Hambalyo Yabarow: Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

0
828

urlKhamiistii, 12kii February 2015, waxay ku beegnayd sannadguuradii 8aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay laanta af-Soomaaliga ee VOA.

Muddadaas gaaban ee ay VOA-du jirtay waxay samaysay horumar degdeg ah waxayna ku guuleysatay in ay si kalsooni leh u kasbato dhagaha umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxa la odhan karaa waxay ka tamar iyo tayaba badisay hay’ado war-baahineed oo muddo dheer soo jiray.

Xafiis kasta guulihiisa iyo guul-daradiisa waxa ku suntan cidda hoggaamisa. Sidaas daraadeed ayaan tifaftiraha VOA Cabdiraxmaan Yabarow ugu hambalyeynayaa horumarka uu gaadhsiiyey hay’addan warbaahineed oo ka qaybqaadata wargelinta iyo wacyigelinta dadweynaha Soomaalida. 

Waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya barnaamijyada arrimaha bulshada, waraysiyada faahfaahsan, barnaamijyka muuqaalka ah iyo sida uu dhallinyarada uga qayb-galiyey shaqada VOA-da kuwaas oo iyaguna fikrado cusub iyo firfircooni la yimid.

Ugu dambayn waxan muhiim ah dhexdhexaadnimada oo aan dareemo in suxufiyiinta VOA-du ku dedaalaan iyo sida ay uga adkaystaan saamayn kasta oo sumcadda ka xumay lahayd. Kolay qabyo lama waayo, wax 100% saxsanina wuu yar yahay, sidaas daraadeed Cabdiraxmaan waxan ku dhiirigelin lahaa in aanu is dhigan ee uu halkaas ka sii wado horumarka. Sannad guuro wacan!

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Wasiiru-dawlaha wasaarada arrimaha dibada Somaliland