Akhri Oo Ha Qoslin: Aargoosiga Maangaabka

0
793

Hargeysa (Geeska)- Nin Beeraley ah ayaa aad u bukooday, kadib waxa uu doonay in uu dardaarmo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu u yeedhay Xaaskiisii, markaasuu ku yidhi,  “Haddii aan dhinto, waxa aad guursataa Ninka aynu dariska nahay ee hebel”,

Gabadhii aad ayaa ay ula yaabtay taladan odaygeeda, waxa ay ogeyd in ninkeeda iyo ninkan uu guurkiisa kula dardaarmayo uu ka dhexeeyey xin-fil-tan iyo hoos ka tuur.  Si ay u fahamto sirta ku jirta warka saygeeda ayaa ay weydiisay, “Oo hebel maxaad ku dooratay” waxase yaab ku noqotay markii uu ninkii ugu jawaabay, “Waayo.. Beri hore ayaa uu i khiyaameeyey oo uu iga iibiyay Sac duq ah oo buka, markaa waxa aan rabaa in aan adiga kuu guuriyo si aan uga dhigo aargoosi”