Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

0
3807

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 13aad

Midab aan casaaniyo

Cawlaan ahaynoo

Lagu caajisaynoo

Daymada cajebiyoo

Waxaad tahay mas-ciideed.

****************************

Suuniyaha carceeree

Cidhifka isla gaadhiyo

Indho cawl la moodoo

Caashaqa abuuraa

Igu beeray cudurkee .

Yuusuf Xaaji Aadan Qabile. Ilaahay ha ka raali noqodo Marxuun Yuusuf Xaaji Aadan Qabile oo ahaa:

Þ   Macallin, barbaariye asaasay isaga iyo Maxamuud Axmed Cali waxbarashada Somaliland. Dugsigii u horreeyey ee hadda uu Dugsiga Sheekh Bashiir halka uu ku yaal ka dhisay mushaharkoodii; iskood macalimiin ugu noqday. Jaamacadda Hargeysa inay dhisto u soo diray inantiisii Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabile.

Þ   Abwaan: Heesihii Qaraamiga midhahood badi hal-abuuray, kooxihii fanka iyo dhaqanka (Theatre Group) ee Walaala Hargeysa, Barkhad Cas iyo Waaberi sameeyey.

Þ   Siyaasi: Xisbiyadii siyaasadda ee SNL iyo SYL wax ka dhisay, heesaha waddaniga sameeyey.

Masaaridii hore waxay xarafka shibanaha ee u dhigma xarafka farta Soomaaliga ee “C” u qaatiin sawirka gacanta. Waxay ku macneeyeen xeeldheerayaashu “The forearm, the hand” Af-Soomaliga waxa weeye “Cur, Curcur, Cudh, Cudud.” Maxaa kuu baxay boowee? Allah facweynaa afkani!

Waxan hadda soo qaadanaynaa erey ka bilaabma xarafka “C” oo afkii Masaarida hore aad uga dhex muuqda isaga oo magac Boqor ah, isaga oo magac ilaahyadoodii badnaa ku lammaan iyo isaga oo sawir caan noqday lagu tilmaamay ereygii. Waxa uu ka mid noqday falsafadda nolosha iyo diintii Masaaridii hore.

Waxa xeeldheerayaal badani rumaysan yihiin in sawirka ereygan u taagnaa, in Xaylka (Cross) masiixiyadda laga soo qaatay. Marka dhinaca Fartii Masaaridii hore laga eego sidan ayuu u qoran yahay (CNKH) oo macnahiisu yahay sida ay sheegeen xeeldheerayaasha afkii iyo fartii hore ee  Madaaridu: (To live, to live upon something, life, stability, prosperity, strength, health.)

Af-Soomaliga KH waxay u doorsantaa Q. Sidaas darteed, ereygu marka la xarakeeyo ee laga dawaajiyo, waxa uu noqon karaa (CANQE). Waa magac ama naanayse Soomaalidu la baxdo; Canqe, Xange, Hanqe. Tiraabo Soomaaliyeed ayaa ah; “Fardaha Waraabi; Xamarna Qinic.” Nirigtii ama ilmihii waa ka canqartay naaskii.

Ereyga Canaq jiridiisu waa can; ama han iyo xin oo tilmaamay meel ama weel wax ka kaydsha. Sawirka Canaq waxa uu tilmaamayaa weelkaas oo ah; “Naas.”

Hanaqaaga iyo laabtaa

Anigu hadhsanaaya hilbahaynu

Wadaagnay way hafeefanyaane

Hawl baad i badoo habaabee

Maxamed Axmed Kuluc

Isku soo duub, CANQE micnaheedu waa dhereg, waa buux, waa ladnaan, waa nolol fiican. Gabyaa la odhan jiray Cali Tiriig waxa uu yidhi;

Waxaan lumiyo, waxan ku loofaro iyo waxaan ku laystaamo;

Waxa looxa iigu qoran inaan ladnaadeeye

Boqor ka mid ahaa qoysaskii xukumi jiray Masartii hore oo xabaashiisii looga tagey qalfoofkiisii oo sanduuqii ku jira; waxa laga helay madaxgashi dahab iyo ulo dahab iyo weel dahab. Boqorka waxa magaciisii oo dheer ka mid ahaa CNKH oo ah CANQE. Dahabkani muxuu dhereg muujiyey. kkkkkl

Ereyada hiirooqalfiyada (Hieroglyphics) ah ee ku bilaabma xarafka shibanaha ah ee C iyo kuwa u dhigma ee Soomaliga ah bal aan isu fiirino.

Masaaridii Hore Ingiriisi (English) Soomaali
C Forearm, hand cur, Curcur
CB To resist Caabi
CB To fear Cabsi
CB To contradict Ceebay
CNKH Prosperity, life happiness Ciniq
CRW Child/children Caruur
CR Steps; stairs Carcar
CRT Reed; stalk of plant reed for writing Caarada
CRT Goat, ram any horned animal Ari (Cari)
CRYT Two jaws Cirid
CR Stone of mountains Corcor
CRT Flame, fire Carte
CRY Light, firey one Carey
CRRWT Gate, door, gateway Carrawdii
CRB Flame burning Carrab
CR Pill, grain, pellet Carro
CNDH Claw, nail Cindhi (Cidi)
CNDH Fat, grease Candho
CNT He who is well, sound firm, wealthy, prosperous Cante; Caynte
CN Bank, side Can
CN Cords, rope Cayn (Awrka) Cayn iyo Beyd
CN Beautiful, pleasant, splendid, delightful Caan/Caano
CN Well, fountain Cayn, Caynabo
CT Limb, member, piece Cad
CY To cry loud, to speak loud Cay
CD Strong, sound, Cudoon
CD Fat, oil Cidaad
CDN Beauty Caddaan
CM Fist Cumacun
CM To eat, to devour Cam/Camadh
CMCM Foul Camcami
CN To repeat, to return Ceni/Celi
CM Clay Camud
CDW Wrong Cadho
CGT Claw, Hoof Cagta
CQ Going in and out entrance and exit Xaaqo/Qaaxo
CQ To destroy Xaaq/Qaac
CQ Those who go in and out Qax/Qac
CQCQ Invade Xaaq
CQ To be right proper correct Xaq/Caq
CQ Evenhanded, just Xaq/Qac
CQ A right lead, true guidance Aqoon/Caqaoon