Somaliland: Tirada Dad Sitay Walxaha Qarxa Oo Ciidammada Amnigu Ku Qabteen Magaalada Burco

0
697

Burco (Geeska) – Ciidammada Amaanka, ayaa Shalay Duhurkii Magaalada Burco ku qabtay Dad looga shakiyey inay qorshaynayeen Weerarro Qaraxyo oo ka dhan ah Amniga Somaliland.

Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaano RRU, ayaa Gacanta ku dhigay Laba Nin Iyo Gabadh la sheegay inay siteen Walxaha Qarxa.

Ciidammada oo hawl-gal sameeyay ka dib markii ay heleen xog la xidhiidha saddexda Qof ee la xidhay iyo waxyaabaha ay siteen, ayaa ku guulaystay inay Qabtaan 3-da Qof iyo Wixii ay siteenba, sida uu Xalay baahiyey Telefiishanka SAAB oo uu Warkan ka soo xigtay Wargeyska Geeska.

Dadka la qabtay, ayaa la sheegay in laga soo qaaday Magaalada Burco oo lagu qabtay, loona soo dhaadhiciyey dhinaca Magaalada Hargeysa.

Lama sheegin Saddexda Qof inay yihiin Muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo inay yihiin kuwo meel ka soo jeeda, kuwaasi oo doonayey inay dhibaato ka geystaan Magaalooyinka Somaliland inta lagu mashquulsan yahay xuska 18-ka May.

Ciidammada Somaliland oo mar walba heegan ugu jira sugidda amniga, ayaa Maalmaha ay jiraan Xusaska Qaranka iyo Ciiduhu kor u sii qaada Hawlahooda sugidda Amniga.

Geeska.net/Hargeisa Office