Dhakhtar Masaari Ah Oo Qofka Gaaban Dheeraynaya Iyo Macaamiishiisa Oo U Badan Dadka Caanka Ah

0
706

Picture8Qaahira (Geeska)- Dr. Yaasir Al-Batraawi oo u dhashay dalka Masar oo uu bare-sare oo dhinac qalniinka lafaha ah ka yahay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Al-Azhar ayaa lagu daray liiska dhakhaatiirta lafaha ee ugu caansan Yurub iyo Maraykanka. Sido kale sawirkiisa ayaa lagu soo dhejiyey jaldiga sare ee maladda Orthopedics oo ka faalloota cudurrada ku dhaca lafaha iyo kabniinkooda, taas oo ka dhigaysa dhakhtartkii abid ugu horreeyey ee aan u dhalan Maraykanka iyo Yurub ee loo doorto in uu bogga hore ee majaladdan sawirkiisu buuxiyo.

Dr. Yaasir Batraawi waxa uu kaalintan ku mutaystay kadib markii uu 3 kun oo qof ku sameeyey qalniin noociisu dunida ku dhif yahay oo ah in la dheereeyo dadka gaagaaban. Mar uu u waramayey shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika soo xigtayna waxa uu sheegay, in uu sameeyey cilmi-baadhiso la xidhiidha qalniinnada lagu dheerayn karo dadka gaagaaban, iyada oo qalniinnada uu sameeyeyna ay noqdeen kuwo boqolkiiba 100 guulaystay isla markaana wax raad taban ah oo caafimaad aanay ka dhalan.

Sida ay ku warrantay majaladda Orthopedics dadka ugu badan ee dhakhtarkani uu ku sameeyey qalniinada uu lafahooda ku kala bixinayo si ay u dheeraadaan waa dadka dunida caanka ka ah, gaar ahaan kuwa ka tirsan shirkadda filimada Maraykanka ah samaysa ee Hollywood iyo siyaasiyiin caan ah oo meelo kala duwan oo dunida uga yimaadda. Dr. Batraawi waxa uu sheegay in tan iyo sannadkii 1996kii uu sameeyey 3 kun oo qalniin oo guulaystay, sidoo kale intii u dhexeysay 2002da illaa 201ka waxa uu sameeyey 3 boqol oo qalniin oo ah qurxin iyo dad dhudhumada cagaha loo dheeraynayey, waxa aanu hoosta ka xariiqay in macaamiisha ugu badan ee u timaaddaa ay yihiin dadka dunida caanka ka ah, iyo qaar ka mid ah xubnaha qoysaska boqortooyooyinka kala duwan ee dunida ka jira. Dr. Batraawi waxa uu sheegay in qiimaha qalniinka dheeraynta ahi uu yahay 48 kun oo doolarka Maraykanka ah oo gacanta oo keliya la xisaabinayo, halka qalabka lagu rakibayo lafaha ee dheeraynayana uu midkiiba yahay 19 kun iyo 200 oo doolar. Laakiin waxa uu ballan qaaday in qalabkaas la hubo in uu boqolkiiba boqol dheeraynayo dhudhumada cagaha, wax dhibaato ahina aanay ka imanayn dhinaca caafimaadka.

Dr. Yaasir Batraawi waa dhakhtarkii Masaari ah ee ugu da’da yaraa ee sannadkii 1998kii dowladda Masar siisay shahaado sharafta qaranka ee dhiirri gelinta muwaadinka, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 29 sano jir, waxaanu waqtigaas kuliyadda caafimaadka ee Al-Azhar ka ahaa kaaliye-macallin.