Sawiro Run Ah Oo Si Qurux Badan Looga Qaaday Raadka Nebi Ibraahim (CS) Ee Kacbada

0
862

Maamulka sare ee hay’adda maamusha Masjid Xaraamka iyo masaajidka Nebiga (SCW), ayaa baahiyey sawirro farsamo aad u casriya lagu qaaday oo ah raadkii Nebi Ibraahim (CS) markii uu kacbada dhisayey. Sawirradan casriga ah oo ay dhif tahay in la helaa waa goobta loo yaqaanno ‘Maqaam Ibraahiim’ oo ku taalla dhinaca bari ee kacbada, wajahaadda u jeedda Safa iyo Marwa, kaddinka kacbada hortiisa meel 10 illaa 11 Mitir u jirta.

Qisada maqam Ibraahiim

Maqaam Ibraahiim waa dhagax qaddiimi ah oo uu Nebigii Allaah ee Ibraahiim (CS) ku istaagay xilligii uu kacbada sharafta badan dhisayey, markii uu darbigeedu kor u kacay iyada oo uu dhagaxa iyo dhoobada dhismahana u soo dhiibayey wiilkiisii Nebi Ismaaciil (CS). Mar kasta oo uu nebi Ibraahiim dhammaystiro derbi ka mid ah afarta derbi ee kacbada, marka uu qabcadda kale u wareegayo dhagaxan ayaa uu qaadanayey oo uu ku istaagayey.

Maqaamka Ibraahiim waa dhisme u samaysan qaab wareeeg labajibbaarane ah oo badhtankiisa uu ku yaallo raadka labadii cagood ee Nebi Ibraahiim (CS) oo ah laba good, oo si aanu madow ku jirin loo arkayo raadka.

Qudbiga Maqaamka Ibraahim (SC)

Qudbigan laga kor dhisay raadka Nebi Ibraahiim (CS) dhowr jeer ayaa la cusboonaysiiyey oo markii ugu dambaysay ay ahayd sannadkii 1387 kii hijriyada oo ku beegan 1967 kii miilaadiga, markaas oo uu boqor Fahad Ibnu Cabdalcasiis dib u dayactir ku sameeyey daboolka sare ee ku teedsan maqaamka Ibraahim (CS), kana dhigay dahaadh ka samaysan macdanta Kooberka loo yaqaanno oo nooc tayadeedu aad u sarreeyo ah, waxaana dhinacyada lagaga xidhay shabak dahab lagu dahaadhay iyada oo dhulka hoose ee uu dhagaxu ku fadhiyana laga dhigay marmar aad u qaaliya.