Maalintii Hal Mar Cun Mid Ka Mid Ah Cuntooyinkan; Digaagga, Koostada, Liin Baydariinta Iyo Kalluunka

0
1606

Cuntada aynu cunnaa waa halka uu ka bilowdo caafimaadkeenna runta ahi, iyada ayaa sabab u noqon karta caafimaad darro ka dhalata miisaan dheeraad ah iyo noocyo badan oo xanuunnada ka mid ah iyo caafimaadka oo wanaagsanaada labadaba.

Waxaa jira cuntooyin uu inta badan cilmigu ku taliyo in la caadaysto cunistooda, si uu jidhku uga helo faa’iidooyin nafaqo oo muhiim ah oo ay leeyihiin. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in cuntooyinka aynu cunaynaa ay noqdaan noocyo kala duwan. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa afar nooc oo ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegaan in ay qasab tahay in aynu maalin kasta wax ka cunno ugu yaraan nooc ka mid ah:

Shafka digaagga

Digaaggu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka caafimaadka u fiican, gaar ahaan hilibkeeda ku yaalla shafka oo aynu uga jeedno inta ka soo hadha labada lugood iyo garbaha. Hilibka halkan laga soo jaraa waxa uu si gaar ah ugu fiican yahay dadka ku jira is xammaynta ay miisaanka kula dagaalamayaan. Waxa uu ka kooban yahay barootiinno saafi ah, dufankuna aad ayaa uu ug yar yahay. Sida oo kale hilibka digaagga ee intan dhexe ku yaallaa waa cad caloosha u fudud, oo casho fudud noqon kara. Sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha nafaqadu ku taliyaan in la cuno hilibka digaagga.

Koostada

Caleenta koostadu waxa ay ka mid tahay khudradaha cagaaran ee ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in aynu maalin kasta hal mar cunno. Waxa ay xoojisaa xusuusta, waxa ay ka hortagtaa miisaanka dheeraadka ah waxa aanay u fiicantahay caafimaadka dheefshiidka.

Waxaa intaasba ka sii muhiimsa in koostada ay ku jirto maaddada ‘Lutein’ oo muhiimad aad u weyn u leh shaqooyinka maskaxda, kana hortagta in unugyadeedu aanay burburin ama hawlgabin.

Liin baydariin

Liin baydariintu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ iyo maadadda loo yaqaanno ‘Pectin’ oo ka mid ah ganka lakabka ku ah der iyada unugyada dhirta. Liin baydariintu waxa ay leedahay faa’iidooyin badan oo caafimaad. Waxaa ka mid ah dufanka (Kalastarool) oo ay jidhka ku yarayso, waxa aanay wanaajiso xaddiga sonkorta dhiigga ku lammaan.

Kalluunka Salamon

Noocyada kallunka badankoodu waxa ay hodan ku yihiin maaddooyinka ‘Magnesium’ iyo ‘Phosphorous’ laakiin kalluunka Salamon ka loo yaqaanno ayaa lagu tiriyaa in uu yahay kalluunka ugu fiican noocyada kalluunka, sababtuna waa in xaddiga maadadda ‘Magnesium’ ee ku jiraa uu ka badan yahay kalluumada kale oo dhan. Maadaddan ayaa u wanaagsan shaqada habdhiska dareen-wadayaasha. ‘Magnesium’ oo jidhka ku yaraataana waxa ay sababtaa xaalado ay ka mid yihiin, Daal iyo burbur jidheed oo joogto ah iyo muquryada  iyo neerfayaasha oo isku urura ama guntama.