Qofku Wuxuu Bislaadaa, Wakhtiga Uu wadnuhu Gubto!

0
1208
Gugii 2022 wuxuu ii ahaa kal-tirsi aan dib u dhashay. Intii ka horaysay ma aan aqoonin ruuxdayda iyo waxkasta oo la gudboon nolosha dhabta ah, nolosha halbeegeedu yahay barashada ruuxda. Badiba dadka way ka daahan tahay ruuxdu ismana yaqanaano qofku ilaa uu ka barto ruuxdiisa iyo sida loo adeegsado, gugii 2022 waxa uu i siiyay hadiyad aan hanto tii ugu mudnayd oo ah tarbiyad sees u ah qofku sida uu  u ahaan karo bani aadam dhinac kasta caadi ah.
da’da dhabta ahi ma aha inta sanadood ee qofku uu ka soo tirsado maalinka uu dunida yimi, balse waa hadba inta uu ka shaqaysiin karo dareemadiisa gudeed, dareemada waayo aragnimo ee ku duugan Ruuxda oo iyadu ah mid aad uga fac wayn qaybteenan jidheed ee maadiga ah.
Gugii ina dhaafay ee 2022  wuxu ii curtay aniga oo daba ordaaya himilooyin aan dejistay oo aan u arkayay waxa u qaalisan ee aan hanan karo xaqiiqadu se waxay tahay in aanan dhammaan himilooyinkaas hal midna hanan taas badalkeese aan hantay wax kale oo ka qaalisan oo ah barashada barashada gudahayga.
Sida caadiga ah qof kastaa waxa uu leeyahay riyooyin uu daba ordaayo iyagana u arko waxa ay ku xidhantahay farxadiisa iyo badhaadhaha loo wada ruclaynaayo,  madaxnimo, aqoon maadi ah, tabcasho lacageed, saaxiibo ama guryo iyo gawaadhi, safarada dalxiiska ah iyo waxyaabaha la midka ah. Qof ayaa heli kara in uu aqoon maadi ah oo qaali ah barto, ama tabco lacag badan, ama  wuxu helay xil loo dhiibtay iyo wax lamid ah isaga oo u arkaya in uu gaadhay hadaf wayn oo guul u ah farxaddna uu ku helaayo waa wax iska caadi ah oo qofkasta la kulmi karo, balse taasi way ka duwantahay xaqiiqda dhabta ah ee nolosha aadamahu u baahantahay, dadku inta badan waxa ay daba ordayaan waxyaabaha uu waqtigu u soo bandhigo ee maadiga ah, iyaga oo indhaha ka qarsanaya ama aan xilligaas dhaadi karin fariimaha uga imanaya gudihiisa iyo deegaanka ku xeeranba.
Gugaas galbaday ee 2022 waxa aan la kulmay in ka badan 50 qof oo masuuliyiin ah. Dhammaantood waxa aan kala hadli jiray oo ku qancin jiray in ay gacan ka geystaan sidii aan u heli lahaa fursad aan hogaan kaga noqdo xafiisyada bulshada looga adeego ama xil dawladeed. Waxa aan huray waxkasta oo aan ku kasban lahaa sidii aan u gaadhi lahaa damacaygaas. Waxa aan huray waqti, joogtayn, dadaal. Waxa aan huray dedaalkasta oo aan ku qancin karaayay masuuliyiintaas, hoga tusaalayn aan tiro yarayn waad dareemi kartaa waqtiga iyo tamarta ku bixi karta la kulanka dadka tiradaas leh qaarkoodna aanay kuu lahayn garasho hore waxa waqti ah. Waqtigaaas aan dadaalkayga oodhan sidaas iskugu geeyay hal jiho Isla aniga ayaa dagaal kale kula jiray doonistayda, mana aan fahansanayn qiimaha aan anigu leeyahay keliyaata waxa dhafoorka hore ii saarnaa oo ii muuqday uun qiimaha dadkan aan la kulmaayay, waxa sabab u ahaa garasho la’aanta iga haysatay ruuxdayda. waxa iga qarsoonaa fariimaha ay iisoo gudbinaysay ruuxdaydu, isla markaana waqtigu waxa uu daqiiqad kasta iiga faaidaysatay maankaygu in uu raaco waxyaabaha ay  u soo bandhigayaan waqtiga & naftaydu.
Waxa aan isku aqaanay qof wanaagsan oo leh dhaqamo badan oo wanaagsan iyo qaar xunba waxa aan ogaaday oo aan Sanadka 2022 xaqiiqsaday in aanan is aqoonba una baahanahay barashada naftayda si aan u gaadho waxkasta oo ay noloshu ii diyaarisay oo aan si fudud ku hanan karo qof ahaan kadib barashada ruuxdayda. Waxa aan ka baqan jiray waqtigu waxyaabaha uu igu hor goynaaayay, waxa aan ilaaway xoogayga, waxa aan ka dhuuntay jiritaanka hillinka aan u mari lahaa doonistayda waxa aan isku qancinaayay waxkasta oo aan ku taagneyn rukumo asal ah.
Waxaan isku aqaanay oo waqtigu I sheegi jiray ama igu hagay in aan necbaa in aan qof been u sheego ama xumeeyo, caadifi noqdo, dadka afaarahooda faraha la galo, go’aano leeyahay, isla wayneen iyo waxkasta oo aan isku maaweelin jiray! 28sano kadib waxa aan ogaaday waxkasta oo wanaagsan oo aan heli karo/helaayo in ay ka horayso sida uu u  eeg yahay saafisanaanta qalbigaygu.
In aad xukumida umadda raadiso oo isku aragto qof mudan waxa ka horaysa in aad qirto jiritaankaaga, iyo ka go’anaanshaha qabashada shaqo umadeed. In aad been sheegto ama aanad sheegin waxa ka horaysa oo asal ah in aad necbaato beenta iyo beenaaleyaasha. In aad qofkasta caawiso waxa ka horaysa in aad marka horeba aaminsanaato asalka waajibaadkaasi. In aad xanta necbaato waxa ka horaysa in aad asalka xanta necbaato oo ka fogayso naftaada. In aad isla waynaan dareento waxa ka horaysa in aad aragto tabar yarida basharka ugu horayn. In aad dad kale wax u quudhi waydo waxa ka horaysa in aad labadaada indhood ku aragto EEBBE sida uu qofkasta u arsaaqayo xisaab la’aan, in aad isku aragto qof wanaagsan waxa ka horaysa in aad barato asalka faa’iidada wanaaga, in aad xumaha samayntiisa ka badbaado ama necbaato waxa ka horaysa in aad  ahaanshaha xumaanta necbaato si aanad ugu dhicinba, samaynta caadooyinka xunxun iyo ka fogaantooda waxa ka horaysa fahanka asalka caado xun dhanka ay kaaga timaado ama naftaada kaga jirto si aanad  u samaynin ama uga saarto naftaada . Waxaas oodhami waa ubucda mushkiladaha iyo is diidooyinka ku dhex filaqsan inta u dhaxaysa waqtigaaga naftaada iyo ruuxdadaba.
Waxkasta oo aan u aqaanay in aan ku xumahay ama ku wanaagsanahay waxa aan guga 2022 si dhab ah u xaqiiqsaday in aanan aqoonba u lahayn asalka caadooyinka aan jeclahay ama necbahay, Tusaale in aan dadka caawiyo ama anan niyad jabin waa waxyaabaha aan is odhan jiray waad ku wanaagsan tahay, hadana gadaal waxa aan ka ogaaday in aan dhibaato badan kala kulmay ama cid kale kala kulantay oo aan sababta leeyahay anigu ismana ogayn oo waaban ku faanayay qiyaasti  .
Caadooyin badan oo aaan tiro lahayn waxa aan u samayn jiray si niyad ah waxaana ay ahaayeen dhamaatood waxyaabo aanan u baahnayn samayntooda maanse aqoonin. Tusaale waxa aan dhib anaan aqoonin kala kulmay gudahayga waxkasta oo aan samaynayay  wax aan arkayay in ay wax sax ah yihiin, in aan qalbi wanaagsanahay  in aan aad wax u aamino, in aan qofkasta is dhaho tilmaam ama caawi iyo in aan cidkasta u arko in aan is fahanay. In aan dhibaatooyinkayga ka qarsado dadka iigu dhaw ee qoyska ah oo kaligay isku qanciyo in aan xalkooda keeno iyo in aan waqti badan ku lumiyo waxkasta. In aan daalo anoon natiijo sax ah helin, in aan isku qanacsanado iyo in aan xanaaqo. In aan farxo, in aan cidkasta u arko in aan qancin karo iyo in aan qofkasta si damqasho leh uga codsado waxyaabaha ii muuqday in uu markiiba xalin karo. In aan ka dhuunto jiritaanka dhibaatadayda. Waxaas oodhami hubaal waxa ay iga dhigayeen qof aan meelba u socon taas badalkeedana waxaan ahaa qof aanay deganayn gudaha naftiisu laakiinse aanu qofna dhaadi karin! Sidii aan u saarnaa doomaha waqtigu igu raray si aan kala joogsi lahayn ayaa waxa aan si lama filaan ah u maqlay cod naxariis leh ooo kasoo baxaya gunta hoose ee qalbigayga! Waxa anoo suursan dareen suuxdimaad ah camal maqlay “Hanad joogso fadlan u tudh naftaada oo maqal ruuxdaada” ! Halkaas ayaa waxa iiga bilaabmay safar dheer oo aan ku helay cusboonaysiinta naftayda iyo jidka ay hayso.
Waxa aan dib uga baxay kun talaabo waxkasta oo aan hami lahaa waxa aan si teelteel ah u dhagaystay ruuxdayda anoo u laabtay asalka jiritaankaya. Waxa ii timi risaalad kamid ah kuwa ruuxdayda ka sifaysay gudaha naftayda waxa aanan si halhaleel ah u maqlay cod dabacsan oo ruuxdaydu igu leedahay:”Qofku waxa uu ku bogsadaa in uu ka tago waxa daalinaya, si uu ugu dhawaado waxa u fududeeya oo mugdigiisa iftiiminaya. Markaan maqlay bilawgii maan fahmin markiiba, se waxa aan dhex qaaday safar raaxo leh oo aan dib uguga bogsanayay malaayiin xanuun aan qabay halka aanan midna ka aqoonin xanuunadaas! Baniadamku marka ay meel jidhkiisa kamid ahi xanuusato wuxu aada dhakhtar daweeya ,waxa se hubaal ah xanuunka u daran ee qof ku dhacaa in uu yahay aqoon la’aanta gudihiisa.
Technologyiada oo ah waxa u wayn ee i caawinayay ayaa ilbidhiqsi kasta oo aan galo qaybaha warbaahinta bulshada maskaxda ku xidhay kaliya in aan kaa raadsado ama ka daalacdo waxa ay ruuxdaydu ii sido ee ii sheegayso, Technologyiadu waxa ay toos ii dhex gaysay ilbidhiqsi kasta waxa ay ruuxdaydu ku dagayso  kuna bogsanayso waan akhriya ,daawada waxa u wayn ee aanan ilaawi karin ayaa ah in ay si toos ah Technologyiadu iiga xidhay  waxkasta oo aan ka baaqsan karayay in aan arko, Tusaale Waxkasta oo lagu faafiyo baraha bulshada ilaa aan anigu raadsado maba ay i hor iman jirin maan dhaadanayn in uu gudahayga ku socdo Hanuun ruuxi ahi, gadaal baan ka ogaan doona. Waxa aan soo gaadhay marxalad aan waxkasta fahmay qiimo ka wayn oo ka yaab badan kii hore ee aan ku aqaanay, waxa aan si qoto dheer u fahmay Quraanka oo aanan aqoonba u lahayn macna ahaan, waxa aan si dhadhan leh u fahmay qaybaha kala duwan heesaha aan dhagaysto, waxa aan bartay qiimaha baniadamka, xayawaanka, deeganka iyo waxyaabaha maadiga ah ee aduunka kor yaala.
Waxa aan saacad waliba arkayay oo maskaxdayda kusoo dhacayay Fariimo si dhab ah ugu taxan qaybaha jidhkayga waxa ay ruuxdaydu ii sheegtay si dareen kawar qabid ah”Hanad Waa inaad ka ilaalisaa wadnahaaga xanuunka markaad aragto cida xanuujinaysa! Ee ku soo noqnoqta noloshaada. Waxaad ku jeceshahay qalbigaaga oo dhan, waxaadna ka fikiraysa kuwa kugu xeeran. Sababtaas awgeed, way adkaan kartaa in la helo qof ku fahmaya, laakiin waa muhiim inaad xidhiidhadaada oodhan u doorato cidii kula wadaagta qiyamkaaga uma baahnid qofkasta oo aan kula jiritaan ahayn”  In aan maqlo runtan ku taxan jiritaankaya waxay ii  ahayd aqoonsi dhab ah oo isku helay, xanuunka u badana anigu aan ahaa ka gacmaha ku haystay manaan garanaynin, waa kasoo horjeedka doonistaydii iyo damacayga xanuunkaygu aanan iskuba ogayn. Marwalba waxa aan maqlayay fariimaha iiga imanaya ruuxdayda oo ah kuwo igu hagaaya in aan nolosha dhabta ah waajaho kana baxo aagaga mugdiga. Wax aan bartay aniga oo maskaxda ku haya, in aan aad ugu fiirsado habka aan u wada xidhiidho qoraal iyo hadalba ruux ahaan si aan Naftayda u siiyo ammaan iyo  in aan dib u celiyo si  aaan iskugu dheellitirnaado.
Ruuxdaydu waxa ay i bartay in aan naftayda siiyo sumcadda aan u qalmo iyo in aan maareeyo dib dhigashada helitaana qaarkood si aan u arko Sawirka waxa ka weyn ee ruuxdaydu isiinayso. Waxa kale oo aan bartay oo ay ruuxdaydu igu hagtay in ay waajib tahay in aan aamuso, aaamusnaan sharaf leh waxa  wax laga naxo ah oo aanan aqoonba in laga hadlo mowduucyo guud gaar ahaan marka dadka kale aysan haynin dhammaan macluumaadka la xidhiidha mawduucaas, waxaan bartay in aan Isku  dayo inaan aamusnaanta sharafta leh ku ilaaliyo xaaladahan. Waxaan bartay in aan Ka fogaado in aanan maqal waxkasta waayo maqalka waxyaabaha qaarkood waa asalka dhibaatada badhkeed, dadku Way wada hadlayaan iyaga oo aan xitaa dan ka lahayn cawaaqibka ka dhalan kara oo ayna aqoonin, ruuxdayda ayaa I bartay in aanan waxkasta maqalinba.
Anigu Nafteyda ayaan baadi goobayay, baadi doonkaas dagaalkii aan u galay kaligey ayaan  dagaalamay oo aan kulligood ka guuleystay, laakiin hubaal muu ahayn yoolkayga dagaalku, waxay ahaayeen dagaalladii ay noloshu ku abuurtay Jidkayga oo ka soo horjeeda doonistayda, ma aan aqoonin, mana aan qorshaynayn inaan dhaafo, markii aad se  aragto aakhirka indhahaaga hortooda, waxaad samaynaysa Wax aad u arkayso in ayna macquul aheynba waana hubaal in aad iska tuurto meel aysan indhahaagu arkin, xaqiiqsaday se lama huraan waa halkaas. markii aan helay barashada badh kamid ah ruuxdayda markiiba waxa aan raacay waxkasta oo ay ii sheegayso ruuxdaydu iyo guuxa hoose ee gariirka wadnuhu iisoo gudbiyaaan, una soo gudbayay ilaa cidhbahayga hoose.
Waxana aan helay asalka Kalsoonida rabaaniga ah oo ay ruux kasta hanan karto markii ay u diyaarsan tahay, waxa ay iga kala qubtay Kalsooni beenaad  aan ku dhaganaa oo ah Salka xanuunadayda, Kalsoonida ruuxdu si aan ugu Kalsoonaado awooddayda aan ku guulaysan karo, haddii aad ogtahay inaad haysato taageerada Rabbaaniga ee ruuxda ah si ay kuu taageerto dhab ahaantii. waxuu arki doona ruuxkasta sida riyadiisa  iyo qorshayaashu u bilaabayaan inay kuula muuqdaan qaar guulaysanaya ka hor intaanad gaadhinba. markii aad dhegaysato codkaaga gudaha oo aad qaado tallaabooyim dhiirigelin u leh, wax kuso celin kara majiraan, In kasta oo ay jiri karaan fursad aad kula kulmi kartid jidgooyooyin aan loo eegayn yoolkaaga aad isku dayayso inaad gaadho, waana qayb nolosha ka mid ah, ee ha argagixin!
Marka aad halkan gaadho waxa dawoobay jidhkaaga iyo naftaada oo ay dawaysay u hogaan sanaanta asal ahaanshahaagu ee ay ruuxdu kuu siday , waxa aad si fudud u Noqonaysaa qof deggan dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha, waxa aad yeelnaysaa miyirqab dhab ah oo naftaada aad ku dhex dareento nolosha, Marka aad dawoowdo waxaad helaysa waxa saxda ah iyo waxa khaladka ah iyo waxa u dhexeeya.  Waxa aan bartay oo ruuxdaydu igu hagtay qiimaha waxkasta oo ii fududaynaya in aan daganaado oo hore u socdo.
In aanan cidna necbaanin asal ahaan, ka-masayrin qofna, niyad jabinin, waxay itustay  natiijada cajiibka ah  ee ay naftaydu leedahay, Waxaan arkay  in aan ka bogsan karo cudurrada ku dhacay naftayda ee aanan aqoonin,Waa waayo-aragnimo adag oo u baahan doonta halgan joogto  ah, laga yaabee sannado in ay ku qaadanayo qofkasta weliba qofka nasiibka leh.
Waxaan bartay Daawaynta dhabta ah ee aan u baahanahay in ay tahay gudahayga waxa ku jira, laakiin maan dareemaynin bilawgii. Jirradu in ay  xaggayga ka timid maan aqoonsaneen ilaa aan bartay, Waxa aan raadinayayba waa gudahayga  kaliya in aan  ka fikiro oo fahmo ayaa iga hor taagnayd bilawgii. da’da dhabta ahi ma aha waxa mid inaga mid ahi gaadhay cimri ahaan  balse waa waxa aynu ka dareemayno gudaha una baahan in aan fahano oo barano,  waayo noloshan hal mar kaliya ayaad nooshahay,  waxa ka sii daran markaad dhamaadka timaaddo oo aad ogaato inaadan si fiican ugu noolaan noloshaada, qofku Haddii uu hubo in isbeddelku yahay caadada iyo dabeecadda nolosha, iskuma dayi doono in uu wax ku dhego Isla markaas Xaqiijinta kaliya ee had iyo jeer ku jiraysa qalbigaaga waa in aad aaminto in aad ku hoos jirto daryeelka Ilaahay xaalad kasta oo aanad waxba ku dhex seegaynin!  Maskaxdu waxay ka dhigan tahay in la joogteeyo ogaanshaha daqiiqad-daqiiqad ee fikirradeenna, dareenkeenna, jirkeena, iyo deegaanka ku xeeran. Maskaxdu waxay sidoo kale ku lug leedahay marwalba aqbalaadda, taas oo macnaheedu yahay in aan fiiro gaar ah u yeelano fikradahayaga iyo dareenka innaga oo aan xukuminba ama aan rumaysnayn, tusaale ahaan, in uu  jiro “xaq” ama “baadil” si aad uga fekerto ama u dareento daqiiqado sii,  kuna celceli miyir-qabka, fikirradaadu waxay la jaanqaadaysa waxa aad dareemeyno waqti xaadirkaas, halkii aad dib u habeyn ku sameyn lahayn fikirkan wixii la soo dhaafay ee lamid ah ama aan ka fikiri lahayn mustaqbalka waxa uu noqon karo. Waa xaalad waxkasta aad dareemi karto Sax ama khalad oo ruuxdaadu marna wax aan sax ahayn kuuma soo dirayso.
Haddii aad si adag uga warqabto waxaad u baahan tahay, oo aad si aad ah u qorsheyso, waxa aad u baahan tahay, waxaad heli doontaa markiiba Gaadhsiin wanaagsan Oo ku hagta Waayo waad dagantahay oo ma leexleexanaysid laakiin marka aanad aqoonin ruuxdaada si aad uwada xidhiidhaan waa ay kula amban karaan waqtiga iyo naftaada oo is eryanayaa dabadeedna waxa ku dhex baabaya qof ahaantii, waxaanad tahay Jooge maqan ama maqane jooga.
Si aad ruuxdaada u maqasho waxa aad u baahantahay in aad aaminto oo rumaysato in ay jiraan wax ka xoog wayn maskaxda iyo naftaada,,waxaanan ogaaday in ay muhiim u  tahay ruuxkastaaba,in uu maskaxdiisa u tababarto inay ka xoog badan tahay shucuurtiisa, haddii kale waxaad waayi doontaa naftaada mar kasta, si aad u hesho tayadaasi wanaagsan ruuxdaada maqal. waayo Noloshu waa dagaal. Naftaada la dagaal, duruuftaada la dagaal, oo la dagaalan doqonimada ay kugu abuurtay naftaadu!
Anigu wax badan ayaan waydiistay Eebbe wuuna iga hor istaagay, ka-hortaggiisuna waxu ii aha meesha ugu sarraysa ee wax bixintiisa, ruuxdayda ayaa waxay i bartay inaan waydiisto waxaan doono balse aan aqbalo wuxuu doonayo EEBBE, waxaan ogaaday illeen doonistii EEBBE  mar walba wanaag bay ii keeni lahayd waanan dacal marsanaa waxaanan isku haystay in aanan sidaas ahayn. Waxkasta oo aad gacanta ku qabata waa khayr markaad Eebaha Naxariistiisa ku kalsoon tahay adiga oo ruuxdaada u maraya, waxan oodhan marinka igu xidhay waa in aan maqlay oo dhagaystay waxa ay ruuxdaydu ii sheegayso .
Si aad u maqasho ruuxdaada oo aydaan isku hareer marin ku qaad dagaalkaagaga oodhan  saddex iyo toban cadow oo aadan arki karin balse halista u wayn ee aad hoosta ku haysato ah– cadowtinimada, kibirka, dhagrida,  is-lawaynida, hunguraanka, damaacinimada,  dulqaad yarida, cadhada, beenta, khiyaamada, xanta iyo cayda. Dhamaantood waa waxa kaa qarinaya quruxda aad leedahay qof ahaan inta mid kamid ah kugu lamaanyahayna waxaad halis u tahay ambasho!. go’doomiyayaasha ruuxda naftaadu waa waa Sedex iyo tobankaas. Quruxda nolosha waxa ka mid ah in Ilaahay jidkaaga kugu soo diro wax mar mar kugu toosiya taasi oo ah ruuxdaada oo kugu hagaysa jidka saxda ah, Qofku wuxu bislaada wakhtiga uu wadnuhu gubto! In aan ka habaabay dawgii nolosha, naftaydana la habaabay anoon is ogayn cidna i ogayn, noloshana iska sii watay, caruur dhalay, faraxsanaa, bulshada ku dhex jiray, waxkasta safka hore taagnaa, Ilaahay adeecayay, hadana kamay dhigneny in aan ahay baniadam ku toosan dariiqii saxda ahaa waayo maba aan aqoonin qiimaha naftayda u leedahay aniga gaar ahaantayda, qiimaha dadka kale ay u leedahay naftaydu uunbaan aqaanay .
Laaakin niyada wanaagsani ma lumin doonto Eebbe agtiisa, si kasta oo ay dadka kale ugu fikiraan in ay dhibaateeyan! Ha cabsanin hana shakiyin naftaada aamin oo dhagayso ruuxdaada si aad u hesho qiimo badnaantaada qofnimo qofkastaw,
La sheekeysiga qofkasta oo aqoon maadi iyo mid kale ba leh, waa farxad iyo raaxaysi weyn, xitaa haddii ay fikradaadu  khilaafto, waxay kuu furaysaa aragtiyo cusub ee raadso oo baro dad macno leh, wax kala garashadu na ka muuqato .
Qofkasta ula dhaqan sida adiga oo naftaada la macaamilaya, ha dulmin, hana u sheegin been, hana yaraysan, hana isku dayin inaad ka adkaato, waayo wakhtigu wuu is beddelayaa, waxaadna dhadhamin doontaa qadhaadhka aad samaysay adigu . Isla arimahan oodhan hadiii aad samayso waxay daalinayaan ruuxdaada oo aad kala fogaanaysay, waxaanad waayaysaa quruxda dhabta ah ee aad leedahay oo ah waxa gudahaga ku jira hadii aad dagaal ku wado  .
Ugu danbayn si aad u nasato, baro inaad ku kooban tahay wax kasta, erayada, dareenka, iyo mararka qaarkood dadka xata, waayo aragnimadaas waxa aad ka dhex helaysa ruuxdaada, wixi hada ka danbeeya aad u dhagayso Dareenka hoose ee ruuxdaada waa Iftiinka qofkasta raadinayo, ku kalsoonow qalbigaaga fariimaha kuso dhacaya marwalba hana ka cabsanin in aad raacdo oo rumaysato haka baqanin in aad rumaysto qalbigaaga Guxiisa waayo cabsidu waa mid kamid ah waxyaabaha u mudan ee aadamaha dib dhiga .
Hargeisa Somaliland | 27/1/2023
Hanad A Yusuf| MA International relations and global study .