Haddii Furaha Gaadhigu Kaa Lumo, Keliya Indhaha Isku Qabo Si Aad U Aragto Halka Uu Yaallo

0
703

Picture5Hargeysa (Geeska)- In badan ayaa aynu suugaanta Soomaalida oo weliba jacaylka u badan ku maqalnaa iyada oo ruuxu qofka uu jecel yahay uu ka codsanayo in marka uu labada indhood isku qabto sawirkiisu hor yimaaddo. Arrintani dad badan waxa ay ula muuqataa ku talax tag iyo is-diiddo aanu maanku qaadan karin, waayo waxa ay og yihiin in ruuxa indhaha la’ ama indhaha isku qabtaa aanu waxba arkin karin, sidaa awgeed in uu ku andacoodo in marka uu indhaha isku qabto uu wax arkaa ay iska tahay uun hadal tiro iyo ereyo uu sida ubaxa ku qurxinayo dareenkiisa uu cabbirayo.

Laakiin hadda kadib sida kaaga muuqan doonta qormadan uu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo turjumay, waxa aad garan doontaa in ay jiraan dad kale oo iyagu aragtidaas kuwaas hore mid ka duwan ka qaatay ereyadaas. Waa dad ay macno gaar ah oo dareenka qofka taabanaya u sameeyeen tixda ama tiraabta sheegaysa in ruuxa oo indhaha isku qabtaa uu arko qofka uu jecel yahay. Waa aragti, laakiin dabcan ma’aha aragtida indhaha ee waa aragti dareenka la xidhiidha.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Surrey ee dalka Ingiriiska ayaa daraasad ay muddo wadeen waxa ay ku ogaadeen in qofka oo labada indhood isku qabtaa ay tahay habka ugu fiican ee uu xusuusaha hore ku soo ceshan karo. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in habkani uu qofka ka caawinayo in uu helo wax yaabo ka lumay, sida furaha baabuurkiisa oo in badan dhacda in qofku uu maalin kasta waqti ka mid ah yara waayo.

Cilmibaadhistan oo tijaabooyin arrintan la xidhiidha ku samaysay dad kala duwan waxaa ka dhashay aaminsanaanta ah in indhaha oo la isku qabtaa ay sidoo kale dadka maragga (Markhaatiga) ka ah dembiyada ka caawinayso in ay xasuustaan wixii ay arkeen iyo tafaasiisha sida ay wax u dhaceen oo laga yaabo in ay mararka qaarkood kala illaawaan marka ay maxkamadaha ka hor sheegayaan. Waxa aanay cilmibaayaashani ku taliyeen in masuuliyiinta ka shaqaysa arrimaha dembi baadhistu ay habkan u adeegsadaan dadka ay doonayaan in ay ka waraystaan dembiyada ay baadhayaan, iyaga oo qofka kula talinaya in uu indhaha cabbaar isku hayo oo uu dib u xasuusto waxa dhacay iyo tafaasiisha sida ay u dhaceen.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingiriisku waxa uu intaas ku daray in cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ay rajo weyn ka qabaan in natiijadani ay noqoto jid lagu raadin karo hab dembi baadhayaasha u sahlaya in ay ka faa’idaystaan xilliga ay su’aalaha weydiinayaan dadka markhaatiga ah ama kiisku ku xidhmo.