Doon Kalluumaysi Oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya & Laba-Kaclaynta Budhcad-Badeeda

0
169

Eyl (Geeska) – Budhcad-badeed Soomaali ah, ayaa degmada Eyl ee Puntland ka afduubay doon kalluumaysi Sida laga soo xigtay hay’adda Maritime Executive, doontan kalluumeysi ayaa laga afduubtay meel qiyaastii 69 mayl bari ka xigta xeebta Soomaaliya ama qiyaastii 120 mayl-badeed Koonfur-bari degmada Eyl.

Afduubka ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa geystay lix illaa toddoba budhcad-badeed ah oo ku hubeysnaa qoryaha Kalashnikov.

Doontan ayaa laga lahaa Iiraan sida ay ila wareedyo amni xaqiijiyeen. Waxaana la rumaysan yahay in qorshaha doontan budhcaddu kaxaysatay ka lahayd uu

yahay in ay ku ‘ugaadhsi tegayaan’. Taas oo lagu wado in ay ku soo qabsan karaan ‘doonyo ama maraakiib kale’.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay weerarrada ay geystaan budhcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

Halka dhanka kalena, warbaahintu tebinaysay xog ku saabsan in markab dagaal oo ay leeyihiin Midowga Yurub ay lix nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin budhcadbadeed ku wareejiyeen Jaziirada Siishalis, si halkaas dacwad loogaga oogo.

Kooxdan ayaa ku eedaysan weerar budhac badeednimo.

Seychelles waxa ay ka mid tahay jasiiradaha qaybta ka ah hawlgalka ATALANTA ee Soomaaliya, kuwaas oo ay la leeyihiin heshiis sharci ah oo ogolaanaya in la maxkamadeeyo dadka looga shakisan yahay budhcad-badedda

ee ay qabtaan maraakiibteeda dagaalku.

Dabayaaqadii sanadkii tagay ayey dib u billowdeen weerarrada kooxaha budhcad baddeeda Soomaalida, ka dib markii ay rag hubaysan gacanta ku dhigeen doon ganacsi oo u rarnayd ganacsto Somali ah

Wixii intaas ka danbeyey waxaa sii xoogaystay weerarrada kooxda ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi e gooshaysa biyaha caalamiga ah.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa laba jeer oo is xigta howlgal ciidan ku qaaday markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah

Bishii March, ciidamada badda ee Hindiya ayaa soo furtay markabka MV Ruen, oo muddo saddex bilood ka badan gacanta ugu jiray koox burcad baddeed Soomali ah.

Howlgalkaasi oo ka dhacay meel 1400 NM u jirta xeebta badweynta Hindiya ayaa ciidamada Badda ee Hindiya ay gacanta ku dhigeen ilaa soddon iyo shan nin oo ku dul sugnaa markabka iyagoo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo markabka saarnaa.

Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

Qaar badan oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee qeybta ka ah howgallka ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa hadda u guuray dhanka Badda Cas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta ee Yamen ay weerarro ku qaadaan maraakiibta gancsiga ee maray.

Khubarrada ayaa hadda ka cabsi qaba in arrintaas ay ka faa’iideysteen burcad badeedda Soomaaliyeed, sida ay

sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.