Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan (Cirro), Ayaa Munaasibad Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyada JSL Warqadaha Aqoonsiga Kaga Guddoomay Danjiraha Dawladda Israa’iil

0
33

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Munaasibad ka dhacday Qasriga Madaxtooyada JSL Warqadaha Aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha Dawladda Israa’iil u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Danjire Michael Lotem.

Tallaabadan ayaa ah mid astaan u ah xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si diirran u soo dhaweeyey Safiirka Dawladda Israa’iil, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isaga oo imaatinka Danjiraha Israa’iil ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo0 iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo ka qayb qaadashada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan leh ee labada dal iyo labada shacab kaasi oo ku dhisan aragti fog, dano wadaag iyo natiijooyin midho dhal ah oo waxtar u leh labada dhinac.

Dhankiisa, Danjire Michael Lotem (oo ah Danjire idman oo leh awood fulineed /Ambassador Extra Ordinary and Plenipotentiory), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyey soo dhawaynta diirran, isaga oo sheegay in ay sharaf weyn u tahay in uu Dawladda Israa’iil ku metelo Jamhuuriyadda Somaliland.

Danjire Michael Lotem waxa uu xaqijiyey in uu si weyn uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan dano-wadaag iyo iskaashi wax-ku-ool ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada, isla markaana wax ka tari doona nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Danjiruhu waxa uu xusay in uu ku dedaali doono sidii himilooyinka wadajirka ah ee ay wadaagaan labada dal loogu beddeli lahaa guulo la taaban karo oo labada dhinac anfaca.