Dubai Oo Qiimaha Injirta Timaha Gasha La’ Kala Siistaa Uu Gaadhay 4 Doolar Iyo Dawladda Hoose Oo Ka Digtay

0
625

1Dubai (Geeska)- Dawladda hoose ee Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaradaha Carabta ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay goobaha dumarku isku qurxiyaan uga digtay in ay Injirta timaha gasha iibiyaan iyaga oo ku andacoonaya in ay ka qayb qaadato bixitaanka timaha. Dawladda Hoose waxa ay digniintan ku sheegtay in meheradda (Koofeerka) lagu qabto isaga oo Injir iibinaya laga qaadi doono ganaax lacageed oo u dhigma 544 Doolar, kaas oo weliba sii laban-laabmi doona mar kasta oo isla meheradda lagu qabto in ay sii waddo ka ganacsiga injirta.

Degelka Internet ka ee Alimaaraat Alyawm oo qoray warkan uu Geeska Afrika turjumay, ayaa ka soo xigtay qaar ka mid ah dumarka ka shaqeeya xarumaha dumarka lagu qurxiyo (Koofeerrada), in iibka injirtu uu leeyahay suuq aad u firfircoon maadaama oo dumarku ay aad u jecel yihiin in timaha loogu beero injir iyaga oo aaminsan in ay timuhu ku bataan injirta.

Goobahan dumarka lagu qurxiyo ayaa uu warku sheegayaa in ay injirtan ku beeraan timaha googo’aha ah ee ku soo hadha xarunta marka dumarka loo dhisayo ama laga jaro timaha, waxa aanay timahaas ku hayaan quraarad heerkulkeedu uu sarreeyo oo ay injirtu awoodayso in ay ku dhex korto kuna dhex Taranto. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in xabadda keliya ee injirta ah gabadha lagaga iibinayo 14 doolar, taas ayaana loogu talogalay in ay ku Taranto madaxa.

Dhinaca kalana Khabiir ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca ee dumarka ayaa ka digay dhaqankan ah in dumarku ay iibsadaan injirta ama u isticmaalaanba fahamka ah in timuhu ugu badanayaan, waxa aanu sheegayin injirta oo timaha ku badataa ay keeni karto in qofka ay ku dhacaan xanuuno maqaar oo khatar ahi, sidoo kale waxa ay keeni kartaa in injirtu ku faafto xubnaha kale ee qoyska taas oo hadhow saaristeedu adkaanayso.

Injirtu waxa ay ka mid tahay cayayaanka ku yimaadda nadaafad darrada shakhsiga ah, waxa aanay ku dhex dhaqantaa timaha, iyada oo quudanaysa dhiigga, jidhka ka hooseeya timaha, waxa ay leedahay miciyo ay si adag ugu qabsato timaha si aanay uga dhicin xilliga feedhashada iyo marka uu qofku maydhanayo.