Kabo Garaad Samaysa Leh Oo Dadka Araggu Ka Maqan Yahay Hagi Kara

0
646

Shirkadda Teknoolajiyadda ee ‘Austrian startup Tech-Innovation’ ayaa soo saartay kabo leh ‘dareemayaal ku shaqaynaya nidaamka xiinka hirarka ee ‘Ultrasonic’ oo dadka aragga naafada ka ah ka caawinaya in ay arkaan khataraha.

Kabahan oo loo bixiyey ‘InnoMake’ waa qalab caafimaad oo garaadsan, afka horena uu kaga rakibantahay qalab yar oo ku shaqaynaya Teknoolajiyada dareemayaasha ‘Ultrasound’ oo awood u leh in uu dareemo caqabadaha sida dhagaxa, kaabadda, gidaarka iwm ee illaa afar mitir u jira qofka, kaddibna qofka u dirayaan diginin cod iyo gariir ah. Kabahan oo la filayo in ay si weyn u caawin doonaan dadka aragga ka naafo ah ayaa lagu wadaa sii Horumarin ay shirkaddan iyo jaamacadda Graz ee Teknoolajiyadu si ay u sii bataan waxtarkoodu, gaar ahaan in lagu daro kamarado iyo teknoolajiyadda awoodda u leh Barashada si ay Sawirrada kamaraddu qaado u turjumaan kaddibna go’aan uga gaadhaan in jidka uu qofku marayaa yahay mid caqabado badani xagga hore ka jiraan.

Teknoolajiyaddani qofka indhoolaha ah kama caawinayso oo keliya in uu ogaado in caqabadi ka horreyso balse waxa kale oo ay awood u siinaysaa in uu fahmo ama qiyaas fiican ka qaadan karo Nooca ay tahay, tusaale ahaan god, dhagax iwm. iyo sida oo kale in uu yahay shay teed ah oo aan laga gudbi karin iyo in uu yahay shay laga tallaabsan karo, tusaale ahaan kaabadda iwm.

Weli xog intaas ka sii badan lagama hayo kabahan waxa se tijaabooyinku muujiyeen in ay qofka araggu ka maqanyahay u geli karaan kaalinta usha ama eyga haga iyo xitaa qofka gacanta qaban lahaa. Waxa se ay weli suuqyada ku yaallaan qiime aad u sarreeya oo 3 kun iyo 840 doolarka Maraykanka ah beerkii.