Soo Bixitaankii iyo Isbeddelladdii Caqlaaniyadda

0
1022

cabdirisaaq cabdiraxman cabdilaahi xasan rakuub

Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo baxay dadyoow loogu yeedho “Caqlaaniyiin”. Iyagu; ammaan, aqoon iyo indheergaradnimo ay isku tuhmayaan ayey ula baxeen ereygaa, halka dadyowga ka soo horjeeda dhaliilid, liidid iyo takoorid ay ka tahay ugu yeedhidda ereygaasi. Kolka la leeyahay hebel waa ‘Caqlaani’ waxa looga jeeda in uu caqligiisa ka shaqaysiinayo. Taas uun ayaa dadyowga qaar ammaan ka dhigtaan, kuwa kalena dhaliil uga dhigaan. Biyadhacuna wuxuu noqonayaa eraygaasi muxuu ku saxsan yahay? ma dhaliilid mise ammaan?

Caqlaaniyaddu (rationalism) waa fikir muddo dheer ka jiray reer galbeedka loona tiiriyo aragtiyahankii Giriig ee Plato, lana aaminsanayeen ardaydiisii Aristotal iyo Cnidus. Taariikhyahannada qaarkood ayaa soo guuriya Plato aragtidan in uu kaga horreeyey filasoferkii reer Hindiya ee Ajita Kesakambali ee caanka ku ah aasaasiddii dugsiga aragtida ee Charvaka.

Aragtidani dunida reer galbeed waxa ay mar labaad ka soo cusboonaatay kolkii kiniisaddu la bah noqotay boqorrada. Cir-bixiyihii reer Talyaani ee Galileo ayaa ibo furay doodda Rationalism-ka, isaga oo ku doodi jiray in mabaadi’du u baahan tahay maangalnimo oo aan sideeda loo liqi karin. Galileo wuxuu aaminsanaa in aragti kasta oo kiniisadda ka timaadda shaandho loo qaato. Sababta oo ah filasoofarradii reer galbeed waxa ay ogayeen diintoodu in ay tahay mid wax badan laga beddelay sidaa darteed aan lagu kalsoonaan karin doodaha wadaaddada kiniisadda.

John Locke (1632-1704) aragtidiisii Heshiisyada Bulsho ayaa uu ku doodayaa in dawladdu cabbudhinayso lahaashiyaha damiir qofkeedka bulshada, deedna wuxuu sameeyay xuquuqda dabiiciga ah ee damiirka qofka oo uu ku tilmaamay in dawladda laga ilaaliyo in ay faragelin ku samayso. Aragtida John Locke waxa loo aaneeyaa in ay saamayn ku lahayd qoriddii dastuurka Maraynkanka.

Baruch Spinoza oo reer Holland ah, Rene Descrates oo Faransiiska u dhashay iyo ninkii reer Jarmal ee Gottfried Wilhelm Leibniz ayaa kacdoonka Rationaslism-ka mar labaad ka dhaliyey waddamada Yurub qarnigii toddoba iyo tobnaad.

Qeexitaanka reer galbeed ee Rationalism-ku waa: ku dhaqanka maabadi’ ay marjac u yihiin fikrado iyo ficillo ay hagayso aqoontu, iyada oo aan loo eegayn wax la xidhiidha diin, dhaqan iyo caaddifad. Mar kale, caqlaaniyadda waxa lagu qeexaa adeegsiga caqliga, xikmadda, daliilka iyo aqoonta la tijaabiyay ee sayniska si loo baal maro khuraafaad iyo ku-tidhi-kuteen laga aamminsanaa shay ama dhacdo.

Qaamuuska Carabigu wuxu ku qeexaa Caqlaaniyadda: Mad’hab caqliga ka dhiga gundhigga wax kasta laga qaato, naskuna caqliga daba fadhiisto,  oo haddii u caqligu aqbali waayo naska raacaya caqliga, mararka qaarna leexiya fahanka cad ee Quraanka iyo Xadiiska. Dadka aaminsan aragtida Caqlaaniyaddu waxa ay sheegaan in ereygu tilmaamo dheeraad ah; kuwii caqliga badnaa, qeexistooduna tahay kuwa caqliga ka shaqaysiiya.

Dunida Islaamka Rationalism-ka laba marxaladood ayaa loo tiiriyaa; marxalad waa xilligii uu jiray dugsigii aragtida ee Muctasiladu. Marxaladda labaadna waa horraantii qarnigii labatanaad. Taariikhyahannada Musliimiintu waxa ay u kala yaqanaan caqlaaniyaddii hore iyo caqlaaniyadda cusub, iyaga oo labadan marxaladood ku kala salaynaya.

Fikirkii Muctasilada bud-dhig waxa u ahaa adeegsiga caqliga, xujo kasta oo diineed waxa ay ku dabbaqeen halka uu caqligu iska taago. Fahankoodu wuxu ku qotomay in caqligu ka horreeyo naska oo nasku daba-socdo caqliga. Sababta ay u leexsameen ee tubtii qummanayd uga baydheen ayaa ahayd in ay talaxtag badan sameyeen, caqligana wax kasta dabar uga dhigeen. Xataa nusuus cad ayey leexiyeen iyagoo fahanka caqligooda kaashanaya, waana sababta dugsigani u noqon waayey mid wakhti dheer sii jira oo isagu is-dabrid isugu filnaa kolku qayd u samayn waayey doorka caqliga ee ku aaddan naska.

Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo horraantii qarnigii labatanaad aqoonyahanno Muslimiin ah ayaa aragtida Rationalism-ka dib u soo cusboonaysiiyey, iyaga oo aan la jaan ahayn aragtidii tirtirantay ee Muctasilada, se dooddoodu ku aaddanayd galdalooloyin jiray in fikirkoogani xal u noqon karo, balse ay la sii taraartay oo xal u heliddoodii noqotay kud ka guur oo qanjo u guur. Waxa kale oo jiray rag reer galbeedku riixayeen oo si cad u soo miinguuriyey aragtiyahoodii oo doonayey in ay diinta la falgeliyaan.

Syed Ahmed Khan oo noolaa 1817-1898kii, wuxu ka mid ahaa aragtiyahannadii Muslinka ee ugu saamaynta badnaa taariikhda Hindiya. Qoyskiisu wuxuu ahaa mid aad ugu dhow boqortooyadii Mughul iyo boqorkii xilligaa ee Akbar Shah. Khan wuxu ahaa nin bartay aqoonta shareecada, sida oo kale waxa uu ku wanaagsanaa xisaabta iyo cilmi-falagga (astronomy) waxana uu ka hawlgeli jiray maxkamadihii boqortooyada Mughul.

Khan wuxuu ahaa nin akhriska iyo curinta ku wanaagsan, jaraa’id walaalkii maamuli jiray wuxuu ku lahaa qormooyin taxane ah. Waxa saamayn ku yeeshay filasoofaradii reer galbeed, ilaa lagu tiriyo in uu ka mid yahay filasoofaradii ugu waaweynaa taariikhda Hindiya.

Syed Khan waxa uu soo waariday aragtidii maangalnimada (pragmatism). Pragmatism-waa falsafad dhaqan oo caqligalnimo gundhiggeedu yahay, waxa ay tixgelin siisaa dabeecadda, aqoonta, caqiidooyinka, sayniska iyo aragtiyaha. Aragtidan maangalnimada (pragmatism) oo asalkeeda ay lahaayeen filasuufyo reer Maraykan ah oo la kala odhan jiray William James, John Dewey iyo Charles Sanders Peirce, waxa ay  xoogga saartaa fulinta fikradaha midhadhalka ah ee saamaynta macquulkaa leh. Aragtidan ayaa sannadkii 1870kii ka soo altuntay carriga Maraykan.

Khan, aragtidan maangalnimadu waxa ay saamayn weyn kaga yeelatay fahankiisii Quraan iyo xadiis, isaga oo mar walba maangalnimo ku eegi jiray fasirka nusuusta, waa sababta uu kolkii dambe ugu xuubsiibtay in badheedhihiisa ku aaddan rationalism-nimada uu caddaysto oo aanu la gabban. Khan wuxu noqday qofkii ugu horreeyey dunida Muslimka ee loo aqoonsado in uu ahaa soo celiyihii aragtidii adeegsiga caqliga ee talaxtagga ahaa. Waxa uu sii badheedh leh u dafirijiray aayado Quraan ah iyo axaadiis uu ku sheegi jiray in ay ka hor imanayaan caqliga, isaga oo leexin iyo meelo aanay lahayn ula kici jiray. Khan isagu wuxu qaaday dhabbadii reer galbeed la doonayeen diinta Islaamka in loo qaato, waxana layaab lahaa in gacanta loo geliyey dhaqaale badan oo uu fikraddiisa ku faafiyo.

Jamaaladdiin Afgaani oo noolaa 1839-1897kii, wuxu ahaa dirane siyaasadeed iyo aragtiyahan Muslin ah, dhulal badan oo Muslin ah wuxuu u tagay sidii uu u kicin lahaa shacabka oo gumaystaha reer Yurub waddamadooda uga saari lahayeen. Waxa lagu xusuusto Afgaani waxa ay tahay firkaddii Midowga Islmaanimada. Midowga Islaanimadu ( Pan-Islamism) waa fikrad siyaasadeed oo udub-dhexaad u ah helitaanka Muslimiinta oo hal waddan ku midooba iyo urur caalami ah oo leh mabaadi’da Islaamka ee ka duulaysa tirtiridda takoorka midabka iyo wax kasta oo kala qaybinaya jinsiyadda aadanaha oo ku salaysan qawmiyad kala sarrayntu ugu horrayso.

Afgaani wuxu aaminsanaa in shareecada Islaamku ku habboontahay caqligalnimo in loo adeegsado, isaga oo arrinta u adeegsanayey in khilaafka Muslimiinta dhexdooda yaallaa ka weynaan midnimadooda. Waxana la sheegaa in aragtida rationalism-ku aanay isaga ku weynayn oo ragga talaxtagga ah aanu ka mid ahayn se uu aaminsanaa in fahanka iyo fasirka maangalnimo lagu daro.

Maxamed Cabdoo waa Masri noolaa 1849-1905, wuxuu ahaa dib u habeeye madaxbannaan, taariikhyahannaduna ka aaminsanyihiin in uu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan casriyeynta Islaamka, waxa kale oo loo yaqaanay Neo-Mu’talizim ama cusboonaysiyihii aragtida Muctasilada. Falsafadda ayuu Azhar ka bartay, wuxuna noqday macallin iyo titafire wargays. Wuxu ka mid ahaa raggii la dagaalanka gumaysiga ku caanbaxay, wuxu ka mid ahaa ururkii Pan-Islamic Unity, waxa kale oo uu ahaa ardaygii Jamaaladdiin Afgaani.

Maxamed Cabdoo macallinkiisii Afgaani wuxu ka dhaxlay aragtidii rationalismka, meelo aanu Afgaani gaadhinna wuu ka gaadhay xagga talaxtagga iyo xadgudubka fahan, isaga oo ka sii casriyeeyey una dhawaaday fahan ahaan kii Muctasilada ilaa looga aqoonsaday dib u soo nooleeyihii aragtidii Muctasilada. Laakiin marna afkiisa iyo qallinkiisa lagama maqan in uu qaatay aragtidii Muctasilada.

Cabdoo tagistii waddamada reer galbeedka ayaa yadna loo aaneeyaa in ay saamayn ku lahayd fahankiisa ku aaddan in caqligu ka horreeyo naska oo mar walba la tixgeliyo caqliga. Waana sababta aad u arkayso isaga oo diiddan aayado ka mid ah Quraanka iyo axaadiis sugan kuna sallaynaya in aanay maangalnimo ahayn in sidooda loo qaataa.

Caqlaaniyaddu wakhti xaaddirkan dunida Muslinka dugsi jira oo rag waaweyn leh ayuu noqday, raggaasi iskuma sii jiraan ee qaarkood ayaa u aaminsan aragtidan sida  reer galbeedka in caqligu wax kasta hago, aragtida maaddiga ah ee reer galbeed waa in arrin kasta oo la soo gudboonaata caqliga lala kaashado, jaangoynteedana uu lahaado caqligu. Dunida galbeed kula yaabi mayno oo waa dad diintoodii ka tagay, diintooduna aanay ahayn mid badhax-tiran sidaa ajligeed fikir kasta oo maankoogu allifo la yaabi mayno. Waxa se layaab leh dadka aaminsan in diintoodu dhammaystiran tahay in ay inoo soo miinguuriyaan aragti dad bilaa diin ahi qaateen, oo aqoon iyo horusocod inooga dhigaya.

Aqoonyahanka Muslinka ah ee aragtidan la falgalaa isku mustawa maaha, meelna kama wada taagna aragtidan, oo qaarkood way la fogaatay oo maangalnimada ayaa u ah hage, xagga qaarkoodna  meelo xaddidan laga hayo in ay ka hor mariyaan caqliga naska.

Xayndaab uma aha aragtidani maddarasad gooni ah, dhammaan dhaqdhaqaaqyada fikradaha xambaarsan dad aragtidan aaminsan waa laga soo  helayaa. Tusaale ahaan Ikhwaanka Xasan Turaabi wuxuu ka mid yahay ragga ugu cadcad ee aragtida caqlaaniyadda loo tiiriyo. Maxamed Daahir Cashuur, Maxamed Mustafa Al-Maraaqi iyo Maxmuud Shaakir Laalusi waa maddarasadda Salafiga  waana rag aragtida rationalism-ka aaminsanaa.

Muslinka aragtidan aaminsan qof u badheedhay ma jiro in uu si cad uga horyimaaddo aayad ama xadiis, mid kasta markii hore wax hagaajin bay ka ahayd, taas uun baa la sii durugtay. Tusaale ahaan dirane Jamaaladdiin Afgaani wuxu xoogga saari jiray cusboonaysiinta diinta, wuxu aaminsanaa in aanay khasab ahayn in loo fahmo nusuusta ama loo fasiro sidii ay u fasireen culimadii hore, wuxu qabay aragtida ah in loo baahanyey in aragti cusub lagu eego nusuusta. Imaam Maxamed Cabdo isna waxa la sii durugtay kala garashada naska u baahan fasirka iyo ka sidiisa loo qaadanayo. Tusaale ahaan naska cad ee aan fasir u baahnayn aqoonyahanka diineed waxay aaminsan yihiin in sideeda loo qaato oo aan furfurid kale loo raadin, laakiin naska aqbali karaya in fasir loo sameeyo la furfuro, taasna waxa ka dhalanaya in caqligu caddeeyo fahanka ka soo baxaya naska. Kala garashada labadaa qaacido ayaa ku adkaatay aqoonyahankii aragtidani la taraartay. Markii dambe na waxa ay gaadheen heer ay soo noqon kari waayaan. Ardaydii raggaa ku abtirsatay waxyaallaha sii fogeeyey waxa ka mid ah rag iska celi iyo iyaga oo maagid iyo dhalleecayn kala kulmay maddarasadihii kale ee ka aragti duwanaa, iyagana taas ayaa la sii fogaatay, halka qaarkood toos u sheegteen maddarasaddii galbatay ee Muctasilada.

Caqlaaninimada Turkida oo uu aabbo u ahaa Mustafa Kamal Ataturk, markii ay ay baaba’day Khaliifaddii Cismaaniyiintu waxa loo arkay (marka loo eego cidda taabacsan isaga) Islaam midayn kale iyada oo loo arkayay in ay khatar ku noqon karto Reer Galbeedka. Ataturk, halkii uu ka bilaabay qaddiyadda caqlaaniyadda waxa ay ahayd dagaalladuu uu la galay Muslimiinta, luuqadda carabiga,masaajidda, quraanka iyo astaamihii Islaamaka.

Soomaali aragtida caqlaaniyadda aaminsan waxa ay keenaan doodo ay ku ammaanayaan Muctasilada, iyaga oo ugu soo gabbanaya in aragtidaasi maangalnimada xujaysanaysay,  fogaysan maayo ugu dambayn in ay si cad u sheegan doonaan da’yartaasi in ay yihiin Muctasilo.

Muslinka mad’habkiisu dhexdhexaadka yahay waxa uu aaminsanyahay in caqligu aragti ahaan aanu meel istaagin oo isbeddel qaadan karo, taasna ay sabab u tahay kobociisa aqooneed iyo qaangaadhnimadiisa qofeed ee waaya-aragnimo. Sidaa ajligeed uu yahay qof maalinba la aragti ah halka mustawihiisu joogo, sidaa darteed in uu ka horyimaaddo aayad Quraan ah ama xadiis Nabi ka suurtageli mayso.

Mad’habta dhexdhexaadku waxa ay ogsoonyihiin in ereyga “caqli” shan iyo labaatanjeer Quraanka ku soo arooray, oo aan laga soo helayn ereygaa meel lagu dhaliilay adeegsigiisa, sida oo kale waxa ay ogsoonyihiin ka shaqaysiinta caqliga meel lagu fogeeyey in aanay jirin, waxa aanay ogyihiin in meelo badan oo Quraanka ka mid ah Alle ku ammaanay ka shaqaysiintiisa, farayna in laga shaqaysiiyo, mararna Rabbi tilmaamay in ay ka mid tahay ka shaqaysiintiisu galladaha uu innagu mannaystay, iyo in la isku dhaliilay ka shaqaysiin la’aantii. Sida oo kale in Alle SWT, ku lammaaneeyey calaamadihiisa waaweyn.

Mad’habta fahankoodu dhexdhexaadka yahay maamuska Quraanku siiyey caqliga ma dafirsana, waxa ay aaminsanyihiin in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga, waxa kale oo ay is cad u sheegaan in aannu caqligu diinta toosinayn. Waxa kale oo ay qirsanyihiin in fahanno badan oo diineed in la guntaa caqligu sabab u yahay. Tusaale ahaan madaahibta fiqiga khilaafkoodu waxa uu ku salaysan yahay fahanka ay ka qaataan naska aan masalada caddayn. Waxa ay ka shaqaysiiyaan caqliga oo waxa ay ku kala tageen waa fasirka caqligu bixiyo. Waxa ay dul istaagaan waa masaa’isha nasku aanu caddayn ee u baahan in qaacidooyin loo dhigo amase naska ka warramaya si guud masaa’il is huwan u sheego oo ay u doonaan in ay fahanka lagala dhex baxayo u dhiteyaan. Haddana waxa ay ogsoonyihiin in uu jiro dabar xidhaya oo u diidaya in ay xadgudbaan oo caqliga masalo kasta furfuriddeeda ku dayaan.

Aragtida dhexdhexaadku waa midda Sunniga ee talaxtagga iyo fadhiidnimada u dhaxaysa, waa fikirka aaminsan in caqliga laga shaqaysiiyo oo aanu caqligu daba-socde noqon, waa mad’habta qabta in aanu caqligu hal-beeg u noqon wax kasta oo u mustawihiisa ogsoonaado, waa aragtida qirsan caqligu in aanu hanuunsamayn diinta la’aanteed, diintuna noqonayn mid cad caqliga la’aantii, sidaa darteed ay isdheelitirayaan. Sunnigu waa  aragtida sidaa u dhexdhexdaadka ah ee iska dhowraysa xadgudubka. Aragtidaas ayaa caqliga nasteex iyo ehel u ah, se aragti lugoynaysa oo meelo uu ku hodmayo gaynaysa maaha. Caqliga oo dabar la’aan socda dhaxalka laga dheefaa in uu yahay rabitaanka oo qofka u hoggaamiya in uu hawadiisa raaco ayey ogsoon yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here