munaasib ah in qarankan ay ka mid noqdaan u adeegayaashooda, kaliya waxa ay u baahantahay in xil la iska saaro cidda la gaysanayo labada gole, is waydiintuna waxa ay tahay yaa ka masuul ah ama se yey xil ka saarantahay in dalka iyo dadka loo baandheeyo inta masuuliyad qaadi karta?

Masuulyadda ugu weyn waxa ay saarantahay madaxweynaha qaranka, waxana u furan madaxweynaha in uu xil dheeri ah iska saaro dadka loo xulanayo labada gole ee doorashadoodu foodda hadda innagu soo hayso, waxana u furan madaxweynaha:

• In uu xisbiyada ku jiheeyo sidii ay u keensan lahaayeen murrashaxiin masuuliyad qaadi kara.
• In Komishanka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh ku amro sidii siyaasad cad looga yeelan lahaa murrashaxiinta labada gole (Wakiillada iyo Deegaanka

Haddii ay munaasib tahay in uu madaxweynuhu guddi madax bannaan u sameeya eegista iyo xulista cidda ku munaasibka ah labadaa gole.
Waxa kale oo xilku saaranyahay xisbiyada, oo iyagana ay tahay in masuuliyad gaar ah iska saaraan dadka ay ka sharaxayaan xisbiyadooda, Waxana laga rabaa

• In shuroodo adag ku xidhaan murrashax kasta oo raba in uu xisbiga ka tartamo
• In aan loo ogalaan qof wal oo aqoon ahaan, dhaqaale ahaan iyo garasho ahaan aan dhisnayn in uu tartamo

Waxa laga bartay doorashooyinkii hore ee dhacay, in dadkii u qalmay in xilalka qaranka ayna danayn, taas looma aanayn karo in la waayey cid wanaagsan oo xil soo raadsata, waxa se muuqatay oo xaqiiq noqotay marka wax kala xadeeya la waayo intii wanaagsanayd iyo intii xumayd, in ay xoog yeelanayso inta xumi.

Waxa xusid mudan hadal uu Sh Cabdillaahi Cali Jawhar ka jeediyey shirkii nabadaynta ee Sheekh 1992, uu ku sheegay reer kasta in aan laga waayeyn cid wanaagsan oo umadda u hoggaamin karta halka wanaagsan, sidaa awgeed ay munaasib tahay qabiil kasta in uu dadka wanaagsan u soo xusho mansabyada dalka, si dalku u wada hagaago

Waxa kale oo Iyana xusid leh, in taariikhdu sheegto waxyaabaha qaramada (Dowladaha) ragaadiya dibna u rida ay ka mid yihiin ama ugu horreeyaan marka bulshada inta wax-magarata ahi taliso ama inta tayada xumi dusha soo marto.

Waayadii hore ee guumaystaha waxa la xusaa in tujaarta dalka loo xulan jiray golayaasha deegaanka, ujeedka laga lahaana ay ahayd in qaranka ayna waxba uga baahan, hadda se waxa la doortaa mid aan wax ammaan ah iyo wanaag ahna uuna u hayn, iskana ciilkaabinayo sanduuqii uu ka soo saaray.

Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)