Qabridahar: Maxay Galabsadeen Oo Loo Xasuuqay?

0
704

W/Q: Maxamed Muuse Cismaan

Dhammaadka bishii  june 2023, waxa magaalada Qabridahar ee magaalo madaxda Gobolka Qorraxay ee Itoobiya ka dhacday dhacdo anfariir ku riday dadka ku dhaqan deegaankaas iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, walow ayna ahayn wax ku cusub haddana, waxay ahayd xasuuq ka dhan ah dad rayid ah oo ku nool magaalo madaxda Qabridahar ee Gobolka Qorraxay ee Dawlad Deegaanka Soomaalida itoobiya, kuwaas oo ahaa shacab aan waxba galabsan. Dil wadareedkaa oo ka koobnaa  afar qof ayaa kala ahaa saddex nin iyo hal dumar ah halka uu dhaawac u gaystay kuwa kale, waxaana gaystay askari ka tirsan ciidamada milateriga faderaalka itoobiya oo caado ay u tahay dabar goynta dadka ku dhaqan deegaanka Soomaali Galbeed ee itoobiya.

Waa soo jireen in ciidamada faderaalka itoobiya ay si dhib yar u laayaan dad shacab ah oo aan xataa wax lug ah ku lahayn siyaasad iyo arrimo kale toona.

Ugub ma aha dhacdada ka dhacday qabridahar waa se qaan gaadh waana wax looga bartay in ciidamada milatariga faderaalka itoobiya si dhib yar ugu dilaan deegaanada ay dagaan dadka Soomaali Galbeed  ee itoobiya.

Cali Shoocaac oo ka mid ah waayeelka Soomaali Galbeed ayaa si adag uga hadlay dil wadareedka dhacay waxaanu ku tilmaamay xasuuq isaga oo umadda ku canaantay sida ay u moogan yihiin hagardaamada ay xabashidu ku hayso deegaanka. “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dadka lagu xasuuqay Qabridaharre, ehelkii uu dadku ka geeriyooday iyo gobolkoo dhan baan uga tacsidaynayaa. Waxaan maqlay ninkan xasuuqa gaystay waa shaqadooda caadiga ahayde, eygii hore haddaan dilo ka danbe lama dileen baa la yidhi. Xasuuqan oo kale ayaa ka dhaca maalin walba iyo meel walba shalay buu jigjiga ka dhacay, wuu waallaabaa la yidhi waakan fuul iyo canjeelada cunaya ee iska jooga halkan shaqadiisiina wuu qabtaa walina windhi baa loo bixiyay nin raga, kanna double windhi bay u bixinayaan inaga iyo reerkani tolnimo iskumaynaan ogayn, laakiin dhibka maanta yaallaa waxa weeye umaddu way sixran tahay, dad lala hadlaa ma joogo, Soomaali oo dhan baa sixran kuwan killalkuna way ka sii daran yihiin. Wiilku wuxuu yidhi, aabahay baa lagu dilay 1977kii Qabridaharre, aabihii buu u aarayay, aabihii iyo awawgiisii kaleba wuu u aaray wakaa. Waana ka hadda iska jooga xeridiisa double windhi baana loo bixin kii horena windhi baa loo bixiyay, kii hore wuu waallaabaa la yidhi hal wiil oo waashayna waa la waayay boqol iska daaye kanna waa sida oo kale. Micnuhu waxa weeye lo’ gissi, dadkan killalka joogaa waa lo’ gissi, lo’ gissi waad aragtay ficilkeeda libaaxaa mid dili afkoo dhiig leh markuu khaakh ku yidhaahdana way yaaci”

Waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu ku canaantay dadka reer Qabridahar inaanay wax tallaabo ah ka qaadin falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka.“Maanta kolka Qabridahar saa loo galay kuwa xaabada dooni xabashi oo dhan in la laayo ayay ahayd, qoryo waad haysataane hal xabashi ahi inaanu kor u bixin saw ma ahayn ilaa tirada uu dhaafo boqol oo qofkiiba toban aad u dishaan ay dawladaha maraykan yimaadaan dhexdhexaadinta maaha. Maxaad sugi maalin aad carartay baa la yidhi ceeb bay kuu kordhisaaye cimri kuuma dheerayso.”

Waxa raadkeedii sii qoyan yahay oo aan weli la ilaawin dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday gagida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal 25 october 2022, taas oo si badheedh ah askari ka tirsan ilaalada garoonku ugu furay raas meeshii bulshada loogu adeegayay iyada oo galaafatay xildhibaan juweeriye Subcis.

Ugu danbayn, marka aad u guur gasho sababta militariga itoobiya u gumaadaan dadka Soomaali galbeed waxay dadka waayeelka ah iyo waliba kuwa u dhuun duleela arrimaha itoobiya kuu sheegayaan inay dilalka dhacayaa qayb ka yihiin gumaysigii itoobiya ku haysay deegaanka. wax ku cusubna ayna ahayn falalka aragagax leh ee ay ka gaystaan ciidamada itoobiya, waana wax bulshadu la qabsatay oo sannado soo jiray, waxaana is weydiin mudan goorta ay ka dhiidhiyi doonaan dadku dhibaatada lagu hayo ee aan kala joogsiga lahayn.

W/Q: Maxamed Muuse Cismaan

mosmaani042@gmail.com