Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
547

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

– Si kasta oo noloshu ay kuugu adkaato ama aad ula kulanto wax aad qoomamayso, ha ku ducaysan dhimasho. Ogow in noloshu ay tahay hadyadda ugu wayn ee Alle bixiyo.

– Ma jiro qof aan khaldamin. Noqo mid markaba ka toobad keena gefkiisa. Ilaahay mar walba dambi dhaaf waydiiso oo ka dheeroow niyad jabka.

– Ka dheerow Isku-buuqa, Niyad-jabka, Murugada iyo Caajiska, waayo waxba ma kordhiyaan ee wax-qabadka iyo karitda qofka ayuun baa ay dabraan.

– Calool-xumada, darxumada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadawnimada iyo Dulmiga intuba waa Shar ee Ilaahay ka magan gal, mar walbana ka bari in uu kaa badbaadiyo.

– Xasuusnoow in Ilaahay uu kaa jecel yahay Hooyadii ku dihatay, haddii aad dareento cidlo, in lagu nacay, war-war ama in noloshu aanay macne togan kuu lahayn ogow in aad dambaabtay oo Rabbigaa u noqo.

– Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marnaba kama wayna naxariista Rabbi sidaa awgeed Isaga u toobadkeen go’aansana in aanad ku noqon.

– iibso wax in aad u baahantahay, oo u iibsan cid inaad ugu faanto ama aad u muujiso in aad ka sarayso. Ogow su’aalaha u horeeya ee maalinta Qiyaamaha qofka la waydiinayo, waxa ka mid ah; halka aad ka keentay maalka iyo halka aadku bixisay.

– Ka dheeroow gacan adayga ogow, waxa aad sadaqaysato ayuunbaa kuu ah Raasamaal Dhab ah. Xasuusnoow in sadaqaddu ay ka bilaabanto guriga. (Qoyska iyo Ehelka).

– Qorshahaiyo nidaamka fiicani waa Furaha guusha, ku dadaal in aad mar walba gurigaaga u samayso qorshe Miisaaniyadeed.

– Waxa waajib kugu ah in aad caruurtaada iyo Carruurta aad ka masuulka tahay wax-barto khaladkana ka saxdo. Laakiin ma hubtaa in aad taqaanno oo aad hubto waxa aad u sheegayso, goorta ugu habboon ee ay tahay in aad u sheegto iyo sida aad ugu sheegaysaba. Intaas oo dhan waxa ka horeeya in aad adigu isa saxdo inta aanad iyaga saxin.

– Haddii aad rabto in Ehelkaaga iyo Ubadkaagu ay daacad kuu noqdaan adigu marka hore daacad u ahoow.

– Marka aad hadyad siinayso Ubadkaaga, ha u kala horreysiin ama mudnaysiin Dhedig iyo Lab. Balse u kala horraysii sida ay u kala wayn yihiin.

– Korinta iyo barbaarinta hablaha ha dhayalsan. Sida Nabigeeni Muxammed laga soo weriyo, Qofka koriya, Edbiya, Jeclaadana laba hablood waxa uu galayaa Jannada. Haddii ay ka bataanna ajar ayaa ay la badanayaan.