Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maanta dalka dib ugu soo noqday, kaddib safarro shaqo oo muddo qaatay, ayaa Xarunta Madaxtooyada JSL Khudbad nuxur iyo miisaan leh u jeediyey Goleyaasha Sharci Dejinta, Golaha Wasiirrada, Xildhibaanada Labada Gole, Taliyeyaasha Ciidamada, Hay’adaha Dawladda, Madaxda Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Aqoonyahanka iyo haldoorka bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu Khudbaddiisa kaga xog-warramay safarkii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Maraykanka iyo waxyaabaha la taaban karo ee u soo qabsoomay, isaga oo sheegay in lagala soo noqday guul, kalsooni iyo rejo aad u sarraysa oo midhihiisu ay wax badan ka tari doonaan mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Somaliland ay furtay albaabo cusub oo iskaashi oo la sii wadi doono ka midho-dhalinteeda.
Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Madaxweynaha dalka Maraykanka Mudane Donald J. Trump, maadaama uu si cad u kala saaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya-da fashilantay.
Madaxweynaha JSL waxa uu tibaaxay in muddadii isaga iyo weftigiisu ay ku sugnaayeen Washington D.C iyo New York ay qadiyadda Somaliland hor dhigeen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Sharci-dejinta Maraykanka, shakhsiyaad kaalin muhiim ah kaga jira talada dalka, Mac-hadyo daraaseeya arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda caalamiga ah, Maalgashadayaal iyo Hay’addo Caalami ah oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.
Madaxweynuhu waxa uu Culimada, ganacsatada iyo dadka dhaqaale ahaan ladan ugu baaqay in ay hoos u eegaan isla markaana ay kaalmeeyaan bulshada ay hayntoodu yar tahay iyo kuwa uu dakhligoodu hooseeyo.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in albaabada Xukuumaddiisu ay mar kasta u furan yihiin Wada-tashiga, iyo iskaashi dhab ah oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Qaranka uu kala yeesho labada Aqal ee Baarlamaanka, Xisbiyada Siyaasadda, Hoggaamiyeyaasha Diinta iyo Dhaqanka, Aqoonyahanka, Ganactada, Haweenka iyo Dhalinyarada iyo guud ahaan Muwaadiniinta.
Gabagabadii khudbaddiisa, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la isku khilaafi karo siyaasadaha Xukuumadda, iyo sida shaqada taalla loo qabanayo, laakiin in aynu ummad ahaan ka midaysnaano jiritaanka iyo danaha masiiriga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.













