Cabashadda reer Awdal waxay qayb ka tahay dib u dhaca doorashooyinka golayaasha qaranka. Waxaana muuqata in aan la siin tix gelintii ay lahayd, kuwaasoo ay ka mid ahayd in si heer qaran ah loo waajaho. Waxay ahayd ingarowshiiyo la siiyo reer Awdal;amaay iyagualbaabada hoosta isaga xidhaan oo isu caqli celiyaan. Tabashadaas waxaa lagu qayday in saami ka maqan yahay Awdal golaha wakiiladda.
Qoraalkan waxaan ku eegayaa sida aynu u suurayn karno tabashadaas. Hadaad quraanka akhrido Raxmaanku qofka wuxuu ku tirtirsiinayaa in uu aqoonsaddo jiritaankiisa isagoo aan waxba la barin. Awooda maskaxeed ee Illaahay ina siiyay si ay u garato kii abuuray waxaa lagu ladhay in uu u fiirsaddo degaanka ku xayndaaban sida buuraha iyo abuuraha kale. Dunidan hore u talaabsatay wax kasta oo qofka la soo dersa tilmaan baa hagi karta. Saami qaybsiga afar tilmaamood baa horyaal,marka laga hadlayo doorasho ku dhisan qof iyo cod saldhigeedu waa dimuqraadiyad. Ta labaadna waa dastuur, qodobka sadexaad aqoontu (therationality) waxay noqon kartaa udub dhexaad la cuskaddo. Waxaa iya muraayad noqonaysa inagoo aan ilaawin: Taariikhdu wax bay hagtaa Dadkuna wuu haybsadaa.
Golihii wakiiladda ee lagu soo abyay shirkii Boorama 1993kii wuxuu ku dhisnaa doorashaddii 1960kii oo loo kala helay sidan: SNL 20; USP 12; NUF 1. USP waxaa ku midoobay Harti 7; Ciise 2; iyo Samaroon 3. Taasi ugu danbayntii waxay siisay darafka galbeed ee Somaliland 13 kursi, marka 33 kursi loo raro 82 –golaha wakiiladda. Waxay ahayd in dawladihii kala danbeeyay sameeyaan tiro koob, hungaa laga joogaa.
Dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 1aad waxay tilmaamaysaa in la siman yahay, sidoo kale qodobka 22aad faqradiisa labaad waxay sheegaysaa sinaanta doorashadda. Labada qodoba waxay ku dhisan yihiin xuquuq qofeed.Diiwaan gelintii loo sameeyay doorashaddii 2017, waxaa ka soo baxay tiradda codbixiyeyaasha guud oo gaadhaysay 704,089. Sidan bay goboladdu u kala heleen: M. Jeex 249,229; Tog-Dheer 147,440; Awdal 102,571; Sanaag 80,334; Sool 63,698; Saaxil 60,817. Marka sidan lagu xisaabiyo 82 kuri waxa loo kala helayaa: 28; 17; 12; 9; 7; 7 siday u kala horeeyaan. Labada kursi ee dhiman waxaad ku aadisaa degmooyinka Dhahar iyo Laas Qoray. Marka xaq qaybtan la eego reer Awdal kursi dheeraad ah bay haystaan.
Waxaan laga tegi karin dareen kale oo odhonaya Beesha Dhexe, marar badana waynu maqalaa. Aan u soo noqdo Taariikhdu wax bay hagtaa Dadkuna wuu haybsadaa. Ma jirtaa Beel Dhexe oo midaysan? Siyaasadda aynu ka hadlayno, ilaa shirkii Boorama shan jeer ayaynu madaxwayne u codaynay, Beesha Dhexe shantaa midna kumay midaysnayn. Labadii hore ninkii Cigaal AHUN ayaa helay, Tii ku xigtay Rayaale ayaa Siilaanyo kaga helay 80 cod. Tii xigtay Siilaanyo ayaa rayaale kaga helay cod aan aad u badnayn. Tii ugu danbaysayna way inoo sii muuqataa. Waxaa inoo muuqata in aan Beesha Dhexe tiradeedu macno siyaasadeed ku jirin, waayo, waa tii Rayaale oo madaxwayne ah markii Golihii wakiiladdu ku keceen, Qaybe AHUN oo ahaa gudoomiyaha golaha wakiiladda uu qafilay xaruntii Wakiiladda.
God bay hadhay reer Awdal dad badan oo wax bartay baa ka soo baxay, aqoontuna waa hogaan. Meeye profesooraddii badnaa? Meeday Jaamacaddii Camuud? Dhalinyaraddan gadoodsan waa in ay dood aqoomeed u furtaa oo laga gun gaadhaa halka eelku fadhiyo. Waxaa hubanti ah in aan reer Awdal isku raacsanayn cabashadda aan loo meel dayin, isla markaana ay tahay in ay isu caqli celiyaan.
Madaxwaynaha Somaliland waxaan ku bogaadinayaa shir sharafeedka uu u qabtay madax dhaqameedka Awdal, doorashaddu imika waa lama huraan.
Professor: Yuosuf Godir Maxammed