Haddii Aad Diiqad Iyo Niyad Xumo Dareento Isku Dabiib In Aad Saaxiibbadaa Talefanka Kala Sheekaysato

0
960

 

khubaraoLondon (Googooska Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in saaxiibbada oo talefanka lagala sheekaystaa ay si weyn u caawiso in uu qofku ka gudbo mushkilado badan oo nafsi ah. cilmi-baadhis ay khubaradani sameeyeen ayey ku sheegeen in qofka uu ku yar yahay haleelka la kulanka asxaabtu uu aad u adeegsado xidhiidhka talefanka si aanu uga xidhiidh furmo haasaawaha iyo kaftanka saaxiibbada dhex mara oo wax badan ka tara xaaladana nafsiga ah ee taban ee qofka soo waajaha.

 

Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Telegraph oo ka soo baxa carriga Ingiriisku cilmi-baadhayaashani waxa ay arrintan heleen markii ay tijaabo ku sameeyeen illaa 5500 (Shan kun iyo shan boqol) oo ruux, oo xaalado isku-buuq iyo diiqad ah ay ka daweeyeen khubaro ku xeel dheer cilmi nafsigu. Natiijada ay khubaradani baadhistoodan ka gaadheenna waxa ay noqotay in qofka diiqad ama culays nafsiya dareemaya waxa ugu fiican ee uu isku dabiibi karaa uu yahay sheekada saaxiibbada, taas oo aanu u baahnayn in uu la kulmo balse talefanka oo uu kala xidhiidho qudhiisu ku filan yahay.