Milicsi: Is Barbardhiga Weedhihii Saleban-Nuur Ee Waayihii Mucaaradnimo Iyo Dardaarankiisa Maanta

0
717

 

 

Hadaladii Adkaa Ee Natiijada Doorashadii 2002 UuSaleban Jeediyay Iyo Odaytinimadiisa 10 Sannadood Ka Dib

 

salebaanHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa fadhigii golaha guurtida ee Isniintii doraad, wuxuu ka jeediyay hadal waano iyo dardaaran ah, kaas oo la xidhiidhay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka, oo la filayo inay dhacdo 28 November.

 

 

Guddoomiye Saleeban, wuxuu ururada siyaasadda ee ku loolamaya doorashada goleyaasha deegaanka ugu baaqay inay aqbalaan natiijada doorashada iyagoo u danaynaya dalkooda iyo dadkooda, “Ururada siyaasadda waxaan leenahay aqbala natiijada doorashada idinkoo u danaynaya dalkiina iyo dadkiina. Ta’ ugu muhiimsani waa taas.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleeban oo baaq culus oo odaytinimo u dirayay madaxda ururada siyaasadda. Hase yeeshe hadalka Saleeban oo la miisaan ah xilka culus ee guddoomiyaha Golaha Guurtida, wuxuu gebi ahaanba ka soo horjeedaa weedhihii uu ku tiraabi jiray wakhtigii uu ahaa guddoomiyaha ururkii ASAD ee ku hadhay doorashadii golaha deegaanka ee sannadkii 2002.

 

Tusaale ahaan guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan oo ay weheliyeen guddoomiyihii ururkii SAHAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, guddoomiyihii ururkii Hormood Mr. Axmed Muxumed Madar, ayaa shirjaraa’id oo ay qabteen 30 December, 2002dii, oo ay kaga hadlayeen natiijadii doorashada oo ay ka mid ahaayeen ururadii hadhay, wuxuu guddoomiye Saleeban ka soo jeediyay hadal culus, waxaanu yidhi "Koley aniga iima cusba ka qaylinta cadaalad daro, musuq-maasuq iyo maamul-xumo dalkan ka dhacda, inbadanna ummadda waan uga qaylinayey inay ka gil-gishaan waxyaalaha maanta dhacay oo kale.

 

Dalku waa 23 degmo, laakiin 7 degmo oo ay magaalo madax gobol ku jirto cod lagama qaadin, weliba waa toddoba degmo oo isku reer ah, markaa miyeynu ka maaranay Harti iyo dhulka uu dego, laakiin hadii aynu ka maarano jamhuuriyadda inta soo hadhay maxaynu u bixinaynaa, sidaa darteed anagu urur ahaan waxaanu qabnaa ilaa ay codkooda dhiibtaan dadka toddobadaa degmo ku nooli inaanay xalaaloobayn natiijada ka soo baxdaa doorashooyinka, weliba waa marka la iska dhaafo wixii musuqmaasuq iyo ku shubasho dhacay, Somaliland-na jiri mayso hadii dalka qaar la waayo.”

 

Isagoo Saleeban hadalkiisa sii wata kana hadlaya eedaha loo jeediyo cid kasta oo cadaalad darro ka cabata ee uu nuxurkoodu yahay inay nabadgelyo darro wadaan, wuxuu yidhi, “Waar yaan ninkii wax xun oo dhacay sheega la odhan wuu gardarran yahay, nabadgelyada ayuu duminayaa, dab ayuu shidayaa, laakiin waxaanu leenahay waa in jiritaanka Somaliland loo hawl galaa oo aynu gedigeen gacmaha is qabsanaa.”

 

Marka la is barbar dhigo hadalkii guddoomiye Saleban ee toban sannadood ka hor iyo weedhihiisa maanta waxa ka muuqata kaaf iyo kala dheeri, waxaanay dad badan oo siyaasadda lafo-guraa ku doodayaan inaanay ururada siyaasadu ahayn kuwii uu guddoomiye Saleeban hadalka nuxurkan leh kula dardaarmi lahaa, balse ay la gudboonayd in maadaama oo uu ka hadlayo cadaalad uu wakhtigaas ka gilgishay uu farriin u diro cidda mindida daabkeeda haysa oo uu isba xilligaa ka cabanayey oo kala ah Madaxweynaha iyo guddiga doorashada.

 

Waxa ay ahayd in guddoomiye Saleebaan uu maanta dardaarankiisa iyo miisaankiisaba marka koowaad uu saaro cidda mindida daabkeeda haysa oo ah guddida doorashooyinka iyo madaxweynaha si loo saxo qaladaadka iyo cadaalad darrada uu ka cabanayey oo aanay jirin cid uga xog ogaalsanaa iyo weliba cid uga qaylodhaan badnayd xilligaas oo uu ka cabanayey in cadaalad darradaas uu tirsanayey aan lagu dambabasin ilaalinta nabadgelyada.