Maadayska Googooska Geeska: Ereyo Xikmad Badan Oo Laga Yidhi Hinaasaha Ragga Iyo Dumarka

0
1542

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo uu wargeyska Geeska Afrika ilo kala duwan oo afka Carabiga ku qoran uu ka soo ururiyey oo iftiiminaya ereyo xikmad badan xambaarsan oo laga yidhi hinaasaha.

– Hinaasuhu mar walba astaan uma aha Jacayl.

– Marka ay gabadhu hinaasto way oydaa, marka uu ninku hinaasana wuu aamusaa.

– Marka ay gabadhu hinaasto waxa ay karaahiyaysataa ninka, marka uu ninku hinaasana waxa uu karaahiyaystaa Naftiisa.

– Hinaasuhu gabadha ninka waa uu nacsiiyaa, laakiin ninka jacaylkeeda ayuun buu ku sii kordhiya.

– Mararka qaar waxa uu ninku ka hinaasaa gabadha jecel xitaa haddii aanu isagu jeclayn, Gabadhuna sidoo kale.

– Hinaase qof hela waxa ugu fiican ka uu sababo Jacaylku, waxaana ugu xun ka Xaasidnimadu sababto.

– Hinaasaha gabadha waxa lagu gartaa kulayl iyo cadho, ninkana waxa lagu gartaa aamus iyo qabaw.

– Marka ay gabadhu aragto nin ay jeceshay oo u hinaasaya way faraxdaa, marka ay aragto nin aanay jeclayn oo u hinaasayana waa ay diiqadootaa, xitaa haddii uu isagu jecel yahay.

– Ninka waxa lagula talinayaa in jacaylka uu gabadha u qabo aanu ku muujin hinaase haddii aanu hubin in ay la wadaagto jacaylkaas, waayo waxa dhici karta in iimahaaga ay fahamto oo ay kuu adeegsato.

– Jacaylka badani waxa uu dhalaa hinaasaha, hinaasaha badanina waxa uu dilaa jacaylka.

– Hinaasaha intiisa badan waxa keena shaki.

– Haddii aad is aragto adiga oo aad ugu hinaasay qof, aad isu hubso waayo waxa ay u dhowday in aad jeceshay qofkaas oo aanad is ogayn.

– Haddii aad rabto in aad xaaskaaga muddo dheer wada joogtaan, iska ilaali hinaasaha badan.