Wadada Kalitalisnimada

0
2950

Sheekh Maxamed Xaaj Maxamuud Xiiray

Sida uu ku sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Al-kawaakibi Al-Xalabi boqol sanadood ka hor kitaabkiisa ( dhaqanada kalitalisnimada), “muslimiinta waxa halkaas dhigay oo qayrkood ka reebay kalitalisnimo ragaadi ah oo xili dheer soo jirtay, ilaa maantana ay iska maarayn kari la’yihiin”

Isaga oo sharaxaaya kalitalisnimada waxa uu yidhi  “ Waa maxay kalitalisnimo?”  waxa uu ku jawaabay “waa qofka oo rayigiisu madaxmaro, kana santaaga inuu waanada qaato, ama isaga oo rayiga xaqii umadda ka dhaxeeyay la gaar noqda ( isku eekaysiiya)  waa arinkii dadka oo qof ama kooxi sida ay rabto ugu tasarufto iyada oo aan cid waxba iskaga tirinayan”

Sheekhu waxa kitaabkiisa ku sheegay meelaha badan ee ay kalitalisnimadu gasho, qaybta ugu horaysa waxa uu ku soo qaatay kalitalisnimada iyo diinta, waxaanu yidhi “  Aragtiyaha culimada dhugashada u leh taariikhda dabiiciga ah ee diimahu waxa ay isla qaateen in kalitalisnimada siyaasadeed ka dhalato kalitalisnimo diimeed, qaarna waxa ay yidhaadaan hadii ay kalitalisnimada siyaasadeed iyo ta diimeed aanay is dhalin waa laba walaalo ah oo aabahood yahay awood wax lagu maquuniyo, hooyadoodna ay tahay madaxnimo raadis ama waa laba is shabaha oo xoog badan oo baahi iskaashi ay ka dhaxayso si aadamaha loo gumeeyo ( duleeyo ), halka ay iska shabahaana waxa weeye labaduba waa ay taliyaan, midkoodna waxa uu u taliyaa jidhka dadka midna quluubta dadka,qolooyin madax banaan ayaa yidhaahda ( waa sida ay sheegtaane ) culuumta diinta oo ay ku jiraan kutubta samada laga helay, waxa ay dadka ugu baaqaysaa in laga cabsado awood weyn oo aan caqliyadu fahmayn sirteeda, awood aadamaha ku hadidaysa in masiibo kastaa ku dhici inta uu arlada joogo ( sida ay qabaan Buudiyiinta iyo Yuhuudu)  ama ay dhibi ku dhici nolasha inta uu joogo iyo geerida ka diba sida ay qabaan ( Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ) hadidaadaas oo qofka xubnihiisu ay dubaaxinayaan oo awood jab ku keenaysa oo caqliga wareer iyo isdhiibid ku keenaysa markaasi ayay culuumta diintu qofka albaabo u furaysaa uu kaga badbaado kuna helo nimco lagu waarayo, hasa ahaatee al-baabadaas nimcada waashamaano ah ( wadaadadada diin kastaa leedahay ayaa fadhiya oo aan cidna sii daynayan ilaa qofku iyaga wayneeyo oo isku dhul dhigo mooyaane )’

Waxa uu sheekhu aad ugu dheeraanayaa siyaasiga kalitaliska ah iyo wadaadada ku xeeran ee sacabka u tuma ee u heshiiyay umadda, waxaanu tilmaamaa siday wadaadadaasi siyaasigaas kalitaliska ah uga wayneeyaan in masuuliyad loo raaco kuna baaqaan in la mahadiyo hadii cadaalad laga helo, hadii dulmi ka dhacana loo samro, cidii mucaarad ku noqotana ay yihiin xad gudbayaal ( buqaad)  dhiigoodu xalaal yahay.

Sh.Maxamed Xaaj Maxamuud Xiiray

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here