Dabeecadda Abuurka Ah Ee Aadamaha Ayaa Ah In La Is Khilaafo, Laakiin Sirtu Waa Hadba Sida Loo Xakameeyo

0
684

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay, waa qodobbo xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu ay sheegeen in ay inta badan sababaan is khilaafka dadka, iyo sida ugu habboon ee la isaga dhowri karo:

3. Qodobbada cadaadiska ah: Qof kastaa waxa uu leeyahay qodobbo cadaadis lagu saari karo, haddii la doonayo in arrin qasab lagu ogolaysiiyo. Waa qodobbo saamayn ku yeelanaya go’aanka uu qofka la saaray gaadhi lahaa, iyo sida uu uga jawaabayo xaalad gaar ah. Mararka qaarkood waa qofka oo bar-tilmaameed joogto ah ka dhigta waxa uu qofkani u nugul yahay, ama qofka oo caadaysta isticmaalka ereyo uu doonayo in uu qofkan ku tuso in aanu lahayn shakhsiyaddii hawshan qaban kari lahayd oo dhamaysitran.

“Wax-ma-tare ayaa aad tahay ama waa aad taab gaaban tahay / gacan-culus tahay) ayaa ay dadka qaar si joogto ah u isticmaalaan, laakiin ogow in xitaa haddii adiga ay kaa tahay afka baarkiisa iyo hadal la iska yidhi, in ay jiraan dad badan oo arrintani ay nabar ku noqonayso aadna uga xumaanaya, lagana yaabo in ay geliso colaad iyo cadho.

4. Waayo-aragnimo hore oo aan fiicnayn: Qofka oo taariikhdiisa shaqo ama guud ahaanba noloshiisu ay soo martay waayo aan qurux badnayn, waxa ay saamayn ku yeelataa maskaxdiisa iyo weliba hab-dhaqanka iyo sida uu dadka ula macaamilayo. Maamule shaqo oo hore si aad u fuul xun qofka ula soo dhaqmay, waxaa ka dhalan kara in qofku uu qaato waayo-aragnimo ah in qallafsanaantu tahay sida keliya ee qofka loogu qasbi karo in uu u dhaqmo si ka duwan sida uu hadda u dhaqmayo.

Waxaa dhacda in qofku mustaqbalka isna sidaa si la mid ah cid kale u sii mariyo saxariirkii la soo mariyey muddadii uu shaqaalaha ka hoos ahaa maamulahaas qallafsan.

5. Dhibaatooyin shakhsi ah: In kasta oo maamulayaasha qaar laga yaabo in ay bilaa naxariis yihiin ay sheegaan in aanay fiiicnayn in qofku mushkiladihiisa shakhsiga ama qoys uu la yimaaddo shaqada, haddana runtu waxa ay tahay in marar badan ay arrintaasi tahay mid aan laga dheeraan karin. Xitaa haddii uu isku dayo in aanu si muuqata u muujin dareenkiisa. Haddana weli waxa ay arrintani saamayn ku sii lahaanaysaa heerka niyad wanaagga shaqo ee qofka iyo hawlgudashadii saxda ahayd ee looga baahnaa.

Waxaa kale oo iyaduna dhici karta in khilaaf iyo muran shaqaalaha dhexdooda ah uu qofkani si kedis ah oo aan la filayn u geli karo ama mararka qaarkood in isaga oo meel kale ka gubanaya uu wax macno darro ah ka kiciyo khilaaf aad u weyn oo shaqada iyo wada shaqaynta dhib ku keeni kara.

6. Qodobbada mabaadii’da ah: Dabeecadaheenna iyo wax yaabaha ina dhiirrigeliya inta badan waxaa dabada ka wada aaminsanaanteenna iyo qiyamka aynu qaddarinayno. Marka aynu la kulanno qof aynu wada shaqaynayno ama maamule inaga dalbanaya in aynu qabanno hawl ama nidhaahno ereyo burinaya qiyamkaas iyo caqiidadaas innagu beeran, waxaa hubaal ah in khilaaf shaqada gudaheeda ahi dhaqso u qarxayo. Haddii markaas aanu khilaafkaasi qarxin waxaa qarxaya khilaaf kale oo qarsoodi ah oo qofku uu naftiisa qudheeda la gelayo. Tusaale ahaan waxa uu is weydiinayaa in uu yeelo sida maamulku ka rabo iyo in uu ku adkaysto mabaadii’diisa amarka maamuluhu burinayo, khilaafkaas iyo walaacaas qofka gudihiisa ku beeran ayaana marar badan sabab u noqda khilaaf shaqo oo laga yaabo in maamulka iyo dad kale la shaqaynaya qofkuba ay fahmi waayaan waxa shidaya qofkan. La soco…