Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Xeerka Sirdoonka Ee Laga Qayliyay

0
771

 

xilHargeysa (Geeska)- Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel,  ayaa ka hadlay xeerka sirdoonka qaranka ee buuqa badan dhaliyay, kaas siyaasiyiinta iyo warbaahintuba ka muujiyeen dareen shaki leh, waxaanu sheegay in xeerka Sirdoonka qaranku dhigayo inay ka soo warbixiyaan tabashooyin xag dhaqaale ha noqoto ama xag waddo ha noqoto, ama wasaarado laga cabanayo ha noqoto, si madaxweynahu talaabo uga qaado, oo qofka uga qabto ummada ku tacadiyaya, oo xoolaha ummada ku tagrifalaya.

 

Xildhibaan Cabdikariin, oo ahaa khabiirkii la talinayey guddidii samaysay sharcigan ayaa tilmaamay in dadka dhaliilaya xeerkani aan danaynayn in dalkani cagaha isku taago oo xeerar lagu dhaqo loo sameeyo, oo qaran haybad leh, oo ictiraaf hela oo aduunka ka mid noqda uu noqdo, xaqiiqadu waa sidaa ama aqoondaro ha u geyso ama dano kale ha ka lahaadeene.

Xildhibaan Cabdikariim oo xalay noogu waramay xarunta Geeska Afrika ugu horayn, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, “Xeerka Sirdoonka Somaliland waxuu ka mid yahay xeerarka bani’aadamku ka samaystay duruufaha iyo waxyeelooyinka jira, waxaanan kala mid nahay caalamka. Shacabka Somaliland, masuuliyiinteeda kala duwan, waxay soo dhadhamiyeen dulmi fara badan, sidii wax u dhaceena inta nool, da’ yarta aan joogin mooyee iyo intii dhimatay mooyee, way soo dhadhamiyeen dulmi, cabudhin iyo caga-jugley fara badan.  Markaa wa ainnaga xaaraan, wax banana maaha sharciyo wax lagu cabudhinayo, ama dad gaar ah lagu waxyeelaynayo, gaar ahaan shacabka Somaliland. Wax sharcigani wax ku yeelayo hay’adaha madaxabaan, sida warbaahinta oo ku qoran ma jiro. Laakiin, dadkeena intood Abadan ma doonayaan dalkan xeerarkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa, ee lagu kala hagi lahaa, ee lagu xakamayn lahaa dhibaatooyinka ama duruufaha iman kara ama innagu xeendaaban ee jira, sidii wax looga qaban lahaa, ama loo furdaamin lahaa mashaakilka jira. Markaad aragto dadka qaar sida ay u hadlayaan, masuuliyiinta xisbiyada/ururada qaarkood, xeerkani wax ay aqoon u leeyahiin maaha, markaan arkay sida ay u turjumayaan Dr, Gaboose iyo Faysal Ali Waraabe ee jaraa’idka ugu soo qoreen waxay ahayd si aad iyo aad u khaldan iyo fikir khaldan ayey ka bixiyeen.”

Xildhibaanka, waxa uu Wargeysku weydiiyay su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xeerkan sirdoonka qaranka ee ay Baarlamaanku ansixiyeen.

 Haddaba su’aalaha iyo jawaabaha uu ka bixiyay mawduucan la soco cadadka khamiista beri.