Haddii Aad Maraykan Tahay, Dhibaato Ma’ Leh In Aad Jebiso Shuruucda Ciyaaraha Ee Tartanka Olambikada

0
581

1Rio (Geeska)- Dunida maantu waxa ay maraysaa heer ay siyaasaddu farogeliso shay kasta oo ay ku jiraan ciyaaraha iyo arrimaha hore loogu yaqaannay in ay siyaasadda ka fog yihiin. Waxa ay arrintani si cad uga muuqatay ciyaartii orodka qori-isu-dhiibkaahayd ee tartankii ciyaaraha olambikada ee sannadkan ka qabsoomay magaalada Rio ee dalka Brazil.

Kooxda orodka qori-isu-dhiibka ee dalka Maraykanka oo ciyaarayey khamiistii toddobaadkii hore ayaa lagu dhawaaqay in aanay u gudbin wareegga dhammaadka kadib markii laba ciyaartoyga ka midahi ay ku guul-darraystaan in ay is-dhaafsadaan usha, waxa aana bilowgii meesha ka baxday rajadii ahayd in ciyaartoygan dumarka ahaa ay ku guulaystaan abaalmarinta dahabka ahayd. Laakiin sidaas ma’ay noqon oo markiiba kooxda Maraykanku waxa ay diidday in ay u hoggaansanto xukunka, waxa aanay furatay dacwad ah in sababta ay gabadha ciyaartoyga ah ushu uga dhacday ay ahayd orodyahanad reer Brazil ah oo hareer ordaysay oo jiidhay, kadibna sababtay in ushu dhacdo. Bilowgii dacwaddan Maraykanka dad badani ma’ay ay xiisayn oo waxa ay u arkayeen in sida nidaamka ciyaaruhu ahaan jiray mar haddii xukunkii garsoorka ee ciyaartaasi soo baxay aan dib loogu noqonayn, xitaa haddii ay run noqoto in uu qalad dhacayna xukun ciqaabeed kale iyo hab kale oo loo saxo la mari doono, laakiin mar kale taasi ma’ay dhicin ee markiiba guddida dacwadaha ee xidhiidhka caalamiga ah ee ciyaaraha orodku ay soo saartay xukun ah in kooxda Maraykanka ah cabashadooda la qaato oo dib loogu celiyo ciyaartaas, taas oo Kooxda orodka qori-isu-dhiibka ee Maraykanka u suurtogelisay in ay guulaystaan mar labaadkii una soo baxaan ciyaar-dhammaadka.

Arrintani waxa ay markiiba abuurtay muran iyo doodo sharci oo la isku hayo xukunkani in uu dhacay xilligiisii saxda ahaa isla markaana ahaa mid saxan iyo in kale. In kasta oo ay guddida garsoorku ku doodeen in xukunkoodan ay u cuskadeen dib u eegis ay ku sameeyeen kamaradaha maqal iyo muuqaalka ah ee ciyaarta laga duubay oo u caddeeyey in ciyaartoy ka socotay Brazil ay si aan ku talogal ahayn u jiidhay gabadha u ordaysay Maraykanka oo lagu magacaabo Allyson Felix, laakiin xaqiiqada markii dambe soo baxday ayaa noqotay in labadan ciyaartoy aanay isku dhicin si rasmi ah balse ay in yar jidhkoodu is taabtay iyo ta ka sii daran oo ah in orodyahan Allyson Felix ay orodkeeda sii wadatay ilbidhiqsiyo ka dambeeyey is-jiidhka iyada iyo orodyahanadda reer Brazil taas oo fursad u siinaysay in ay qoriga ku wareejiso saaxiibaddeed, laakiin aanay sidaas yeelin, ushuna markaas kadib ka dhacday.

Ugu dambayntiina faallooyinkakaladuwan ee dhacdadan ay warbaahinta dunidu ka qortay ayaa badankoodu ku doodaya in sideedaba ciyaaraha caalamiga ah ee dunida maanta ka dhacaa aanay sinnaba uga durugsanayn siyaasadda, oo mar kasta oo ay fursad u hesho soo farogelisa, iyo in si gaar ah go’aamada ka soo baxaya guddida garsoorka ee ciyaaraha orodku ay ahaayeen kuwo adag oo qaladaadka, dhac-dhaca yaryar iyo xitaa shakiga yimaadda ka gaadhaya go’aanno aad u adag, marka laga reebo haddii xaalku la xidhiidho ciyaaryahannada dalka Maraykanka oo marar badan ay soo baxeen arrimo u baahnaa in laga gaadho go’aamo adag oo kuwo la mid ahba laga gaadhay, laakiin guddida garsoorku ay dabcisay, in kasta oo aanay jirin farogelin muuqatay oo Maraykanku ku sameeyey garsoorka haddana waxaa jira tuhunka ah in si ili-ma’-qabatay ah ay cadaadis u saarayeen guddidan iyo guddiyada kalaba.