Qodobbada Lagaga Wada Hadlay Fadhiga 79-Aad Ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL

0
62

 

Fadhigii 79-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 79-aad waxa ka mid ahaa:

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda guud ee amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo xusay dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta nabadgelyada bulshada, xasilloonida iyo kala dambaynta guud ee dalka JSL.

Wasiirku waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta Hay’adaha Amniga Qaranku, ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo xoojinta doorka bulshada ee dhowrista nabadda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in sugidda Amniga Qaranku ay saldhig u tahay xasilloonida, horumarka iyo jiritaanka Dawladnimada Somaliland.

 

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u faahfaahiyey saamaynta ay xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ku yeesheen koboca dhaqaalaha caalamka iyo suuqyada ganacsiga dunida.

Wasiiru-Dawluhu waxa uu tilmaamay in xiisadahaasi ay sabab u noqdeen korodhka qiimaha shidaalka, maciishadaha, kharashaadka gaadiidka badda ee xamuulka iyo khidmadaha Caymiska Maraakiibta, kuwaas oo saamayn ku yeeshay hab-sami-u-socodka ganacsiga caalamka, kharashaadka soo dejinta badeecadaha iyo awoodda wax-iibsiga bulshada.

Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay la-socodka isbeddellada dhaqaale ee caalamka iyo qiimaynta saamayntooda gudaha dalka, si loo xoojiyo adkaysiga dhaqaalaha Qaranka, loona ilaaliyo xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada JSL, Mudane Fu’aad Axmed Nuux, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey safarkiisii Canada iyo kulamadii uu la yeeshay dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo Hay’ado kala duwan, kuwaas oo la xidhiidhay dedaallada ay Xukuumadda JSL ugu jirto ee xal u helidda arrimaha maamulka hawada Somaliland, caqabadaha E-Visa iyo carqaladaynta duulimaadyada rayidka ah.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay natiijooyinka ka soo baxay kulammadii uu magaalada Montreal kula yeeshay dhinacyada muhiimka u ah dacwada iyo dooda sharci ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo magaalada Montreal ay Xarun u tahay 3 Hay’addood oo la xidhiidha Arrimaha duulista hawada (ICAO, IATA).

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyey nidaamka IATA ee Billing and Settlement Plan (BSP) ee maamulka Moqdisho ku dhawaaqay, waxana uu caddeeyey in nidaamkaasi aanu khusayn Somaliland, isla markaana aan laga hirgelin doonin Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Wasaaraddu soo saartay 25-kii Oktoobar 2026 amar rasmi ah (Directive) oo markiiba dhaqan-galay, kaasi oo faraya Shirkadaha Diyaaradaha ee ka hawlgala Somaliland in aanay adeegsan karin nidaamka BSP ee Soomaaliya, isla markaana tigidhada lagu soo saaray nidaamkaasi aan lagaga dhoofi doonin madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, xataa haddii laga soo goostay meel ka baxsan Somaliland ama ay yihiin tigidhada safarka ee noqoshada (return tickets).

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shirkadaha diyaaradaha la faray in ay amarkaasi gaadhsiiyaan wakiilladooda iyo xarumahooda iibinta tigidhada.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu sheegay in Dawladda Somaliland ay waddo dedaallo sharci iyo kuwo diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu xaqiijinayo helida xuquuqda maamulidda hawadeeda, kuwaas oo taageero iyo wada-shaqayn ka helaya dalal saaxiib ah iyo hay’ado caalami ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Shirweynaha Qaran ee Maalgelinta Waxbarashada Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa 26-27 Oktoobar 2026.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada, Mayorrada Magaalooyinka waaweyn, Hay’adaha Caalamiga ah, Jaamacadaha dalka, Ganacsatada iyo bahda Waxbarashada, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa maalgelinta Waxbarashada dalka, korna loogu qaadi lahaa tayada Waxbarashada, loona ballaadhin lahaa fursadaha ay heli karaan ardayda dalka JSL.

Wasiirku waxa uu xusay in Shirweynaha Maalgelinta Waxbarashada lagu lafo-guray, laguna aqoonsaday caqabadaha maaliyadeed iyo kuwa farsamo ee ay wajahayso Wasaaraddu, kuwaas oo saamayn taban ku leh awoodda Wasiirrada gaar ahaan fidinta, tayeynta iyo u-sinnaanshaha fursadaha waxbarasho ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay war-murtiyeed ka kooban 9 qodob oo laga soo saaray Shirweynaha Qaran ee Maalgelinta Waxbarashada JSL.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan Taarikada Gaadiidka Dawladda iyo khataraha la xidhiidha isticmaalka aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda dalka.

Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hantida Qaranka, xaqiijinta aqoonsiga Gaadiidka Dawladda iyo adkaynta nidaamyada maamulka iyo daba-galka, si looga hortago isticmaal kasta oo sharci-darro ah oo dhaawici kara amniga, isla-xisaabtanka iyo kalsoonida lagu qabo Hay’adaha Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay Qorshaha Diyaarinta iyo isku-dubbaridka warbixinta waxqabadka Xukuumadda ee sannadaha 2025 iyo 2026, taas oo lagu soo bandhigayo waxqabadka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda muddada ay Xukuumaddu talada dalka haysay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sharraxay qaabka ugu habboon ee loo diyaarinayo warbixinaha, si loo xaqiijiyo xog sugan, xog-ururin mideysan iyo soo bandhigid hufan oo muujinaysa waxqabadka iyo horumarka laga gaadhay qorshayaasha Xukuumadda ee mudnaanta u leh danaha Qaranka.

Golaha Wasiirrada JSL waxa uu dood ka yeeshay qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo eegay muhiimadda uu Xeerkani u leeyahay dejinta qaab-dhismeed sharciyeed oo hagaya hawlaha iyo waajibaadka Ciidanka Asluubta. Doodda Goluhu waxa ay sii socon doontaa todobaadka dambe, Idamka Allah SWT.

Gabagabadii Fadhigii 79-aad, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada la socodsiiyey in uu toddobaadkan wareegto dhaqan-gelin ah ku soo saaray Afar Siyaasadood oo uu Goluhu hore u ansixiyey muddadii ay Xukuumaddani xilka haysay, kuwaas oo kala ah:

  1. Siyaasadda Waxbarashada Qaranka,
  2. Siyaasadda Dhallinyarada,
  3. Siyaasadda Maamulka Dhulka,
  4. Siyaasadda Calafka Xoolaha.

Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso faray in ay si dhab ah ugu dhaqmaan Siyaasadaha uu Goluhu ansixiyo, isla markaana ay u beddelaan qorshe hawleed Qaran iyo waxqabad muuqda oo ay dadka iyo dalkuba ka faa’iidaystaa