Waa In Maxkamad La Horgeeyaa Shisheeyaha Sheegtay Dhakhtarnimo Aan Jirin

0
2011

Aadan-deeq

Maxaa Sababay Xukumada Madaxweyne Biixi In Dhakhaatiirta Ajanibaga Ah Maxkamad Hor Gayn Weydo, Lakiin Bankiga Djibouti Ee BCIMR Kiiskiisa Maxkamada Geyso!

Iyadoo Fashilka Maamulka Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Isasii Taraayo ayaa waxaa is weydiin mudan sababta aay xukumadadeenu Dhakhaatiirta Ajanabiga Ah ee wasaarada Caafimaadku qaraarka kasoo saartay in dalka laga mastaafuriyo sababta maxkamad loo hor gayn waayay?

Wasaarada caafimaadku waxay xustay in Dhakhaatiirta Ajanibiga ah ee Cusbitaalada Somaliland ka Hawlgala amaba ka shaqeeya in aanay lahayn xirfadii dhakhtarnimo iyadoo qaar koodna ruqsad haysan!

Hadaba Xukumadeena miyaanay danaynayn Bulshada halista cafimaad dhakhaatiirta aan Xirfada lahayn ee Dadqalatada ah in Maxkamad Loo Horgeeyo Bulshada amaba Umada ku dhaqan Somaliland een laga War hayn wax yeelada caafimaad ee Dhakhaatiirtaas Ajanabiga ahi u gaysteen iyadoon islamaarkana laga war qabin inta Khibrad La’aan Caafimaad aay u Dileen ee gacantooda ku sadqeeyeen madaamayna lahayn Talhasuskii Dhakhtarnimo?

Miyay tahay in Dhakhaatiirtan Ajanabiga ah In dalka Laga Mastaafuriyo Iyadoon Maxkamad La Hor Gaynin Iyaga Iyo Dhakhtarada Gaarka Loo Leeyahay Ee aay Ka Hawl-galayeen toona?

Miyaanay ahayn in Sharciga la hor keeno si umadu u ogaato heerka wax yeeladay gaysteen leegtahay iyo halista aay ku sugan yihiin kuwa ka nooli?

Waxaa jirtay in Xukumadu rabtay inay maxkamadaha dalku qabtaan dacwad Khusaysay Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Banki jabuuti laga leeyahay, hadaba maxay tahay sababta Dhakhaatiirta Ajanabiga Ah iyo Dhakhaatirta gaarka Loo Leeyahay Ee Dalka Keenay sababta Loo Mastaafurinaayo Iyadoon Sharciga iyo Qanuunada Dalka u Yaala Toona iyadoon la Marin?

Umad dhan caafimaad koodi Dhakhaatiirta Wax yeelaysay kuna Khamaartay in Maxkamad La Hor Keeni waayaa miyay idinla Qumantahay halka Shaqsi Qudha Banki aan dalka Somaliland laga lahayn dacwadiisa xukumadu rabto inay ku qaado?  Jawabahaas Umada Somaliland Ku dhaqan Ayaa laga sugayaa.

Aden-Deeq

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here