SAFIIRKA | Peter Bridges: Waxa gorfeeyey Cabdiqaadir Dayib Askar

0
3662

Gogoldhig

Waa faro-ku-tiris buugaagta laga qoro dalka iyo dadka Soomaalida.Inta kooban ee qoran, ma sahlana in laga dhex helo qoraa aan Soomaali ahayn, oo si dhexdhexaadnimo leh oo madaxbannaan uga faalooda qaab-nololeedka bulsho, siyaasadeediyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida.  Waxa se xiiso gaar ah mudan, marka aad akhrido adduun-aragga danjire reer Galbeed ah oo shaqadiisa ugumuhiimsan tahay in uu dalkiisa si joogto ah u siiyo warbixin dheelitaran oo ku saabsan dal sabool ah oo ku jira gacanta nidaam kali-talis ah.

Danjire Peter Bridges, oo ahaa safiirkii dalka Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya muddadii u dhaxaysay 1984 ilaa 1986-kii, waxa uu buuggiisa  lagu magacaabo Safiirka ku soo bandhigayaa xasuus-qorkii iyo waayo-aragnimadii uu ka helay Soomaaliya iyo muddadii uu ku jiray shaqadda diblumaasiyadeed. Buuggan oo ka kooban 336 bogiyo 10 cutub, waxa si farshaxanimo sare leh ugu  turjumayAf-soomaali: Kamaal Marjaan.

Guudmarka Buugga

Buugga Safiirka, Danjire Peter Bridges waxa uu si qotodheer ah u soo bandhigayaa sheeko-nololeedkiisii muddadii uu ku magacownaa jagada danjirenimo ee Soomaaliya.Inkasta oo muddadaas kooban ay ahayd intii uu  xilkadanjirenimo si buuxda u hayey, haddana waxa uu sawir dhamaystiran ka bixinayaa 30 sanno oo xilal kala duwan uu ka soo qabtay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Buuggu waxa uu xanbaarsan yahaysooyaalka danjirahaoo sharaxaya Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka xilligii lagu jiray cahdigii Dagaalka Qabow.Qoraagu waxa u faahfaahinayaa sida uu dalka Maraykanku ula macaamili jiray waddamada dibadda, gaar ahaan dalalka saboolka ah ee ka hooseeya lama deggaanka Saxaaraha.

Xusuusaha qoraagu uu buugga ku sheegayaa waa kuwo xiiso,xallad iyo xamaasadba leh. Labadii sanno ee u dhaxeeyey 1984 ilaa 86kii, Danjire Peter waxa uu dadaal dheer ku bixinayaa sida uu xidhiidh diblumaasiyadeed oo fiican ula yeelan lahaa waddan uu hoggaamiyo kali-taliye macangaga ah oo siyaasaddiisa arrimo dibadeed aanay lahayn sugnaasho laysku halayn karo.  Balse Danjire Peter waxa uu maareynayaain uu xidhiidhkaas daneed ilaaliyo, iskuna soo dhaweeyo laba dal oo qaab-nololeedkooda bulsho iyo nidaamkooda siyaasiga ahi aad u kala fogaa(Maraykanka iyo Soomaaliya).

Si uu haddaba ugu guulaysto shaqadiisa diblumaasinimo, danjiruhu waxa uu kulanno joogto ah la yeelanayaamasuulka ugu sarreeya dalka loo soo diray: Maxamed Siyaad Barre. Kulanaddaas  fool-ka-foolka ah oo ay sida badan isku kaliyeysan jireen,waxa ay ahaayeen kuwa qaadan jiray saacad ama laba, qabsoomina jiray xilliyada danbe ee habeenkii. Qoraagu isaga oo sifaynaya hoggaamintii Siyaad Barre wuxuu yidhi: “Siyaad mar ama laba jeer ayuu casilay ama xilka ka beddelay Cali Samatar. Waxa ay ahayd dabeecad uu kula dhaqmo dhammaan xubnaha dawladdiisa ku jira, si uu hoos ugu dhigo fursadaha ay u heli karaan in ay isaga garbiyaan, iyo si uu masuuliyiintiisa u xasuusiyo, arrinka ay markasta ka dheregsan yihiin ee ah in uu isagu (Siyaad Barre) yahay awoodda koowaad ee talada dalka.”

Sidoo kale, danjire Peter wuxuu kulamo kala duwan la qaatay siyaasiyiin, aqoonyahano, taariikhyahano iyo suugaanyahano kala duwan oo waraysi uu kala yeelanayo hab-fakarka Soomaalida iyo qaab-dhismeedka bulshadu u nooshahay.Isaga oo qoraagu kulanada sharaxaya wuxuu yidhi, “aad ayey iigu adkayd in  dadka Soomaalida ah kala sheekaysto aragtidooda ku aaddan sida uu noqon doono mustaqbalka Soomaaliya. Waxa aan samaystay saaxiibbo Soomaali aan si buuxda ugu kalsoonaan karo oo aad u tiro yar.  Dalka aan joogaa waa dal sirdoon, sidaa awgeed waa in aan mar kasta fishaa in erey kasta oo aan ku hadlaa uu gaadhi doono Siyaad Barre.” Mid kamid ah kulanada ugu xiisaha badan ee uu danjiruhu buugga kaga hadlay waa kulankii uu la yeeshay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. “ Waxa uu ahaa nin dheer oo ragannimo iyo sharaf badan. Waxa uu ka soo jeeday qabiilka Isaaq, magaciisuna waa Cigaal…Cigaal waxa uu soo iibsaday teebka korontada ku shaqeeya, waxa aannu ii sheegay in waqtiyada uu firaaqada yahay uu qoro qoraallo uu kaga warramayo hab-nololeedka Soomaalida.”

Danjiruhu waxa uu safaro ku tagayaa badanka magaalooyinka ugu waaweyn dalka Soomaaliya, koonfur ilaa waqooyi, si uu indhihiisa ugu arko goobaha taariikhiga ah, kuwa istiraatijiga ah iyo sida ay qabiilooyinka Soomaalidu ugu noolyihiin.  Booqashooyinkaas oo uu warbixino joogto ah ugu diyaarin jiray dalkiisa, isla markaana kaga hadli jiray sida uu Maraykanku xidhiidhka diblumaasiyadeed u sii xoojin lahaa, una maalgalin lahaa kaabayaasha dhaqaale ee aadka u burbursanaa.  Danjiruhu waxa uu buugga Safiirka ku xusay in ay dawladiisu siisay taageero milatari dalka Soomaaliya, si ay iskaga difaacdo cutubyada Itoobiyaanka ah ee xuduudaheeda ku soo xadgudba. Balse qoraagu waxa uu aad uga qoomamoonayaa taageeradaas militari ee ay siiyeen Soomaaliya, gaar ahaan madaafiicda goobta, oo uu nidaamka Siyaad Barre u isticmaalay in lagu burburiyo magaalada Hargeysa.

Isaga oo raacaya taladii uu siiyey Danjirihii Ingiriiska ee Muqdisho, William Fullerton, ee ahayd in uu akhristo buugga Richard Burton ka qoray Soomaalida 1856-kii, danjire Peter waxa uu waafaqayaa in Soomaalidu ahayd “Bilaad wax i sii”.  Waxa kale oo uu sharaxaya in Dawladda Soomaalidu ahayd mid hunguri badan oo markasta u baahan ‘caawimo ka badan inta la siiyo.’ Danjiruhu sidoo kale wuxuu Soomaalida ku qeexayaa in ay yihiin bulsho sas ka qabta shisheeyaha, dad aargoosiga jecel oo ay naxariista iyo dabacsanaantu ku yar tahay. Taas oo sababteeda uu ku sheegayo in ay ugu wacan tahay dabeecadda deegaan ee qallafsan ee ay qarniyada ku soo noolaayeen.

Danjiruhu waxa uu buugga kaga faalloonayaa xidhiidhada ay Dawladda Soomaalidu la lahayd waddamada dunida sida: Ruushka, Shiinaha, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo Carabta. Isaga oo si qoto dheer uga hadlaya xidhiidhka ay Soomaaliya la lahayd Ruushka oo mar ahaa saaxiibka ugu awooda badan, uguna taageero siinta balaadhan Soomaalida.

Isku soo duub, labadaas sanno, 1984 ilaa 1986-kii,  danjire Peter waxa uu la kulmayaa guulo iyo guuldarooyin is-barkan.Guusha ugu weyn ee uu horseeday danjiruhu waa in uu maamulo deeqihii ugu balaadhnaa ee dalka Maraykanku ugu yaboohay dalalka Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya (taas oo dhanayd 120 malyan sannadkii). Nasiib darro se marnaba danjiruhu ma saadaalin, in uu dalka uu danjiraha ka noqday, uu hoy u noqon doono argagixiso, budhcad-badeed iyo qabqablayaal dagaal, intaba.

Ugu danbayn, qoraagu waxa uu buuggiisa Safiirka niyad xumoka muujinayaa mustaqbalka Soomaaliya. Waxa uu odorosayaa in dadka Soomaalidu sannado badan ku sii noolaan doonaan baahida iyo saboolnimada. “In Soomaalidu ay mar dambe fursad u heli doonaan midnimo qaran ayaa iyaduna ah su’aal kale oo weli taagan,” ayuu danjiruhu  saadaalinayaa.

Guusha Buugga

Buugga Safiirku waa buug waxtar weyn u leh cid kasta oo rabta in ay fahanto shaqada rasmiga ah ee danjire dalkiisa u qabto. Shaqadaas oo ay saldhig u tahay barashada diblumaasiyadda iyo hab-maamusku. Waana shaqo taxadar badan oo u baahan in qofka hawshaas ku jiraa feejignaado, lanna yimaado hal-abuur iyo fahan balaadhan oo ku saabsan dalka uu ka hawlgalayo.

Turjumaada lagu sameeyey buugga ayaa ah mid aad u macno weyn oo ammaan mudan. Waa dadaal qofeed oo wax-ku-ool ah, si weyna u caawinaysa dad badan oo Soomaali ah oo ay ku adag tahay in ay  akhristaan nuqulka asalka ah ee ku qoran afka ingiriisida.

Goljilicda Buugga

Galdaloolada ugu weyn ee turjumaada buuggu leeyahay waa in aanu turjumuhu u helin ogolaansho  in uu turjumo, isla markaana daabaco buugga Safiirka. Taas oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee u dhigan Xuquuqda Qoraaga (Mu’allifka). Waa jiraan khaladaad kooban oo dhinaca higgaada iyo qoraalka turjumaada buugga ah oo aan kalsooni ku qabo in turjumuhu mar labaad haddii uu fursad u helo daabacaad kale uu ku suullin karo.

Gunnaanad

Xasuus-qorka Danjire Peter waa dhaxal taariikheed oo ku soo biiray qoraalada tirada yar ee laga sameeyey xidhiidhada diblumaasiyadeed ee ay Soomaalidu la lahayd dunida reer Galbeedka.Waa buug si weyn wax ugu kordhin doona maktabada saboolka ah ee Soomaalida ee aan helin qorayaal si geesinimo leh ugu hiiliya, unna soo bandhigasooyaalka hodanka ah ee ay leedahay bulshada Soomaalidu.  Sidaas darteed, waxa aan u soo jeedinayaa cid kasta oo xiise u qabta barashada iyo daraasadda diblumaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah in ay akhristaan buugga Safiirka.  Waa buug si gaar ah uga caawinaya qofka in uu fahan dhamaystiran ka helo arrimaha horseeda guulaha waaweyn ee danjire uu dalkiisa u horseedo.