Maxaa Sababay Dibad-Baxyada Gilgilay Lubnaan?

0
2285

Waxa bilaabay isu soo baxa dibadbaxyada aan sii qorsheysnayn ee Oct. 17- kaas oo lagaga soo horjeeday sharciga cusub ee cashuurta isaga oo noqday dibadbaxii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Lubnaan tan iyo 2005 “Cedar Revolution” kuna khasbay iscasilaadda raysal-wasaarihii dalka Sacad Al-Xariir maalinkii Khamiistii.

Ficilka Xariiri lagama yaabo inuu  noqdo dhammaadka dibadbaxa, kaas oo ku khasbay afar meelood meel muwaadiniinta dalka ee 4 milyan ah inay waddooyinka isugu soo baxaan, kuwaas oo dalbanaya in xukuumaddu meesha ka baxdo, in la laalo siyaasadda nukhbada kooban u shaqaysa iyo in dawlad cusub la dhiso.

Raxantan dibadbaxayaasha ah ee  kasoo horjeeda xukuumaddu waxay diidmo-wadareed cad ku sheegeen kasoo horjeedka nidaamka faasidka ah ee meesha ku xididaystay kaas oo takli waayay inuu fuliyo baahiyihii aasaasiga ahaa sida laydhkii, biyihii saafiga ahaa, qashin-gurkii (nadaafaddii), caafimaadka iyo adeeggii isu socodka gaadiidka dadweynaha. Imaanshaha in ka badan 950,000 oo Suuriyaan ah ayaa sii cakirtay helitaanka adeegyada dawladda.

Waxay helaan 2 bilyan oo dollar sannad welba hay’adda korontada ee dawladdu maamusho, haddana waxay awoodi waayeen inay dadka gaadhsiiyaan koronto la  isku hallayn karo. Badiba dadka reer Lubnaan waxay ka cawdaan go’itaan koronto oo maalinle ah. Shirkadda isgaadhsiinta ee dawladdu waxay shacabka dul-dhigtaa qiima sare oo lacageed. Isgaadhsiinta telefoonada ee gudaha Lubnaan waxay shan jeer ka qaalisantahay isgaadhsiinta gudaha ee Urdun, sidoo kale 20 jeer ayay ka qaalisantahay tan Masar. Layaab ma leh markaa haddii cashuurta cusub ee farriimaha la isu diraa holcisay bannaan baxyada dadka reer Lubnaan ee inta badan cabanayay.

Musuqmaasuq iyo maamulxumo

Diidmada musuqmaasuqa ayaa dhiirr-gelisay kacdoonadii ka dhanka ahaa xukuumadaha ee dhawaanahan ka dhacay ALjeeriya, Masar iyo Suudaan. Balse kacdoonka Lubnaan waxay aad isugu dhawyihiin kacdoonada ka socda Ciraaq.

Bil ka hor, kumanaan dhallinyaro reer Ciraaq ah ayaa bannaanka isugu soo baxay, iyaga oo ka cabanaya shaqo-la’aan aad u sarreysa, musuqmaasuq iyo fulin la’aan adeegyadii dawladda. Laakiin cagsiga Ciraaq, Lubnaan waxay leedahay ilo-saliideed kooban oo ay ku maarayso arrimaha xukuumiga ah.

Lubnaan waxay wajahaysaa caqabado gudeed oo tiro badan. Xadhkaheedii dhaqaale iyo ganacsi ayaa furmay sababta dagaalka ka socda Suuriya awgeed. Marka lagu daro kor-u-kaca shaqo la’aanta iyo koritaanka dhaqaale ee hooseeya – waxaa dhici karta inay noqoto 2% sannadkan 2019 – waxay kor-u-kacday daynta lagu leeyahay waddanka Lubnaan illaa 86 bilyan, waa mid ka badan 150% wax-soosaarka gudeed ee waddanka. Waana mid ka mid ah deymaha ugu badan dunida ee waddan lagu leeyahay.

Mudaharaadayaal isugu jira Kiristaan, Shiico iyo Sunni oo luxaya calanka Lubnaan kuna qaylinaya weedho ku lid ah xukuumadda, ayaa ku baaqaya in nukhbada siyaasiga ah ee donahoodii shakhsiga ahaa u adeegsaday dawladdu meesha ka baxaan.

Bannaan-baxyadu waxay ku faafeen magaalooyinka waqooyiga Lubnaan iyo Beyruut sidoo gobolada koonfurta ee Xisbullah ka taliso sida Tyre iyo Nabiitah. Waxa la yaab noqotay markii mudaharadayashii koonfurtu ku qayliyeen erayo ka dhan ah Xisbullah xitaa markii Xassan Nasrallah, hoggaamiyaha Xisbullah ka digay in xukuumadda lagu khasbo inay is casisho. Wuxu yidhi Nasrallah “hala dhaafo xukuumaddu hasii wadato shaqadeeda, laakiin ruux cusub iyo dariiqa cusub oo shaqo haku sii wadato… [wax-haka-barato] labadii cisho ee gadoodka shacabka u danbeeyey”

Taageerayasha Xisbullah sidoo kale waxay isku dayeen hakinta bannaanbaxa. Waxa la arkayay muuqaal dhex wareegayay meelaha bulshadu ku wada xidhiidho ciidanka Lubnaan oo wata mootooyin iskuna xeeray halka laga soo galo fagaaraha bannaanbaxa ee caasimadda Beyruut, iyaga oo sita calanka Xisbulllah iyo kan Amal, midawga xisbiga Shiicada.

Ma jiro dariiq cad illaa hadda

Dedaalo lagu dejinayo bannaanbaxyada, Xariiri wuxu ku dhawaaqay silsilado dib wax loogu wanaajinayo 21 October, wuxu ballanqaaday hoos u dhig mushaharka xukuumadda, hagaajinta korontada iyo hoos u dhiga dhaqaale ee hay’adaha xukuumiga ah sida wasaaradda warfaaafinta. Laakiin bannaan-baxayaashu wey diideen tallaabooyinkaas, waxaanay ku khasbeen in Xariiri is caliso.

Madaxweynaha Lubnaan Micheal Anoun, kaas oo garabsanaya Xisbullah waxa laga yaabaa inaanu aqbalin iscasilaadda Xariiri, isla sidii uu sammeeyey November 2017 markii Xariiri isu casilay cadaadis badan oo kaga yimid Sucuudiga. Laakiin haddii uu aqbalo iscasilaadda, waxay waddada u jeexi doontaa gorgortan iyo soo magacaabidda raysal wasaare cusub iyo dhisitaanka xukuumad ku meel gaadh ah. Laakiin shaki weyn ayaa ka taagan sida madaxda Lubnaan u qancin doonaan dibadbaxayaasha.

Sida ay badiba waddamada Carabtu yihiin, dhallinyarada Lubnaan waa kuwa ka aqoon iyo han sarreeya waalidkood: 40% kuwa ka yar da’da 25 waxay gaadheen derajada ugu sarreysa ee aqoonta waddanka, laakiin nisbada shaqo la’aantu waa 37% da’da 35 iyo wixii ka yar.

Tixraac: The Heritage Foundation

James Philips, Senior Research Fellow and

Nicole Robinson, Research Assisant.

W/T: Khadar Yolac

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here