Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa

0
1009

Xamse Cumar Kujoog

Hadda ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada iyo marti kale oo uga timi dawladaha jaarka ah.

Waxa uu u yeedhay mid ka mid ah shaqaalihiisa, waxa uu ku yidhi; “Maanta waan daalay oo qado waafi ah ayaan u baahanahay’e, inanka cuntada karinaya inoogu dir Kalluun. Kalluun ayaan maanta aad ugu niyadsamahaye! “. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa yidhi; “Haye, Mudane Madaxwayne, Kalluunka waliba waad u baahan tahay oo daalka waa ka dawo, sidoo kalana waxa uu leeyahay Faytamiinno jidhka iyo maskaxdaba soo celinaya oo waan hubaa in kolka aad cunto aad firfircoonaan badan ka heli doontid”

Madaxwaynihii ayaa ku yidhi; “Inkastoo calooshu igu xanuunto, haddana yeelkeed’e inoo dir.” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Mudane Madaxwayne, waa runtaa oo Kalluunku calool xanuun ayuu leeyahay, balayaadu waliba waa wada lafo oo haddii midh keli ahi kuu dhuumato waa khatar, sidoo kelana yalaalugo iyo laabjeexna way u raacaan”!

Madaxwaynihii oo yaabban ayaa ninkii waydiiyay; “Waar miyaad xanuusanaysaa? Halkaad hal mar ammaan iyo dhaleecayn wada socda isugu daraysaa Kalluunka?”

Ninkii ayaa ku jawaabay; “Madaxwayne, anigu adigaan kuu shaqeeyaa ee Kalluunka uma shaqeeyo, wixii aad tidhaahdabana waan kugu raacayaa, haddaad ammaantana waan u kula ammaani, haddaad dhaleecaysana aakhiro ayaan u dirayaa”!

Dhacdo ka mid ah kumannaanka dhacdo iyo sheeko ee guulwadaynta indhaha la’ ah ee ka dhacda dunida aynu ku noolnahay ayay dhacdadani tusaale u tahay! Waxa iyaduna la mid ah, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin Boqor ah oo duurka u ugaadhsi tagay waxa uu la kala baxay leeb iyo qaansadiisii si uu ugu gano shinbir geed u dhaw saarnayd.  Kolkii uu ku ganay ayuu la waayay, isla markiiba mid guulwade ah oo ag boodayay ayaa la soo booday; “Boqor, si wanaagsan ayaad yeeshay!” Boqorkii oo yaabban ayaa yidhi; “Oo maxaan wanaajiyay waaban la waayae!” Ninkii ismaba uu dhibine aad yar ayuu ku jawaabay; “Boqoroow lamaad waayin’e shinbirta ayaad u naxariistay”.

Waxa iyaduna aan kuwaas hore ka fogayn dhacdo kale oo la yaab lahayd.  Waa Madaxwaynihii wadanka Masar, Jamaal Cabdinaasir oo khudbad ka jeedinaya aqalka Golaha Wakiillada ee dalkaas, kaddib markii ay isku dhaceen Masar iyo Suuriya. Waxa uu Madaxwayne Cabdinaasir yidhi isagoo Golaha hortaagan; “Waxa aan amray ciidamadeenna baddu in ay dhaqaaqaan oo ay Suuriya ku duulaan…” Isagoo halkaas maraya ayay xildhibaannadii sacab isla oogsadeen, kolkii ay sacabkii dhammaysteen ayuu hadalkiisii sii watay oo yidhi; “Haddana waxa aan ka fikirkay midawga carbeed oo waxa aan amray ciidamadeennii in ay soo laabtaan!”, sidii hore si ka badan ayaa haddana sacabkii isu qabsaday! Cajiib!

Guulwadaynta indhaha la’ ee aan tilmaamaynaa waa taas ah in laba fal oo iska soo horjeeda daqiiqad gudaheed sacabka loo wada garaaaco!

Waxa aynu dhammaan ognahay in qof kasta oo Madax ah meesha uu doonaba ha joogee, inuu leeyahay in ka ag dhow oo uu la tashado. Ha noqdo Madaxwayne wadan idilkii maamulaya, Wasiir, Maamule Shirkadeed ama dugsi iyo wixii la mid ah.  Qofka haddaba cid hawl ummadeed haysa ka-ag-dhow, waxa ku habboon inuu qofkaas runta u sheego, talo wanaagsan oo sidii ugu mudnayn ee uu yeelilahaa ahna uu la wadaago, taladaas oo qalbi iyo daamir saafiya uu ku gudbinayo, waxbana aanu ka habranayn, sidoo kalena aanu islahayn wax ku hel, ku dhac ama cid kale ku duudsi, waa sida laga rabo qofka madaxda ka ag dhow wixii uu qofkaas madaxda ahi kala tashado.

Nasiibdarrdu’se, waxa ay tahay, in Alle, damiirka iyo dadnimadaba u badbaadiyay oo tiro ahaan koobmaysa sida runta ah, mooyaane, in loo badan yahay “Guulwadayaal” u sheega qofka Madaxda ah inuu keligii saxsan yahay! Salaamaad! Xilliyada qaar saxnaaantaasi waxa ay noqonaysaa mid dhaw, marka loo eego “Guulwaydayn”-ta Indhaha la’! Waxa madaxda loogudaraa in ay saxansiyiin, tilmaamo kale oo ay mid noqon karaan, hadal u dhigma;

In bulshada aanu dib usoo mari doonin mid isaga la mid ahi.

In  bulshadaasi  tahay mid nasiib badan kol haddii hebel  Madax u yahay’!

Guulwadayntaas danbe waxa ka Tusaale noqonaysa, mar dhawaan uu Jabuuti ka lahaa mid ka mid ah kuwa Ilaahay innagu imtixaamay “Waligiin idin soo mari maayo madaxwaynahan oo kale, kii beddeli lahaana wali muu dhalan” Beerka lagugu dhufay ma idhaahdaa, bal ummaddaas dhan sida uu u caqli caayay u fiirso.

Madaxdan gurracan ee haddana isla saxan, in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ay innagu hayaan waxa sabab u ah inta ka agdhaw ee sacabka iyo mushxaradda la ag joogta, inta guulwadaynta iyo madax buuxinta mooyee aan dhaqan kale aqoon,

Waa kii lahaa Abwaan, Maxamed Ibraahim Warsame -Hadraawi – Ilaahay caafimaad sareecan ah ha siiyee ;-

“Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo

Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho

Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud.”!

Dadka noocaas ah ee marwalba la hoos taagan Madaxda in xukuumadaha ay gadhwadeenka ka yihiin ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee bulshada soo mara, waa kuwo khiyaamo qaran kula kacaya bulshada, sidoo kalana si aanay dareensanayn ,waxa ay hoojinayaan, ka ay ka hoos shaqaynayaan oo haadaamo ay uga tallaabsanayaan! Go’aanno badan oo aynu maanta la rafaadsannahay, waxa hubaal ah in aanay inta ugu badan yimaaddeen, haddii uu ninka talada hayaa helo cid gacanta qabata oo wixii wanaagsan u sheegta, wixii gef iyo gardarro ahna ka qabata!

Bulshada kolka lagu soo rogo kumannaan cashuuro ah oo aanay qaadi karin, ma aragtay qof muwaadin ah oo sheeganaya “Dhaqaaleyahan” oo bulshada ugu dhaaranaya in ay cashuurtani tahay mid sharci ah oo baahi loo qabo? Ogow oo isaga laftiisu wuu ogyahay in ay tahay xaqdarro se waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa!

Aynu dhanka kale u rogno hadda’e, ma aragtay marar badan, Wadaad, boqollaal “Aayadood” u soo qaadanaya, go’aan uu qaatay nin Madax ahi, si uu innoogu sheego in go’aan kaasi sax yahay? Yaah! Waxba ah yaabin akhriste, aadyar adiga oo aan dhibtoon waxa aad ogaata, “ isagu si waafiya ayuu u ogyahay inta badan,  in aayadda iyo xadiiska uu luqunjibaadhayaa aanay halkaas munaasib ku ahayn”,  Balse waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa oo halkaa la galaya!

War caddaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.