Noolaha Adduunka Ugu Dilaasan Iyo Tirada Dadka Uu Sannad Kasta Galaafto

0
2162

Haddii lagu weydiiyo noolaha lagu tilmaami karo dilaaga ugu weyn ee adduunka jooga, waxaa markaba maskaxdaada ku soo degdegaya duurjoogta dadqaadka ah, bahal hoose iyo biyo ku noosha aadamaha kala jara, oo sannad kasta boqollaal nafood ajasha ka jara; laakiin runtu sidaas waa ay ka duwantahay.

Xogo laga soo ururiyey shabakadaha warbaahinta ee Cnet, Business Insider, Gates Note iyo BBC oo ay shabakadda Aljazeera baahisay waxaa lagu ogaaday in muddadii u dhexeysay 2016 illaa 2019 ay kaneecadu ahayd xayawaanka aadamaha ugu badan ku dilay adduunka, celcelis ahaanna sannadkii in ka badan hal milyan ay galaafanaysay.

Tiradaasi waxa ay ku dhowaad kala badh ka badantahay tirada dadka sababsada 15 nooc oo ka mid ah xayawaannada dilaaga ah; sida Libaax badeedka, yeyda, libaaxa, maroodiga, jeerta, yaxaaska, masaska iyo xataa dembiyada dilka ah ee dadku sida tooska ah u geystaan iyada oo aanay ku jirin kuwa dagaalka ku dhintaa. Waxaa kaneecada ku soo xiga aadamaha oo celcelis ahaan ay sannad kasta gacantiisa ku baxaan 500 oo kun oo qof, waa marka aan tirada lagu darin dadka ku dhinta dagaallada iyo colaadaha tooska ah.