Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Sool

0
543

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Diiwaangelinta Gobolka Sool iyo qaabka ay u socoto, waxaanu sheegay inay ilaa hadda si wacan u socoto.

1

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xilka loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Guddaha oo ah masuul ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaanu sheegay in xilalka iyo jagooyinka loo siman yahay, waxaanu yidhi “Diiwaangelintii Gobolka Sool si fiican bay uga socota oo dadku si fiican bay isku diiwaangeliyaan, inay sidaas ku sii socotana waan ku rajo weynahay”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlay xilka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee loo magacaabay masuul ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa yidhi “Ninkasta ama qof kasta oo reer Somaliland ahi xaq buu u leeyahay inuu qabto jago walba waxa uu qof kastana xaq u leeyaha inuu Madaxweyne noqdo, Madaxweyne ku xigeen noqdo, Wasiirka Arrimaha Guddaha noqdo, waana soo dhaweeynayaa in markii ugu horeeysay uu noqdo Wasiirka Arrimaha Guddaha masuul ka soo jeeda Gobolka Sool”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada mar uu ka hadlay codsigii ay Somaliland ku dalbanayeen aqoonsiga ayaa yidhi “Waa arin fiican inay Bulshada reer Somaliland caalamka ka dalbadaan aqoonsi, waana waxaynu u baahan nahay in qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta oo uu joogo aynu ka wada hawlgano ictiraaf raadinta Somaliland”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu waxa uu soo dhaweeyey wada hadalad Somaliland iyo Khatumo oo uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in wada hadaladaasi ku dhammaadaan guul iyo is fahan.