Wariya Ka Hadlayey Talefishan Dawladeed Oo Si Toos Ah Hawada Uga Naqdiyey Siyaasadda Madaxweynaha Dalka

0
543

Qaahira (Geeska)- Haweenay warfidiyeen caana ka ah dalka Masar oo u shaqaysa talefishanka da wladda ee Al-Qaahira ayaa si toos ah iyada oo hawada ku jirta u weerartay madaxweynaha dalkaas Cabdalfataax A-Siisi oo sida ay sheegtay waxba ka qaban kari waayey musuq-maasuqa dalkaas ku baahay, waxa aanay madaxweynaha ku eedaysay in aanu lahaynba aragti iyo qorshe cad oo uu kula macaamilo mushkiladaha dalka Masar.

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Siisi si toos ah talefashanka dawladdiisu maamusho looga jeediyo eedo iyo naqdi tan iyo sannadkii 2013kii oo uu xukunka dalkaas xoog kagala wareegay madaxweynihii abid si dimuqraaddi ah dalkaas loogu doortay ee Maxamed Mursi, laakiin weerarka war-fidiyeenku ku qaadayaan Cabdifataax Siisi muddooyinkan dambe kuma koobna Cisat Al-Xanaawi.

Bar-kulannada bulsho ee internet ka ay ku leeyihii dadka Masaaridu ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa buuxiyey Fiidyow yar oo muujinaya Cisat Al-Xanaawi oo madaxweynaha si qallafsan ugu weeraraysa, kuna eedaynaysa in uu ku fashilmay in uu la yimaaddo qorshe iyo aragti hoggaamineed. Waxa ay is weydiisay sababta diidaysa in lala xisaabtamo qof kasta oo takri fal maamul iyo gaabis lagu arko ama ku xad gudba oo dulleeya shacabka Masar, iyada oo ku celcelisay in laga bilaabo madaxweyne Cabdifataax Siisi oo ay si toos ah ugu tidhi, “Adiga ayaa aan madaxweyne jawaabta kaa sugaynaa” Cisat Al-Xanaawi markii ay barnaamijkeedan ka baxaysay ee ay daawadayaasha sagootiyeysayna ku dartay ereyga ah, “Haddii Qaddarku saamaxo in aynu mar kale hawada ku kulanno” taas oo loo fahmay in ay ku muujinaysay in shaqada laga eryo doono hadalladeedaas awgood.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee Huffpost Arabi wawxa uu intaas ku daray in ay jiraan warfidiyeenno kale oo iyaguna Madaxweyne Siisi ku dhaliilay sida ay dawladdiisu ku waajahdo dhibaatooyinka soo foodsaara dadka dalka Masar, tusaale ahaan qaabkii dawladdu u gashay wax ka qabashada daadadkii dhowaan qarqiyey magaalada Al-Iskandariya, oo weliba madaxweynuhu aanu tegin magaalada baaxaddaas leh ee masiibadu ku dhacday isaga oo ku mashquulsanaa kulan uu la yeelanayey masuuliyiin shirkad Jarmal ah awgeed.